XASAN DAAHIR: Nasiib waa ku soo Maray, Nabsina waa ku Heystaa!!!

Bishii April 2009 ayuu Xasan Daahir ka soo dagay garoonka No50 isaga uu ka yimid magaalada Asmara ee Dalka Eratareeya, caleemo qoyan iyo farxad ayeey ku soo dhaweeyeen dadka dagan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo xubno ka tirsanaa odayaasha Beeshiisa, dadka may ogeyn waxa ka guuxaya laabta Xasan Daahir iyo doonistiisa ku aadaneyd sii wadadida dagaalada ka socda Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online
XASAN DAAHIR: Nasiib waa ku soo Maray, Nabsina waa ku Heystaa!!!

Todobaad marxabeyn iyo soo dhaweyn ah kadib, xasan waxa uu shacab tira badan kula hadlay fagaaro ku yaala Degmada Wardhiigley meel aan ka fogeyn Masaajidka C/lle iyo cawareera waxaana uu sheegay in Dagaalka Muqdisho uu socon doona isla markaana ujeedada socdaalkiisa ay tahay sii hurinta colaadaasi.

26 May 2009 ayaa shaaca laga qaaday in Xasan Daahir loo magcaabay gudoomiyaha kooxda xalay ka mid noqotay Shabaab ee Xisbiga lagu magacaabo, waxaana jagadaasi ku wareejiyay Aweys,  Dr Cumar Iimaan Abuukar oo ahaa nin culuumta Diinta Islaamka ka bartay Jamacad ku taala Boqortooyada Sacuudiga isla markaana ahaa xeeldheere dhanka diinta ah sida ay qireen qaar ka mid ah Raggii ay saaxibka ahaayeen mudadii uu ardayga ka ahaa Sacuudi Carabiya.

Gudoonkan cusub sameyntiisa ayaa ka danbeysay kadib markii koox ay ka mid ahaayeen Yuusuf indhacade iyo Max’ed C/llaahi Cameey ay ku soo biireen Dowladda KMG ah, waxaana dib isu abaabulidan ay ka danbeysay arintaasi.

Dad badan waxay rumeesnaayeen maadaama Xasan Daahir kolkii laga adkaaday maxkamadaha uu dhibaata badan kala kulmay socdaal dheer oo ilaa iyo Asmara ay ku tageen isaga iyo saraakiishii maxkamadaha in aanu dagaal hurin doonin balse uu waddo nabadeed wax ku raadin doono, laakiin arinkaasi waxa uu noqday mid riyo ku saleysan.

Dagaalkii ayuu sii barataaray, waxaana taasi ay sababtay in dad badan oo u calool furnaa ay ka calool goostaan sabab la xiriirta qaab dhaqankiisa gurcan, waxaana dadka ka yaabiyay sida uu dagaalka ula jidbeysan yahay.

Soomaalida oo ah umad aftahanimada uu alle ku manneestay ayaa tiraahda “Nabsi Bil ha jiro Barise ha jiro isha Baarkeed ka dhaw” habaarkii dadka ku noolaa ceelasha ilaa Afgooye ee Xasan Daahir bishii April ku soo dhaweeyay caleemaha qoyan maanta ayuu soo ifbaxay kadib markii Xasan Daahir oo Muqdisho iyo hareeraheeda ka waayay meel uu naftiisa ku aamino.

Aweys Wareysi uu siiyay Keydmedia muda hada dhawr sano laga joogo waxa uu ku sheegay in dagaalka dadka loogu nasteexeynayo isla markaana iyaga ay u dowrbideen shacabka dagaal aan dhamaan isagoo tusaalayaal soo qaatay.

Waxa uu Muqdisho iyo hareeraheeda ka daganaa ku dhawaad 10 Guri kuwaasoo qaarkood ay ku yaaliin Lafoole oo ka tirsan deegaanada loo barakacay, Ceelasha Biyaha, Labadhagax oo wardhiigley ka tirsan iyo agagaarka Warshada taraqa iyo Sigaarka meel u dhaxeysa Baar-caasho  iyo iskuulkii Muusa Galaal, waxaana uu isku aamini waayay Xasan Daahir  dhamaan guryahaasi sabab Amman darteed

Bishii November ee tagtay ilaa bishan aynu ku jirno ayaa marba marka ka danbeysa waxaa xoogeysanayay dagaalka u dhaxeeyay kooxda Xasan Daahir iyo kooxda kale ee Godane,waxaana dagaalkaasi uu sababay in taliska Aweys uu ku soo koobmo qeyb ka mid ah Afgooye ilaa ceelasha, wallow halkaasina xiisado ay ka jireen.

Arbacadii ina dhaaftay Xasan Daahir iyo koox ka tirsan taageerayaashiisa iyaga oo ku dhuumaaleysanaya Guri ku yaala xaafada xararyaale ee degmada Wardhiigley waxa ay u yeereen Saxaafadda si ay u iclaamiyaan dagaal ka dhan ah kooxda Godane, laakiin waxaa arinkaasi si deg deg ah uga war helay qeybta warfaafinta ee kooxdaasi kuwaa oo fariin deg deg ah gaarsiiyay, waxaana fariintaasi ay sababtay in la baajiyo shirkii saxaafadda loogu yeeray, Max’ed Cismaan Caruus oo ah afhayeenka dhanka howl-galada kooxda Xasan Daahir waxa uu sheegay in saxaafada dib looga yeeri doono kulankana uu xasaasiyad gaar ah leeyahay iminkana aan war la bixin Karin.

Dad badan uma arkayaan talaabada uu Xasan Daahir ugu martiyay Godane mid weyn waayo waxa ay leeyihiin Nabsigii shacabka uu ka galay mirihiisa ayunbuu guranayaa xiligan.

Sheekada shacabka marka la darso waxa ay saadaasha ku sii siqeysaa in Aweys oo noqon doono Xabsi guri si la mid ah Saaxibkiis Xasan Turki, haday taasi dhacdo waxaan shaki ku jirin in xubno badan oo ka tirsan saraakiisha ku hareereysan in ay dadaal u gali doonaan sidii ay dowladda dhankeeda ugu soo wareegi lahaayeen, halkaasoo loo arko fursad.

Talaabada kooxahaasi ay ku soo wareegayaan waxaa dulaaliin ka noqon doona xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood ay wasiira hore ahaayeen kuwaasoo laba jeebla yaal ah isla markaana xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo kooxaha dowladda la dagaalama.

Go’aankan uu qaatay iminka Xasan Daahir uu ah mid cabsi ay ku hogaamisay ayaa noqon doona sida dad badani ay rumeysan yihiin kii looga weyn lahaa masaraxa siyaasada Soomaaliya, iyadoo aynu wada xusuusanahay in mud ka badan 30 sano uu Aweys loolan ugu jiro jagada madaxtinimada Soomaaliya.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent

________________________________________________________________________________________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.