Xasan Shiiqoow: Xarun CAAFIMAAD iyo Xalqo CILMI haysku xaadirin!

Bashiir M. Xersi - Maalintii loo tanaasulay Maxamed Cusman“Jawaari” uuna noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dib, ayaa waxaa is qabsaday hambalyada iyo tahniyadaha ku aaddan wax lagu sheegay ISBADAL dhacay!
Maqaallo Keydmedia Online
Xasan Shiiqoow: Xarun CAAFIMAAD iyo Xalqo CILMI haysku xaadirin!

Waxay ka sii dartay markii mudane Xasan Sheeqna loogu shubay inuu noqdo Madaxweyne, lana yiri maanta ayaan haynnaa dad u qalma hoggaanka dalka, oo aqoon iyo waaya aragnimaba u leh.

Anigu maalintii Mudane Maxmed Cusman “Jawaari” loo tanaasulay waxaan qoray qormadii ahayd: “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!http://bilediraac.wordpress.com/2012/09/06/aragti-gaaban-iyo-alalaas-gundhigay/ oo aan ku iri “war yaan la degdegin” anoo tusaale u soo qaatay ninkii WAALNAA, ee markii loo mashxaraday yiri: “Maxaa la iiga mashaxaradayaa, haddaan mar kale dhumayaaye?!” sidoo kale, maalintii MudaneXasan Sheeq ku soo baxay Madaxtinimadaayaan qoray qormo kale, oo cinwaankeedu ahaa: “Maxaa dhacay?!http://bilediraac.wordpress.com/2012/09/30/maxaa-dhacay/ oo u badnayd weydiimo ku aaddan meesha uu naga soo galay, cidda maalgalisay [MAALGASHATAY].

Anoo tusaale u soo qaatay Maaniyihii yiri: “Hasho Maankayga qaaddaye, ma Masaar bay liqday?!”. Maalintaa laga yaabee dad badan inay ila yaabbanaayeen ama is lahaayeen ninkan Muraacadnimo kaliya ayuu u nool yahay. Hadda ka hor, ayaa nin SAB joog ahaa ayaa la yiri: “SABta aad ka dhargeysid xaad ku gartaa?” Wuxuu ku jawaabay: “RIDA AAN KA DHARGAAYO HILIBKEEDA, LAFTEEDA AYAAN KA AQAAN!” maanta oo aan haynno dalka maalgashtay, meesha uu naga soo galay, waxaan filaa in xisaabtanku bato, oo aan lagu dhaafin sida wax ku socdaan, ee la badiyo cadaadiska looga dan leeyahay in ummaddan dayaca laga saaro, dalkanna xaraashka laga joojiyo.

Waxaan la yaabay, nimankan siday meeshaa uga soo muuqdeenba, sababta horgalaha “PROF” ee boobka iyo bililiqada ah looga hormarsho magacyadooda rasmiga ah, gaar ahaan Xasan Sheeq iyo Jawaari?. Sida ku cad Taariikh nololeedkooda la wareejinayey warbaahinta maalmihii ay xilka qabteen midkoodna kuma xusna inuu diyaarshay shahaadooyinka lagu yaqaan FROF!

Haddaba, weydiinta baa ah, horta yaa Prof loogu yeeri karaa? Yaa mudan in magaciisa laga hormarsho oo u qalma? U qalma ama mudan marka aan ku leeyahay ha moodin inay la xiriirto; midabka, joogga, hannaanka, qaabka, haybadda, quruxda, iyo Dhallinta,ee waa mid ku salaysan aqoon, jaamacad, qoraal, waxbaarid iyo waxbarid(Macallinimo).

Taa ka sokow, Xasan Shiiq iyo Jawaariwaxay ka mid yihiin Mudanayaasha reer Koofurka ah, ee eragaa isla jeclaaday looguna yeero, waxaan sidaa u leeyahay weli ma arkin iyaga oo iska bari yeelaya ama ka cudur daaranaya, maxaa yeelay wax aadan ahayn haddii laguugu yeero, ee aad ka aamusto, waxaad gali booskii “QARSHE!” haddaa “QAADE” maxaad dhaantaa? Illeen waa isku dambiye. Balse, kaliya waxaa kaaga filan inaad tiraa “anigu ma ihiee magacayga oo qura ha la iigu yeero!” haddiise aad ka aamusto waxa ay ka dhigan tahay inaad macaansanayso magac iyo muunad aadan gaarin, ahna mooryaannimo inteeda la eg.

C/qaadir “Aroma” oo ah Xeel dheere ka mid ah qorayaasha ku talaxtagay sooyaalka Soomaalida ayaa buuggiisa “TIIRKA COLAADDA” ku xusay in haddii nin Reer Koofur ah ay dani kaa gasho aad tiraaDittoore ama Berfassoore, haddii kale uusan waxba kuu qabanayn. Taa oo saansaankeedu muuqdo, maxaa yeelay, labadan mudane, midkoodna PROF ma aha, haddana, meel kasta oo magacooda lagu sheegayo waxaa laga hormarshaa eragaa, oo ka dhigan “Shibu waa raalli!

Intaa ka dib, Xasan Sheeq waxyaabaha uu uga soocmay intii madax Soomaaliya ka soo noqotay burburkii iyo ka horba, waa inuuWasaaradaha Golaha Wasiirrada ka reebay laba Wasaaradood oo aan Aadanuhula’aantood noolaan karin, hadday nool yihiin ku nool dayac iyo damiinnimo.

Labadaa Wasaarad ee uu daaqadda ka saaray waxay kala yihiin Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Waxbarshada, oo labadaba uu hoos galiyey Wasaarado kale, oo ka ahmiyad yar, kana qiimo iyo qaaya hooseeya. Maxaa ku kallifay? Maxaa ku qasbay? Maxaa ka dambeeya tallaabadaa? Qormada sii raac, si aad jawaabaha u hesho.

Intaa ka dib, maalin dhaweyd ayaan daawaday sawirro laga soo qaaday Xasan Sheeq oo madaxa koofi dhismeed ah ugu jirto oo kormeer ku tagay ISBITAALKA DIGFEER oo dayactir iyo dib u habayni ku socoto. Markaan ku arkay ayaa waxaa isu kay qaban waayey siyaasaddiisa ku aaddan caafimaadka iyo xarunta uu dhex jooga, markaa ayaa dareen gocosho iyo cataaw ah igu dhashay, illeen ninku waa ninkii labadaa Wasaaradood laalaye.

Ma ahan tan kaliya waxa igu riixay inaan qormada qoro, ee waxaa jirta booqasho kale, oo Xasan Sheeq xarigga kaga jaray Xarun ay dhismaheeda maalgalsheen isla Dawladda Turkiga, oo loogu talagalay in wax lagu baroAGOONTA iyo danyarta, booqashadaa oo aan isla lahaa mid u dhaw ama la mid ah ma samayn doonaa, oo ninku hagarta uu gaystay iyo dhagarta uu galay waa og yahay, micnaha “nin weyn wedkii dili lahaa waa yaqaan!” mise adawba dareenkaa kugu jiraa.

Marka laga soo tago inaan nahay dawlad fashilantay, ayaan nahay umad fashilantay “ISMA DHAANTO IYO DHASHEEDAhttp://bilediraac.wordpress.com/2012/07/27/soomaali-is-ma-dhaanto-iyo-dhasheed/ maxaa yeelay, had walba hannaanka jira ayaa waxa uu soo saaraa habka dadku yahay, hannaanka maamlkiisa iyo qaabka ay u nool yihiin, fashilka dawladnimo wuxuu ka dhashay fashalka dadnimadeenna ku jirta.  Maxaa yeeley, haddii Odayga ciddu gurbaanka tumo, qowska intiisa kalana waa qoob ka cayaaraan.

Taa waxaa kuu caddayana, adoo marxaladdan oo kale Soomaaliya madaxweyne ka ah, inaad ku fekerto, qorshayso, ee aad dhaqangaliso iska daaye, ma kugu soo dhici lahayd inaad Waasaradaha Caafimaadka iyo Waxbarshada ka reebto Wasaaradaha dalka loo dhisayo?!Iyada oo halkudhigga Madaxdu u badan yahay inay dadka aqoondarro iyo caafimaad xumo xumo dilootay, haddana aan la marin wadadii lagu dabargooyn lahaa, si kale, Profasoor aan ahay [been ah] iyo Bare, dadku inay wax bartaanna ma rabo  ama Profosoor aan ahay barasho iyo baaritaan caafimaadna ma rabo is qabadsii adiguba?.

Wasaaradahan la dhisay waxaan lagu darin laba Wasaarad oo dal iyo dad walba muhim u ah, waxayna kala yihiin WASAARADDA CAAFIMAADKA iyo WASAARADDA WAXBARASHADA, midda hore waa Fayo dhawrka wax walba oo la xiriira caafimaadkaAadaha. Tan kale, waa agabka weeleeyaTAGTADA la soo dhaafay, TAAGANTA la joogo  iyo TIMAADDADA imaan doonta, si qofku u garto waxa uu soo maray, waxa uu ku sugan yahay iyo waxa sugaya.

Haddii tiro la yarayn karo ama la badin karo, mar walba duruufta aad ku jirto ayaa ku xakamaysa, waxaanse marna laga maarmin waa FAYO DHAWR iyo WAXBARASHO, asal ahaanta  nolosha ay u tahay ka sokow, haddana u ah aasaas, oo carruur kasta wuxuu u baahan yahay waxbarasho, halka noole kasta u baahan yahay caafimaad. Tanise waa UBAD CAAFIMAAD QABA YUUSAN DHALAN iyo CUDUR IYO JAHLI ha duggaashdo!

Ma filayo qof caafimaad qaba oo maankiisu fadhiyo inuu taa ka dhiganayo tallaabada koowaad ee lagu ammaano? Maxaa yeelay, marka Profnimada aan ka soo hadalney  laga soo tago, Xasan wuxuu kaloo ammaanta beenta ah ku helay waa inu yareeyey tirada Golaha Wasiirrada. Tanna Waxaan ka qoray qormadii ahayd: “Tiro yar mise tub toosan?!”http://bilediraac.wordpress.com/2012/11/11/tiro-yar-mise-tub-toosan/ tiradaa yari waxay horseedday in daaqadda laga saaro labo Wasaaradood oo aan sina looga maarmin, asii Xasan iyo xertiisu u arkeen inaan loo baahnayn ama laga kaaftoomi karo.

Booqashada Xasan ee uu ku tagay ISBITAALKA DIGFEER waa daandaansi iyo digasho, kaaga darane, booqashadiisii maalmo ka dib, waxaaISBITAALKA DIGFEER lagu soo weeraray hoobiyayaal, in kasta oo aan qofna wax ku noqon, haddana, booqashadiisa loogama horrayn.

Booqashadiisu waxay ka dhigan tahay, gacan ku dhiigle isku dayey inuu dilo qof, ee si lama filaan ah uga badbaaday dhagartuu la damacsanaa, ee markii Isbitaalka la geeyey isagoo garaab ah ugu dabatagay Isbitaalka, ee ku yiri: “wali ma nooshahay? Inaad dhimatay ayaan u malaynayey, balse, mar walba dhimasho suge ayaad tahay inta aan joogo, maxaa yeelay, taa ayaa qandaraaskaygu yahay, haddii kale, aniga ayaa booska ka baxaya!” maxaa kaaga baxay tusaalaha iyo masalaaddan?

Dhanka kale, waa maxay sababta labadan Wasaarad looga reebay Golaha Xukuumadda? Jawaabta meel dheer ha u doonin, marka laga soo tago in Xasan iyo Saacid ay yihiin Macalimiintii ku caana maalay NGOyada, ayaa haddana, waxaan is weydiiyey maadaama waxyaabaha  Xasan Sheeq lagu ammano ay ka mid tahay asaasidda iyo hirgelinta SIMAD, maxaa u diiday isagoo shaqsiyan shaqadii qabtay inuu isaga oo madax ah dhammaystiro waayo, mise arrin naga dahsoon oo suuq xirid ah ayaa jirta?.

Ka darane, Xarumaha Caafimaadka ee Muqdisho ku yaal badankood waxa gacanta ku haya URURKA ISLAAX ee Madaxweyne Xasan hore uga tirsanaa inta uusan u janjeersan faraca yar ee ka falliirmay ee la yiraa “Damul-Jadiid” si aan iyagana loogula loollamin Caafimaadka miyaa meesha looga saaray Wasaaraddii Caafimaadka? Bal adigu isku day inaad garato waxa labada Wasaarad aan loogu darin Golaha, ee loo dhisay Wasaarado cid ay wax u qabataan aan jirin, ama kuwii muhimka ahaaba ay iska dansan yihiin: sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka? Mase ogtahay in Muqdisho bil walba uu ugu yaraan hal qarax ama hal weerar oo hoobiye ah ka dhoco? Dhanka kale, Goormaa kuugu dambaysay oo aad maqashay Alshabaab ayaa degmo hebel laga saaray? Dabcan xawaarihii ay ku socotay berigii Shariif joogay amaba Gen. Dhaga Badan oo ahaa Abaan Duuliyaha ciidanka ma jirto maanta, sababtu maxay tahay?

Intii aan ku jiray diyaarinta qormada, ayaan duljoogsaday Xasan Shiiq oo taa si dadban u qiray [ammaan xumuada], asee isku qariyey in Alshabaab dhanka ammaanka uga roon yihiin, malaha waa waxa ay Taliyaha Nabad Sugidda ugu magacaabeen xubin Alshabaab ka tirsanaa Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi , si uu gacan uga siiyo arrinta ammaanka, waxa laga filan adiguba maanee? Wuxuu Xasan yiri: “meelaha ay shabaabku maamulaan gabdhaha laguma kufsado isbaarana lama dhigto dadku waxay ku haystaan amni buuxa. Dadkana laguma dilo ilaa ruux ay ayagu dilaan maahane” waligeey siduu arrintan uga  run sheegay wax la mida ma arag!

Taa waxaa iiga sii daran, ku lahaa: “…Sarkaalka Howshiisa kasoo bixi karin, ha isaga tago Shaqada..” “Ha isaga tago Shaqada!” ninku markuu eragaa lahaa ma miyir qabay mise? Waxaan uga jeedaa, raggii nuxurka lahaa inta xilalka ka wada qaaday sida Gen. Dhaga Badan [url=http://bilediraac.wordpress.com/2013/03/15/general-dhega-badan-maamuus-kuuma-quuraane-mahadsanid/]http://bilediraac.wordpress.com/2013/03/15/general-dhega-badan-maamuus-kuuma-quuraane-mahadsanid/[/url] oo kale, ee ducufo iyo dallaaliin ama Alshabaab isugu keensaday ayuu sidan ku calaacalaa.

Teeda kale, xaggee lagu arkay Soomaali inta shaqo gudan waayey isaga tagay shaqadii? Sidii xuubka Caaro ayuu meesha isku xarkajiyaa, ilaa laga qadaanqadsho ama laga tatajiyo kama tago. Saw ma ahayn inuu yiraa tallabo cad oo go’an ayaan ka qaadaynaa qofkii xilkiisa gudan waaya? Kuwan bay hoofka ee aan buur ku tiirsanayn aan iska daynnee, isaga (Xasan) marka uu sanadaha u u dhimman ku dhammaysto xarunta Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde inta u dhexeysa, ma iska tagi doonaa mise dib ayuu isu soo sharrxi doonaa? Tan dambe u badi! Murti baa leh: “NIN LA XABAALOO SOO XALUUSHA LAWAA!” hadda waa: Nin la doortoo dib u daryeelo dadkii doortey la waa! Hadde “run sheeg waa ceeb sheege” ujeedka maqaalku ma ahan mid aan shakhsiyaad ku abbaarayo, balse, xilkaa naga dhaxeeyoo waa: “nin xil qaadey eed qaad!

Dhanka kale, dhihi ma maayo, hadda ka dib haddaad Xasan Sheeq ku dhex aragtaan Xarun CAAFIMAAD iyo Xaqlo CILMI, ha la dhagax tuuro, maadaama aanan cunfiga, rabshadda iyo qaska jeclayn ehelna u ahayn, ama dhihi maayo ha la Kab tuuro, maadaama ay tahay DHAQAN DHAAMID (DHIMAAL DHAQAN) waxaanse dhihi lahaa, haddaad hadda ka dib Xasan Sheeq ku dhex aragtaan Xarun CAAFIMAAD iyo Xaqlo CILMI ku fooriya, ku urriya, Ukumo ku tuura, inta uu ka laabanayo go’aankiisa qaladka ah, uuna ka magacaabayo labadaa Waraasarood.

Ugu dambayn, maadaama maalmahan la hadalhayo isku shaandhayn Golaha Wasiirrada, ayaan si naxariisi ku jirto u codsanayaa in Wasaaradaha la dhisi doono lagu soo daro labada Wasaraadood, ee aan a soo faallooday, kuwa kalaba booska ha looga saaree, maxaa yeelay, la’aantood abaar waaye, abaarina waa irmaan la’aan!

Bashiir M. Xersi - brdiraac@hotmail.com - [url=http://www.bilediraac.wordpress.com]http://www.bilediraac.wordpress.com[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.