Soomaaliyeey Xoriyada Saxaafada inaad Difaacataan waa idiin dan!

Keydmedia Online - Shalay Amin Amir wuxuu curiyay Sawir Gacmeed farshaxan ah oo ka turjumaya dareenkiisa Qof ahaaneed, Dad badanah Aragtidaas la wadaagaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaaliyeey Xoriyada Saxaafada inaad Difaacataan waa idiin dan!

Leyskuma hayo iney Kenya Dad badan oo Soomaali ah dishay, kuwo kalenah dacdareesay.

Qofkii aan intaas aan dareemeyn oo aan u diirnaxeyn Dadkiisa dabcan ma garan karo dareenka uu gudbinayo Masawirka Amin Caamir.



Nin aan Buug Qorin oo aan gabyin oo aan wax Masawirin oo aan Hal Abuur laheyn ayaa wuxuu yiri "Amin Caamir waa Cunsuri, waa na ceybeenayaa, sidaas i uu wax u Masawiro ma aheyn."

Hal Abuurka waa Hibo iyo Aqoon Ilaahey Qofka siiyay.

Aragtida-Maskaxeed mar waxaa lagu gudbiyaa Qoraal Buugeedka, mar waxaa lagu gudbiyaa Sugaanta sida Gabay, Geeraar, Baraanbur iyo wixii lamid ah.

Mar waxaa lagu gudbiyaa Masawirka oo noqda mar filim marnah Masawir aan dhaqdhaqaaqin, mar waxaa lagu gudbiyaa Masawir farshaxameed oo waxaad Aragteen Loxaadka Quruxda badan oo Farshaxanku ku Aslan yahay, marnah waa Sawir gacmeed "Cartoon" loo yaqaano waxaana ku xasuusataan kan Amin Amir oo kale.

Intaas oo dhan Cimrigaaga Aqooneed ayeey kobcinayaan, garaadkaaga ayee kor u qaadayaan, dhaliishaada ayeey badinayaan, hal Abuurkaaganah waa kobcayaa, saa mid walba waxbuu xambaarsanyahay oo aad ka baraneysaayee.

Waxkastoo ey tahay waxaa Muhim ah in la Xushmeeyo Aragtida Idheergaradka.

Voltaire ayaa hada kahor yiri: "Aniga iyo Adigu isku Aragti ma nihin, waxaase balan ku qaaday inaan Difaaco Aragtidaada"

Keydmedia Online - Xafiiska London


Abdullahi O. Ahmed - Keydmedia Political Analyst - London – abdullahi.ahmed@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.