Xassanow Cadaalada Haka Fogaan!!

Dr. Ali.A.Hirabe - Cali Sugule Dun-carbeed waxaa uu curiyay, "Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawraay. Wax ka dhigan gobonimada Qabiil dhex gashay kala dhowraay"!
Xassanow Cadaalada Haka Fogaan!!

Burburkii dawladdii dhex ee Jamhuuriyada Soomaaliya January 1991 wuxuu uu Somali u horseeday burbur ku yimaado haykalkii qaranimo ee Somalida, waxa aan ka baranay  ayaa ka daran waxa aan ka dhaxalnay,qaran dhisan ayaa burburay, Somaalinimadii jirtay ayaa luntay, dareenkii wadaninimo waxaa beddeley dareen qabiil oo aad u fool xun oo aan soomalida hore loogu arg.

Hadaba Dowlada cusubi ma waxeey lahaan doontaa hab-dhaqankii dowladahii ku meel-gaarka sideedii? Mise waxbaa iska bedeli doona?

Waxaa socda weli handadaad iyo sadbuursidoon ku wajahan dowlada dhexe sida Faroole hadaadiisa ay ku cadyihiin ama ujeedka iyo aragtida uu ka qabo marwalba dowlada federaalka iyo Siyaasada ay ku socoto.

Faroole oo xaraarug ah ayaa r/wasaaraha dowlada federaalka mudane Saacid tagay Garowe taas oo loo macneeyo xaqiiqdii Faroole oo aanan sharci ku joogin oo aay  reerPuntlandna taagan yihiin Faroole wakhtigaaga waa dhamaaday ee naga tag ayuu mudane Saacid nafta ku soo celiyay Faroole siiyayneawood xaqdaro ah in Faroole uu yahay ninka sharciga ah ee Puntland hogaanka u hayo iyada oo la ogyahay in Gobolka Bari sida magaalooyinka  Bossaso & Qardho aay ka taagneeyd diidmo adag sida C/aahi Saciid Samatar iyo Gobolka Mudug magaalada Galkacayo in Faroole yahay madaxweeyne xilkiisa dhamaaday.

Waxaan marna la iloobi karin in Faroole uu xabsiga dhigay Odayaal iyo siyaasiyiin ka yimid Bossaso iyo Galkacayo ujeedkoodana ahaa in Faroole aay kula hadlaan Garowe si loo baajiyo saxansaxada dagaal ee ka taagan Puntland ,ninka noocaas ah sidee dowlada federaalka u siisay taageero iyo aqoonsi ?? xaqiiqdii arimahaas oo dhami waxaa aay xaqdaro ku tahay siyaasiniinta, indheergaradka, aqoonyahaynka iyo Odayada Puntland.

Faroole markii uu ogaaday in uu haysto taageerida dowlada federaalka ayuu waxuu yeeshay xaniinyo cusub waxuuna u tafa xeeytay in uu ka shaqeeyo sidii uu u burburin lahaa dowlada federaalka iyda oo uu mucaaradnimada ka bilaabay gobolada Jubooyinka iyo sidii uu u taageeri lahaa Axmed Madowe oo ka yimid Wardheer iyo Walwaal.

Waxaa uu ugu yeeray Garowe Odayaal aay isku heeb yihiin kana soo jeeda J/ hoose waxaa uu casuumay Somalida galinka shanaad reer Cabdi Cumar Ileey waxaaana ay isla qaateen in Jubaland noqoto mida kaliya ee lagu burburin karo dowlada federaalka ee uu madaxda ka yahay  Proff.Xassan

Dowlada dhexe waa in aay wax ka beshaa siyaasada foosha xun ee Puntland kula dhaqantay dowladahii la soo maray,waa in Puntland noqotaa maamul si dhab ah u hoos yimaado dowlada dhexe ee federaalka,shaqsiyaadka xilalka ka helaaya dowlada dhexe waa in aayan noqon kuwa u shaqeeya Puntland balse u shaqeeya qaranka Somali sida aan aragnay marar faro badan.

Waxaad dib u fiirisaa Akhristo ragii xilalka ka qabtay dowladahii kumeelgaarka ahaa ee aan soo marnay sida C/weli Gaas iyo sida uu u cadeeyey in uu ahaa nin u shaqeeya Puntland asaga oo xilka uu hayana ahaa r/wasaaraha dowlada federaalka ee Somalia .

Bal ila fiirso wareeysiga laga qaaday markii uu waayay xilka madaxweeynenimo in hantidii iyo qalabkii loogu talo galay dib u dhiska caasimada Muqdishu in uu geeyay Bossaso una sii dhiibay Sacid Qorsheel oo ahaa wasiir ku xiigeen,meeyay xishoodkii halkee ayuu ka galaayaa C/Weli ayaadkaa hoos ku qoran.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=v2PFkOEylY#!

Cumar C/rashiid waxuu xiligaan joogaa Kismaayo asaga ahaa r/wasaare Qaran sow ma aragtaan in labaduba aay u shaqeeyn jireen Puntland waa dhab oo cid dafiri kartaa ma jirto,waxaan ka xumahay in raga cusub ee xilka dowladanimada haya aayan weli arag dhaawaca iyo hagardaamada diidmada midnimada Somali ee reer Puntland, dhinaca kale waxaad maqleeysaa ayaga oo ku faanaya in aay bud-dhig u haayeen dowlada hada jirta.

Soomaali waxa aay ku heshiisay dastuur qabyo qoraal ah cid ka maqneeyd ma jirin waxwalbaa waa in dastuurka dib loogu noqdaa,xagee kaga taal in Faroole yiraa dowlada dhexe waxii dhaqaale ah ee soo galaa waa in bar leeyga siiyo ,xagee ku taal dastuurka qabyo qoraalka in Puntland sadbuursi lasiiyaa aay xaq tahay ???

Heshiiskii aay wada gaareen Maamulka Puntland iyo dowlada dhaxe ee Somalia waa cadaala daro aad iyo aad u weeyn, xaqiiqdii lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta.

Aragtida: Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.