Xil ma qaadi kartaa DAWLAD Shacabkeedi Xasuuqeysa?

Abudlkarmi Haji Seeko (Keydmedia) - Qormadan aan ugu magac darnay Xilkasnimo daro iyo Xasuuq waa qormo qeybo kale duwan lahaan doonto isla markaana mar walba dhacdo saameyn ku leh shacabka aan ku eegi doono, waxaana inta badan diirada ku saari doona sida ciwaankaba ka muuqata xadgububyada iyo gabood falada aadaminimo ee lagula kaco shacabka Soomaaliyeed, maadaama warbaahintu ay tahay codka dadka dulmanayaasha ah iyo qareenka umadda.
Maqaallo Keydmedia Online
Xil ma qaadi kartaa DAWLAD Shacabkeedi Xasuuqeysa?

DHIIGA SHACABKA DHUL MA DHICI DOONO

Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka danbeeyay shalay duhurkii waxaa isku dahaaray dusheeda daruur madow oo astaan murugo muujineysa kadib markii mid ka mid ah Suugaga dowlada si ula kac ah loogu laayay maras, maato, garab rarato iyo xoogsato ku sugneed ilinka hore ee isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Waxaa xalay iilka u hoyday dad badan oo ka fakarsanaa daryeelka nolasha ilmahooda, waxaa agoon iyo rajo noqday caruur badan oo saacado ka hor hooyo iyo aabe lahaa, waxaa argagax, walaac iyo cabsi la kulmay dad badan oo goobta ku sugnaa isla markaana niyadooda aanay ku jirin in ay marqaatin doonaan dhacdo la mid ah tii shalay ka dhacday isbitaalka Banaadir hortiisa, kadib markii askari ka tirsan kuwa dowlada uu Suug ku qarxiyay fagaare dad badan ay ku sugnaayeen.

Mashaqada iyo musiibada ayaa ka danbeysay kadib markii aroortii hore ee shalay ciidamada ka tirsan  dowlada maxkamad la’aan ay toogteen nin watay Bastoolad isla markaana ka tirsanaa ciidamada Dowlada balse aan wadan dharka ciidanka lagu yaqaan, waxaana taasi ay sababtay in weerar ay soo qaadaan ciidamo ku heyb ah ninkii la dilay, waa su’aale dowlada ciidamadeeda maxaa ku beeray qabyaalada? Soo macnaha dowladnimado ma aheyn in hal ujeedo ay lahaadaan min askari ilaa madaxweyne?.

Haba is leysu dowlada oo waa dad hubeysan isku magacana wata, waa maxay sababta loo xasuuqay masaakiinta danyarta ah? Soo ujeedada loo hubeeyo ciidamada  dowladeeda ma aheyn in ay la dagaalaan cadowga dowlada ay leedahay isla markaana shacabka ay daafaacaan? Mise Soomaaliya dowladnimada macnaheeda ayaaba ah in dadka la laayo isla markaana aan waxba leyska weydiin dilkooda?.

“Waxaa dhacay musiibo aan caadi aheyn, waxaa mar qura na soo gaaray dhaawac tiradiisu ay tahay 59 ruux oo 5 ka mid ah ay isbitaalka ku dhimatay 18 kalana ay dhaawacya fudud ahaayeen, waxaa sidoo kale wax yar kadib na soo gaaray 9 meyd ah oo goobta ku soo dhintay” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Dr Max’ed yuusuf Xasan oo ah agaasimaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya nolal ma jirto, xaq miyaa in dadka sidan leysaga laayo maalin walba oo magac dowladeedna la sheegto, ilaahow sidan noo dhaan kuwana naga qabo, walaahi waa leys xisaabin doonaa marka sharci iyo kala danbeyn dalka uu helo” sidaa waxaa tiri Ayaan Max’ed Cabdi oo ah hooyo 55 sano jir ah oo qaar ka mid ah ehelkeeda ay ku dhinteen dhacadadii shalay.

“Dalkan waxba laguma baran karo, maalin walba marka aan jaamacada soo aadno waxaan la kulanaa dhacdooyin xanuun badan oo uur ku taala leh, shalay waxaan u soo joognay dhacdadii Shaamow maantana ma suug shacab laayay ayaan u joognaa misna si kas ah loo riday” sidaa waxaa tiri iyada oo uur ku taalo badan wajigeeda laga dheehan karo Luul Cabdi oo ka tirsan Ardayda Jaamacada Plasma oo ka agdhaw isbitaal Banaadir wax ka barata oo aan falka kadib kula kulanay goobtii falka uu ka dhacay.

“Alle mashaqa badanaa, maanta waxay la mid tahay maalinkii la qarxiyay ardaydii qalinjabibeysay ee jamaacadda Banaadir 3 Dec 2009 masaakiintan la laayay maxay galabsadeen oo laga goynayaa?” Su’aalahaasi iyo kuwa kaloo badan waxaa is weydiinayay dadka ku soo xuumay isbitaalka madiina ee la geeyay meydadka iyo dhaawacyada.

Amisom iyo Dowlada mid walba dhankiisa xasuuq ayuu ku hayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada tirada yar ee awooda labadaasi dhan ay ku mataaneysantahay, waxaana aad u yar fal celinta dowlada iyo amisom labaduba ay ka sameeyaan xadgudubyada xasuuq ee shacabka loo geesto.

Dhamaan dhinacyada ku lugta leh xasuuqa iyo gabood falada loo geesto shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay xusuunaadaan in dhiiga shacabka aanu meel cidla ah soo dhicin doonin isla markaana la gaari doono xili la kala guri doono danbiilayaasha iyo dhibanayaasha isla markanaa miisaan cadaalad ah lagu kala bixi doono.

13 September 2009 ayaa ciidamada Amisom ee ku sugan Garoonka diyaaradaha agahiisa waxa ay ku laayaan Geel ay ganacsato Soomaaliyeed wadatay kadib markii ay ka shakiyeen, laakiin Amisom bil kadib 13 October 2009 waxa ay geelaasi ka bixiyeen lacag magdhaw ah oo cadadkeeda uu ahaa $7600, laakiin marna Amisom shacabka ay bareerka u leyso kama bixin magdhaw inta uu doona hala ekaadee.

23 Nov 2010 Ciidamada Amisom waxa ay shacab Soomaaliyeed si ula kac ah ugu rasaaseeyeen wadada ka timaada KM4 ee aada Garoonka waxaana halkaasi ku dhintay dad Soomaaliyeed iyadoona kuwa kale oo ay caruur ku jirto ay ku dhaawacmeen, inkastoo mudadii uu falka ugubka ahaa ay ciidamada Amisom saraakiishooda sheegeen in dadka la daryeeli doono hadana waxba looma qaban dadkii la dhibaateeyay magdhaw warkiisaba daa.

Sidoo kale ciidamada Amisom 25 Jan 2011 ayeey mar kale shacab Soomaaliyeed ku rasaaseeyeen wadada Airporka, mana ka soo bixin taliska ciidamada Amisom hadal dhaafsiisan in la xiray ciidmadii kaasoo xittaa aan xaqiiq sugan loo heyn.

Sharcigu hurdada waa ka soo toosi doonaa, waana la gaari doonaa xiligii cadaalada ay shaqeyn laheyd, danbiilayaashana ay qarsoomi lahaayeen.

Abudlkarmi Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.