Xanta Xamar

Somaalida waxaa lagu xantaa in ay tahay bulsho hadal badan isla markaana waxa walba oo ay aragto si un wax uga sheegto. Todobaadkii hore Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday Dagaal u dhaxeeya dhinacyada isugu awood sheeganaya gacan ku heynta Magaalada, waxaana dagaalkaasi markii ugu horeysay aaga hore ee dagaalka lagu arkay Shariif Shiikh Axmed oo ah Madaxweynaha hada talada haya, waxaana badanka dadka reer Muqdisho markii dhawaqaasi dhagahooda uu gaaray ay xasuusteen waayadii Maxakamadaha iyo sanadkii 2006-dii siday xaaladu aheyd.
Xanta Xamar

Qiyaastii 48-saacadood  ayuu aaga hore ee Dagaalka ku sugnaa shariifka isaga oo xiran dharka Milatariga iyo jaakada looga gabado xabadaha, waxaana arinkaasi ka soo baxay fasiraado kale duwan .

 

Dhanka Dowlada waxa ay  ku fasireen arinkaasi inuu ahaa talaabo niyada loogu dhisayo ciidamada isla markaana loogu dhiira galinayo u dhabar adeegida dagaalada xoogan ee ay kala soo horjeedaan dhinacyada Hubeysan, laakiin sheeka taas ka culus ayaa iyana jirta taas oo ah in dagaalkaasi uu ahaa dhoola tus iyo u kuur galid xeelada dagaal ee dhinacayda Dowlada ka soo horjeeda oo xiligan Dowlada ay u maara la’dahay sida Madaxweynahaba afkiisa uu ka qiray Mar uu ka qeyb galay Shirka urur gobaleedka IGAD.

 

Sheekooyinkan la xiriira dhoola tuska waxa ay warinayaan in aaga hore ee dagaalka Madaxweynaha ay kula sugnaayeen qubaro dhanka Ciidanka ah oo ka kala socday Maraykanka iyo Itoobiya kuwaa oo darsayay xeelada dagaal ee dhinacyada, waxaana la sheegay in hada ay baxeen dhinacyadaasi isla markaana ay ka soo fakarayaan istaraatiijiyad lagu wiiqi karo awooda dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

 

Iyadoo sii xoogeysiga xanta arimahaasi la xiriirta ay socoto ayaa 3-dii Bishan wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Shariif waxa ay u kicitimeen magaalada addis-ababa ee Dalka Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay shir ay yeesheen urur gobaleedka IGAD uuna shir Gudoominayay R.wasaaraha Itoobiya Meles zanawe.

 

Shirkaasi isaga ah waxaa looga dooday xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhanka Amaanka, Shariifka Qodbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu aad u dhaliilay awooda dowlada ee la xiriirta u babac dhigida kooxaha ka soo horjeeda oo uu ku dooday in ay gacan ka helyaan waxa uu ku tilmaamay Al-qaacida isagoona  hoosta ka xariiqay in Dowlada iyo awooda AMISOM aanay u babac dhigi Karin dhinacyadaasi hadana loo baahan yahay kaalma milatari oo IGAD dhankeeda ka timaado.

 

Madaxda IGAD markii ay arintaasi ka doodeen waxa ay gudoon sadeen in dalka loo soo diro Ciidamo 2-kun tiradooda gaareyso oo cusub kuwaa oo ka imaanaya dalalka safka hore la yiraahdo oo ay Itoobiya ka mid tahay.

 

Xusuusta waayaha iyo diiwaanka taariikhda hadaan dib ugu laabano aan milicsano waayadii maxkamadaha iyo dibad baxyadii jimca walba ka dhici jiraya Fagaaraha Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho lagana Soo abaabuli jiray Masaajidka Shiikh Cali Suufi ee ku yaala jidka wadnaha gaar ahaan isgoyska KPP ee Degmada Hodan, iyo ereyadii uu adeegsan jiray Sheikh Shariif Shiikh Axmed .

 

“Saf hore iyo saf danbe dooni meyno, Itoobiya waa cadawga umada Soomaaliyeed, waxayna dooneysaa in ay tirto taariikhda umada” ereyadaasi iyo kuwa kale oo badan waxa ay ka mid ahaayeen kuwii uu adeegsan jiray 4 Sano ka hor Shariif Shiikh Axmed.

 

Mudo laba sano ah oo ay ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Dalka  ma hadhooyinkii laga dhaxlay wali waxaa laga dareemayaa degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaa oo ay bur bur weyn u geesteen, waxaana arinkan marka ay maqleen si weyn uu u walaac galiyay Dad badan oo ay  waxyeelo gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya Mudadii ay Muqdisho ku sugnaayeen.

 

28- December 2006 ayeey labada jiho ee Magaalada laga soo galo ka kala yimaadeen, dadka reer muqdisho maalinkaasi waxa ay u kala dareereen daawashada  Muuqaalka ciidamada Itoobiya, laakiin ciidamada waxa ay la noqotay in caleemo qoyan lagu soo dhaweeyay shacabkana ay raali ka yihiin laakiin mudo kadib jawiga waa is badalay.

 

Inkastoo wali aan si shaacsan ay ciidamada Itoobiya u soo galin Dalka, hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan isla markaana ka socda dhanka Hiiraan iyo Galguduud, dad badan baase rumeysan in jawi ka duwan kii hore ay hada la imaan doonaan isla markaana ay ka soo gali doonaan Dhanka Gobalada Gedo iyo Jubooyinka isla markaana ay u soo biya Shuban Doonaan Muqdisho iyo shabeelooyinka.

 

Ujeedka laga damacsan yahay Istaraatiijiyadaasi ayaa la sheegay in ay tahay iyadoo in badan la rumeysan yahay in xoogaga Dowlada ay u caal weysay ay ku xoog badan yihiin dhankaasi isla markaana dagaalka lala galaya loo yeeli doono waji ka duwan kii hore.

 

Hadaba ciidamo la soo kordhayo iyo dagaal lagu baaqo Natiijada ka dhalan karto soo kaliya ma ahan baaba shacabka oo sii socda isla markaana burburka Dalka uu sii kordho, waxaa hubinti ah oo aanu shaki ku jirin in dharaar ay noqotaba la xisaabin doono dhinacyada ku lugta leh dhibaatada hada ka socota Dalka ee maata leyska ah.

 

Akhriste ra’yi ahaan adiga maxay kula tahay hadii dib ay u soo laabtaan ciidamada itoobiya waxa ay soo kordhin karaan iyo dhibaatada ay sababi karaan?

 

www.keydmedia.net

 

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.