XORIYADDA SAXAAFADDA IYO MARXUUM CABDULAAHI CIISE MAXAMUD (QEYBTII 3-AAD)

Dr. Ismail Malaas - Nairobi Intii shirka Kenya ee Eldored iyo Imbegati socday, ayaan nin ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee lagu Sheego “others-ka” ku iri “ ma sidaas ayaa ogolaatay?, mise waxaad raacdeen aragtidii Michiavelli, ee qarniyadii dhexe ee ku qorneed Buugiisii (IL PRINCIPE) ama La politica ee uu ku oranayay “LA FINE GIUSTIFICA ELMEZZO” taasoo macnaheedu yahay ujeedada ayaa ka weyn habka loo marayo.
Maqaallo Keydmedia Online
XORIYADDA SAXAAFADDA IYO MARXUUM CABDULAAHI CIISE MAXAMUD  (QEYBTII 3-AAD)

Michiavelli, Buugiisa wuxuu ku qirayay in Siyaasadu khiyaamu tahay, oo u jeedo kastoo aad leedahay madaxa aad u ruxdaa hadaad dhagar rabto, kadibna aad murqahaaga la baxdo.

 

Aan u soo noqdo hal-ku-dhigeygii maqaalka iyo Soomaaliyada Curan doonta ah  iyadoo xor ah, loo sameeyay saxaafad madax banana, anshax iyo maamus leh, ka nadiif ah qabiilka, jidka toosan ku toosisa dowlada iyo laamaheeda, wacyiga dadka dhista, kali tashadka la dagaalanta.

 

Intii aan  la gaarin 1960-kii marxuum C/llaahi Ciise iyo barasaabkii Soomaaliya waxay dajiyeen qawaaniin kooban oo xoriyadda Saxaafadda fareysa,axzaabtana uga digeysay in ay wargeysyada qabiil ku hadlaan.

 

XORIYADDA SAXAAFADDA IYO URURKA SINDIKAALAH EE SAXAFIYIINTA

 

Waxaa aad iyo aad iiga yaabiyay  laba saxafi oo ku diriraya “Anaa ah Madaxa ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iy maya Anaa ah” ururo kale ee Saxaafadeed waan maqlayay. Soomaaliya dhibaatada ugu weyneed waa iyadoo madax qabqablayaal dagaal ahi dhashaan, ururo Saxaafadeed oo qoryo lehna sameysmaan, Allaan ka magan galnay Sidaas.

 

Dhalinyarada ku soo biirtay Saxaafadda iyo kuwa barta haatanba  waa in ay wax ka ogaadaan loolanka adag ee loo soo galay Saxaafadda, madaxbanaanideeda iyo midnimadooda xagga difaacidda saldhigyadeeda ama saxafiga urur ha ka tirsanaado, xisbi Siyaasi ah iyo mid bulsho.

 

In xoriyadda Saxaafaddu ay yeelato urur Sindikaale ah oo xuquuqdooda maadiga ah sida  Mushaarka, Caafimaadka, hadii ay wax ku gaaraan goobaha uu wararka ka raadinayo, haduu duqoobo, haduu naafoobo sida marar badan ku dhacday kuna dhici doonta u dooda .

Qadiyada Saxaafadda waxaan marnaba suurtoobi karin in laga jaro xoriyadda Sandakaalaha ah, ee Saxafiyiinta, waa sida aad ogtihiin dadkiinii hore laba qadiyadood oo mar walba wada jira kana mid ah xuquuqada aas-aasiga ah ee insaanka, waa laba qadiyadood oo leh taariikh, sababtoo ah  waxay ku xiran yihiin nuxurka dimuquraadiyadda, Caqiidada iyo ra’yiga xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyadda Sandakaalaha ee Saxaafadda.

 

Aan sharxo maadaama dhalinyarada cusub aaney waxba ka ogeyn  waxa uu yahay urur Sandakaale, waxa weeye, urur difaaca  xuquuqda maadiga ah, yacnii wixii la xiriira lacago, daweyn, howl gab, daryeel caafimaad haduu bukoodo iyo hadii uu dhaawacmo.

 

Labadaasi quwadood ee saxaafaddu waxay mar walba la hardami jireen laba xoog, sidii aan buugaagta Saxaafadda iyo taariikhdooda ka baranay, labadaasi quwadood ee cadawga Saxaafaddu maxay yihin? Awoma? Kuwama? Waxay ahaayeen walina yihiin quwada ra’sul maalka, yacnii ganacsatada waaweyn iyo qawadda Dowladda, ama kooxaha cududa waa weyn dalkii aanu sharciga qawaaniinta kala danbeyta aaney ka jirin.

Waa socotaa …………….

 

Dr. Ismail Malaas - Nairobi

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

www.keydmedia.net





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.