Xasan Daahir Diinta kama baxaayo ”Shabaab kama baxaayo”

Dr. Ali.A.Hirabe - Waxaan ka xumahay in Shaqsiyaad u bartay ka Ganacsiga Dhiiga Umada in aay abuuraan walaac iyo dacaayado Siyaasadeed oo ku wajahan sidii Dowlada F. Lugaha loo qaban lahaa ujeedkana uu yahay haddii Axmed Madoobe mucaaradnimadiisa ku helaayo xil maxaa Xasan Daahir uu xil uga heli waayay Dowlada hada jirta?
Maqaallo Keydmedia Online
Xasan Daahir Diinta kama baxaayo ”Shabaab kama baxaayo”

Waxaan jeclahay in aan Umada u soo gudbiyo dhacdada X. Daahir ku yimid Maamulka Ximan iyo Xeeb ilaa Muqdisho in aay aheeyd siyaasad aay wadeen shaqsiyaad X. Daahir aadka uga dhawaa sida Imam Sheikh Bashir Imam Salad Dhoole Yare oo sheegta in uu yahay  gudoomiyaha beelaha Habar Gidir iyo Duduble ee UK waxaa uu ahaa Afhayeenka Xisbul Islaam ee dalka Ingariiska.

Sida la ogyahay waxaa uu Immam Bashiir ka dhoofay magaalada London asaga oo Somalida ugu sheekeeyay in uu isku sharxaayo Madaxweeynenimada Xubin iyo Xeeb waxuu tagay south Africa iyo Kenya hadafkana waxuu ahaa in jabhada X.Daahir aay gaartay xiligii X.Daahir uu ku soo dabaali lahaa awood-qeeybsiga dowlada Federaalka iyo in la galo abaabulka iyo kicinta shacabka Somali iyda oo la sheegayo in X.Daahir ka noqday mab-dii Al shabab isla markaasna uu X.Daahir mudan yahay in la siiyo hub iyo ciidan beeleed uu isga dhiciyo ina Godane, Immam Bashiir iyo rag la socday markii aay tageen Cadaado waxeey bilaabeen abaabul iyo sidi X. Daahir loogu soo dhaweeyn lahaa magaalada Cadaado halkaasna wadahadal awood qeeybsi ah looga dhawaaqo dowlada Xassan Sh. Maxud.

Markii uu X. Daahir yimid Cadaado waxaa ugu horeeyay ee uu weeydiiyay waxeey aheeyd ciidankii loo diyaariyay iyo hubkii in lagu soo wareejiyo si uu uga guuleeysto ina Godane balse maamulka Xubin iyo Xeeb ayaa arinkaa u arkay mid burbur iyo halaag u keenaya dhamaan reer Xubin iyo Xeeb waxaana aay qaateen Goáan ah in X. Daahir loo taliyo dagaalna aaanan laga ogoleeyn magaalada  Cadaado, waxaa la qaatay Tala xumidii X. Daahir in aaneey tol xumi u Wehlin balse loo baahan yahay in X.Daahir dalka laga qabto, iyada oo eey meeshaa joogto ayaa Muqdisho waxaa soo gaaray warka sheegaya in X.Daahir uu joogo Cadaado halkaas ayaa waxaa gurmad isku baheeystay koox Ceeyr ah iyo koox Saleebaan ah ayaga oo midba midka kele aanuu ku hadaf aheeyn,Axmed Diiriye iyo Xildhibaanka C/qaadi Cali Cumar ujeedkooda waxaa uu ahaa alloow yaa maruun X.Daahir ka saara Cadaado sabbabta oo ah Ethiopia ayaa ku dhawaaqday in ay 24 saac gudaheeda aay ku soo qaban doonto X.Daahir halka Cabdi Daahir iyo Indhacadre aay rabeen in aay dowlada kula gorgortamaan X.Daahir.

Ugaas ma aha Cabdi Daahir xaqiiqdii waase nin  ku lafo ruuga marka laga hadlayo siyaasada Somaliya,Ugaaska dhabta ah waxaa la dhhaa Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur,waa Ugaas Somnali ah ah-lu diin ah waa Ugaas aanan marna dibada ugu bixin magaalada dhuusamareeb  akhristow ma ogtahay in Cabdi Daahir uu ahaa Al shabaab mase ogtahay in Cabdi Daahir in uu haa ninki ka qaatay Al shabab magdhawdii dhalinyaradii 80 ka gaarayaya ee beesha Ceeyr lagu gumaaday dhuusemareeb iyo Muqdisho,markii uu ogaaday X.Daahir ujeedka uu lahaa i uusan socon karin  ayaa Cabdi Daahir iyo Indhacade bilaabeen in aay dowlada federaalka kula gorgortamaan X.Daahir,waxaa ugu danbeeyn lagu qanciyay X.Daahir in aaneey meel cidla ah kaga dhaqaaqin.

Dowlada Federaalka waxaa garoonka diyaaradaha uga soo degay ilaa 40 rag ah,waxaa aay dowlada meesha ka saartay in AMISOM ay qaabisho X.Daahir balse waxaa la door biday in xubno wasiiro ah aay qaabilaan,waxaa meeshaa ka baxday in ujeedka X.Daahir Xamar loo keenay in ay tahay in uu dowlada isku soo dhiibo sheego in uu ka baxay ururkii Al shabab balse waxaa soo baxday in Cabdi Daahir iyo Indhacade aay ku gorgortamaayaan in X.Daahir awood-qeeybsi dowladeed uu u yimid  dowlada federaalkana uu wadahadalo la galaayo,waxaa aay wasiiradii tagay garoonka garan waayeen hadafka uu X.Daahir u yimid Muqidisho  buuq iyo qeeylo ayaa waxaa aay  socday ilaa 5 saac markii ugu dabneeysay waxaa lagu heshiiyay in la geeyo hoyga ciidamada nabadsugida halkaas ayaa colaada ka bilaabatay waxaana iska horyimid ujeedada X.Daahir  reerkiisa u keenen Xamar iyo ujeedka dowlada oo ahaa in X.Daahir cadeeyo in uu ka noqoday ururkii Al shabab balse weli waa la sugayaa ?? “Meeshii roob laga sugaayey ayaa Cayryaamo ka timid!”

X.Daahir weli ma uusan cadeeyn mana rabo in uu cadeeyo waxa meesha ka dhacay iyo in uu caalamka u sheego in uu ka laabtay ururukii Al shabab,waxaa laga haya markii uu yimid garoonka shirqoon ayaad ii dhigteen aniga diinteeyda ma iibsanaayo oo uu ula jeeday al shabaab kama baxaayo.


X.Daahir waxaa uu horor ku ahaa dhulka Hawiye iyo dadkiisa,Akhristow maxuu mudan lahaa haddii X.Daahir lagu qaban lahaa Puntland iyo Somaliland ama Axmed Mdoobe uu gacanta ku dhigio lahaa, waxaa ciidamada sirdoonka Xamar sheegeen in weli X.Daahir uusan ka bixin ururkii Al shabaab balse uu sheegay in shiqool adag uu ku dhacay         

Qormo xusuus mudan oo beesha ceeyr qortqay xiligii Cabdi daari u shaqeeynaaayay ururkii Al Shababka hoos ka akhri.

http://warsheekh.com/view.php?id=13220

http://allboocame.com/?p=8189

Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.