Xasuuqidda Bulshada - Videos

Amina Cabdi Nuur (Keydmedia) - Dhibka Al-Shabaab wado waa qorshe Siyaasadeed oo Aqoonyahan iyo indheer-garad ay dajiyeen oo ku wajahan Gobollada Dalka oo dhan, gaar ahaanna kuwa Koofureed iyo kuwa Dhexe, wuxuuna ku salaysan yahay aargoosi, curyaamin bulsho, dib-u-dhac Horumar deegaan, walaac Siyaasadeed, xiiso colaadeed, iwm.
Maqaallo Keydmedia Online
Xasuuqidda Bulshada - Videos

Sida halkan ku tilmaaman:

  • In Gobollda Koofureed iyo kuwa Dhexe ay maarna nabad ku lulan.
  • In la Maalgeliyo oo la joogteeyo sidii loo wiiqi lahaa tiro iyo tayo ahaanba Aqoonyahan oo Shaacaba.
  • In Dadka la Barakiciyo oo deegaannada leh Barwaaqada dhabiigiga ah Dadka laga xaalufiyo si loo dhaxal-wareejiyo.
  • In Bulshada deegaannada Koofureed colaad la dhexdhigo si aan nabad iyo horumar marna halkaas uga curan
  • In xukunka Dawladnimo walaac la geliyo, hantida Qarankana la boobo, iyo
  • In Muqdisho nabadda loo diido oo haybaddii caasumadu lahaan jirtey deegaan kale loo aslo.

Dhibaatada waxaa keenay Nidaamka Federaaliga ah oo aan isku si loo wada arkin. Cidna waa u daran yahay, cid kalena waa u dan gaar ahaaneed.

Wuxuu noqday god halaqgaleen ah oo lagu kala aargoosto. Wuxuu noqday awood lagu kala furfuro Magaca iyo Mustaqbalka Bulshada. Wuxuu noqday aalad lagu dhaxalwareejiyo haybaddii Qaranimo lahayd. Wuxuu noqda farsamo loo adeegsado colaad siyaasadeed iyo xasarad joogto ah. Maxaa xal ah?

Arrintu waxay isu saran tahay labo rako- Mid guud iyo mid gaar ahaaneed.

Midda Guud:

A) In dib looga noqdo nidaamka TFG-da muddo 10 sano ah mar haddii uu shaqayn waayey.

B) In la xoojiyo qaab-dhismeedka Dawlad Goboleedyada si loo xakameeyo nabadda, taasoo tiir-dhexaad u ah nolosha Ummadda.

C) In Ciidamada AMISOM ay Dalka ka baxaan, Qalabkana ku wareejiyaan Ciidanka TFG-da oo hadda jira si Dalka looga nadiifiyo Al-Shabaab, Warlords iwm.

D) Hadba Gobollada intii israaci karta, inay dhistaan Dawlad-goboleedyo suga nabadda iyo Horumarka bulshadooda, UN-kuna bixiso wixii gargaar horumarineed, mid bulsho, mid difaac, mid nabadsugid iyo mid taakulayn guudba, siiba markay soo wajahaan dhibaatooyinka dhabiiciga ah.

E) In nabad-curinta deegaamada Koofureed ay kasoo bilaabato xeer xaafadeed iyo mid tuulo oo ay gacanta ku hayaan Bulshada rayadka oo ay homuud ka noqdaan cuqaasha, waxgaradka, saraakiisha iyo dhallinyarada xaafadaha daggan, kuwaasoo hoos imanaya Duqa Magaaladaas.

F) In Dawladdu bixiso wixii taakulayn ah, sida: Hubka fudud, Rasaasta, Daawada, Gunnada ilaalada iyo xuuraan-doonka ayadoo loo sii marinayo Duqa Magaalada Muqdisho.

Marka Daaha laga rogo dabaqyada beenta iyo dhagarta ah oo TFG-du ku adeegato, Al-Shabaab waa laga adkaanayaa, nabadduna waa la sugi karaa.

Dhibka Al-Shabaab kuma dhaco "Madaxda" Dawladda. AMISOM baa sugta ammaanka "Madaxda" TFG-da.

Mar walba waxaa dhibku ku dhacaa Bulshada rayadka ah, sidaas darted waa in Bulshadu is-difaacdaa oo isku tashataa; wixii taakulayn ahna ay Dawladda ka qaadataa.

Waxaa la og yahay in Al-Shabaab uu Bulshada ku dhex-nool yahay. In deegaanku gabbed u yahay, dadna ay ku leeyihiin. Waxaa la og yahay in Al-Shabaab ay taakulaynta ka helaan Deegaanka ay ku sugan yihiin, kaydka qalabkana ay halkaas ku qarsadaan. Waxaa la og yahay in Al-Shabaab Banaanka laga Taageero.

Marka si habsan laysu abaabulo oo Madax Ciidan tababaran ilaalada hoggaamiyo, bulshadu waa wada indho oo cadawgooda way iska sifayn kartaa.

Al-Shabaab waa cadaw, bulshaduna way iska qaban kartaa iyadoon loo eegin beelnimo iyo xigtonimo midna.

Cadaw waa cadaw, waana in la ciribtiro. Qofkii halgankaas ku dhinta Rabbi ayaa ka abaalmarinaya.

Amina Cabdi Nuur – Keydmedia.net
amina.a.nuur@keydmedia.net
Hargeisa, Somalia


Qoraalkaan waxaa lasoo daabacay: 9 October 2011




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.