Yaa Yaqaan Cid Dhafoorrada Gubta? Faroole!

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Qofka la garan waayo jirrada uu qabo waa loo taliyaa oo dhafoorrada ayaa laga gubaa ee Faroole hala caymiyo oo dhafoorrada halaga gubo. Waxaa nasiibdarro ah in qofka madaxda ah sida Faroole oo kale- uusan tixgelin waxa aan laaqiga u ah oo dhacdooyinka uu sameeyana ay shaabbad ku noqdaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Yaa Yaqaan Cid Dhafoorrada Gubta? Faroole!

Waxaa taas kasii daran in falka xun oo uu sameeyo uu dib ugu soo noqdo isaga, qoyskiisa, handiisa, iyo guud ahaan dadka ku nool deegaanka uu ka taliyo oo la isir wadaagta.

Ninka aad kabo ka tolanayso kabihiisa ayaa la dayaa. Haddii Magac Madaxweyne wax lagu noqon karo, Faroole isaga ayaa isa seejiyey haybaddii iyo karaamadii uu lahaa. Bal arka sida uu colaad u kala dhexdhigay bulshada Puntland oo qarniyo nabad ku wada noolaan jirey?

Goormay hore u dhacday in Madaxweyne amar ku bixiyo bulsho nolol soo doonatay in dib loo barakiciyo oo mashruuc laga dhigto sidii tii ku dhacday dadka tabaalaysan oo kasoo jeeda Gobollada Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka?

Faroole wuxuu ku caanbaxay inuu curiyo isir-faquuq ann hore usoo marin ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu abuuray in bulshaddi isku-dhexnoolan jirtey uu hadda dakano kala dhexdhigo. Wuxuu abuuray in dhibka soo gaara qofka la cadaadiyo in haddana laga ganacsado oo barakicintiisa mashruuc laga dhigto sida loo galay dadka laga soo barakiciyey Bosaaso oo haddaana Garoowe qaxootinimo lagu dajiyey iyadoo mashruuc UN-ka looga qaatay.

Misana mashruuc kale lagu qaatay oo qaxootinimo lagu soo dajiyey waqooyiga Galkacyo. Misana mashruuc kale lagu qaatay oo dhammaantood buulashii laga gubay, la dhacay, la xirxiray, dabadeedna dib loo barakiciyey oo hadda ay ku sugan yihiin koofurta Gaalkacyo.

Marka dhibaato nololeed ay timaaddo dadka tabaalaysan oo nonol kusoo biday lama cadaadiyo. Lama addoonsado kuwa aad ka gacan sarrayso. Lama isir-dilo kuwa aad ka awood roon tahay. Lama dhaco guntimaha ay dadkaasu dhididkooda ku kasbadeen. Lama jeedlo kuwa xabbiska kuugu jira. Kii mushaar qof ku yeesha badda laguma dilo.

Kii xoog leh laguma addoonsado inuu xoog kuugu shaqeeyo. Naagtii bilicsan lama bililiqaysto. Dhallaanka barakaceyaasha waxbarashada lagama takooro. Kii hanti yar yeesha lama dhaco. Kii hore u tabaalaysnaa lama sii barakiciyo. Maatada waa loo turaa ee bohol laguma tuuro.

Sifaalooyin badan baa laga filayaa shakhsiga madaxda inuu yeesho, hase yeeshee Faroolana midna ehel uma aha: Karti uma laha inuu caddaalad ku taliyo bulshadana u sinnaado. Karti uma laha inuu u hiiliyo nugulka bulshada daryeelka u baahan.

Karti uma laha inuu soo dhaweeyo inta taakulaynta u baahan. Karti uma laha inuu nabadda u hiiliyo colaaddana ka hiiliyo. Karti uma laha inuu ka fogaado wixii abuuri kara dakano bahdaada utun ku noqota.

Maamulkii Cadde Muuse nabad iyo xassilooni buu uga tagey reer Puntland. Bal arka dhibka maanta ka dhex-aloosan bulsho-weynta ku nool Puntland. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa ku socotaa inay u kala go’aan. Qoys walba qoys kale ayuu qaniinsiiyey, dakano iyo eed buuna dhexdhigay labo wada dhalatay. Ayax tag eelna reeb.

Colaad mooye, maxaa Faroole deris-wanaag kusoo kordhiyey xiriirka Puntland iyo Somaliland? Kan Puntland iyo Galmudug?

Ugu dambayntii Madaxweynihii Galmudug ayaa loo diiday inuu kasoo dhoofo garoonka dayuuradaha Gaalkacyo oo weliba Baraxley ku yaalley. Sow taasu ma ahan fidno-kicin cusb oo ka dhex-dhacda labada maamul oo deriska ah?

Faroole wuxuu isku hallaynayaa ciidanka Xabashida. Al-Shabaab ma joogaan koofurta iyo waqooyiga Gaalkacyo midna, Xabashiduna taas way arki dootaa, beenlow baana lagu shaabbadayn doonaa.

Faroole wuxuu ku can-baxay inuu bulsho weynta Soomaaliyeed uu eed iyo dakano joogto ah dhex-dhigo. Sidee Maxamuud Saleebaan ugu noolaan doonaa marka Faroole jaa’ifeeyo caasimadda ummadda Soomaaliyeed? Waa meeshii uu kusoo barbaaray, wax kusoo bartay, kasoo shaqeeyey, haddana ku caasiyey.

Marka hore soo gud abaalkii Xamar kuu galay. Xamar ma ahan meel dadka lagu gumaysto. Meel isir ahaan dadka lagu faquuqo. Meel ku dhisan nacayb loo qaado bulshada qaarkeed. Meel uu qofku gadan karo xibinta hilibka oo jecel yahay ee uusan ku qasbanayd midda loo garto.

Adigoo ku jira guri dhalo ka samaysan dhagax korlooma tuuro. Adiga ayuu kugu soo noqonayaa. Soomaalidu dakanada ma hilmaanto, is-addoonsiguna kasii daran. Sidee Ciise Maxamuud ugu noolaan karaa Shabeeyayaasha, Jubbooyinka, Bay iyo Bakool marka maatada katimid gobolladaas ay yihiin kuwa uu Faroole soo barakiciyey?

Sideebay deris u noqon doonaa? Sidee isu aamini doonaan? Haddii Faroole taangi Xabashiyeed ku dhexnool yahay inta la bahda ma taangi bay Faroole kula dhex noolaan karaan? Bahdiisu waxay u baahan yihiin inay kamid noqdaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Dhammaan Ciise Maxamuud Garoowe kuma sugnaan doonaan. Waxa dhibku haysto ma ahan Faroole oo taagir ah oo ku noolaan kara South Africa ama Masar ee waa bulshada la isirka ah, mana abbaarna in la faquuqo bulsho-weynta Puntland haddayna tacadiga la gaarsiiyey barekaceyaasha koofurta Soomaaliya.

Faroole waa nin caraysan oo aan diyaar u ahayn inuu reebo magac madaxweyne, mid beeleed ama mid qaran. Waa ninka madaxweynihiisii shirka uga kacay. Taasu waa dhaqan cusub. Waa ninka barakiciyey bulshada rayadka ah ee Leelkase oo haddaana beenta ka sheegay oo ku tilmaamay argagixiso iyo al-Shabaab.

Waa ninka colaad iyo dakano dhexdhigay Puntland iyo Somaliland. Waa ninka barakiciyey dadka doonka ah oo noloshasoo doontay oo kazoo jeeda deegaamada Jubbaland, Bay, Bakool, iyo Shabeelooyinka. Waa ninka ciidankiisii kor keenay maamulka Galmudug oo kkalkal geliyey shirkii wada tashiga iyo wada xaajoodka Soomaaliyeed. Waa ninka ciidan Xabashiyeed u adeegsada barakicinta Leelkase.

Hadal badan bar waa been, biyo bandanna bar waa calaw, waa maah-maah facwyn. Dad badan baa qaba in Faroole uu qabo  cudurka la yiraahdo “Aids-ka” Ninka diiddan nolosha bulshada waa u eg yahay inuu qabo cudur nolosha diiddan. Bal arrintaas haloo kuurgalo. Qofka manta u sacabbatumaya taageeridda Faroole ha ogaado inuu go’doominayo bulshada Puntland.

Soomaalidu waa dad isku-dhexnool, derisnimo isku xambaarsada, deegaan aan isku faquuqin. Daaqsinta qaybsada. Xigto iyo xigaalo isu wada ah oo nimcada iyo nolosha wada qaybsada. Dhaqankaas soo jireenka ah Faroole ayaa dumiyey, dhibkaasuna waxaa u qoolan inta la bahda ah oo Puntland ku nool.

Qofka Madaxda ahu labo magac buu lahaan karaa: Mid uu sito inta uu nool yahay iyo mid ka hara oo ubadkiisa iyo bahdiisu ka dhaxlaan. Faroole wuxuu ka aradan yahay magac iyo haybad madaxweyenimo, mana laha mid ka hari doona. Ninka dhimanu waa waa santaaglayn badan yahay, cid walba geeska geliso.

Kibirka waxaa lagu qariyaa iinta qofku leeyahay. Ummadda Soomaaliyeed waa wada siman tahay, qofna raalli kama noqon karo in la xaqiro oo la addonsado. Haddii Faroole boqortooyo u guuxayso hasoo caleemasaarto bulshada Puntland.

Ninna nin kale madaxiisa daar kama dhisan karo. Leelkase deegaankooda lagama barakicin karo, Galmudug looma cagajuglayn karo. Beenta Faroole uu afuufayo ciduna ma rumaysanayso. Raalli ma noqon doonaa bahda maatada uu soo barakiciyey.

Faroole wuxuu ka caraysan yahay maxaa Garoowe oo lagu qaban waayey shirka dibu-heshiisiinta. Isaguba dadka heshiis lama aha, nabaddana ehel uma ahan. Garoowe waa xarun bahda Faroole ay Gacanta ku hayso oo Puntland u sinnayn, inta kalena bal iska daa.  Wuxuu ka caraysan yahay in lagu gartay riwaadaha beenta ah oo uu leeyahay Puntland nabad baa ka jirta.

Haa, nabad waa ka jiri jirtey wixii ka horreeyey inta uusan xukunka la wareegin. Sow isaga ma ahan kan nabaadda Puntland u diiddan? Sow isaga ma ahan kan barakicinaya bulshada deegaankeeda Puntland? Sow Faroole ma ahan kan ciidan Xaabashiyeed u adeegsanaya inuu ku laayo bulshada uu madaxda u yahay?

Sow Faroole ma ahan kan rumaysan in beentu shaqayn karto? Sow Faroole ma ahan maareeyaha burcad-badeedda hadda isaga dhibaatada ku haysa? Faroole muxuu hambeeyey?

Dhibaatooyinka Faroole uu bulshada Puntland uu dhaxalsiinayo waxaa kamid ah: Jaamiciinta kasoo qalinjabin doonta jaamacadaha Puntland, shaqo ku filan kama heli doonaan deegaankooda.

Sidoo kale, shaqo uma doonan karaan gobollada koofureed oo Faroole ayaa tassna dakano u abuuray. Is-dhexmarka iyo is-dhexgalka bulshada Puntland oo go’doon noqota. Gaanacsiga Puntland oo hakada.

Xurmadii bulshada Soomaaliyeed isu hayn jirtey oo wiiqanta, iwm. 

Ayuub A. Aden – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.