YAAN AAMINAA?!!!

Waa hubaal oo shaki kuma jiro in ummadda Soomaaliyeed ay yihiin dad is jecel isla markaana mar walba diyaar u ah in ay is gargaaraan xaalad walba oo lagu jiro, hadii ay ahaan laheyd Barakac, Abaar IWM.
Maqaallo Keydmedia Online
YAAN AAMINAA?!!!

Xiligan la jooga waxaa guud ahaa gobalada Dalka ragaadiyay abaar baahsan oo dad iyo duunyo saameysay, taasoo xittaa sababtay in dad ay dhimirkooda waayaan kadib markii ay baaba’een bartii xoolaad ee ay duunyo ka fiirsanayeen.

Qeyla dhaanta warbaahinta marna ma hakan oo maalin walba waxaa ay soo tabisaa warar la xiriira nolasha dadka ay saameysay abaaraha ee ku sugan gobalada iyo degmooyinka kala duwan ee Dalka.

Qurba joogta Soomaalida oo dhabtii ah dad iyagu dareen damqasho iyo mid wadaniyadeed intuba leh waa hubaal in ay ka damqanayaan dhibaatada heysata Soomaalida ku nool gobalada kale duwan ee Dalka ee ay abaaruhu Saameeyeen, laakiin waxaa la rumeysan yahay in ay garan la’yihiin cid ay aaminaan oo ay gar gaar u marsiiyaan dadka dhibaateysan.

Kooxaha ku dagaalamaya Dalka Mucaarad iyo muxaafad intuba waxa ay dalbadeen in gar gaar la soo gaarsiiyo dadka dhibaateysan, laakiin ayaan darada ayaa ah in gar gaarkii la siyaasadeeyay oo koox walba dhanka ay joogto tan kale ma gaarsiin karto hadii loo igmado gar gaar bixinta.

Madaxweynaha dowlada Shariif Shiikh Axmed iyo horjoogaha Shabaab Axmed Godane labduba maalin qura ayeey baaq mideysan ka soo wada saareen arinta abaaraha la xiriirta, laakiin midkoodna kama dhawaajin inuu diyaar u yahay nabad galinta taageerayaasha kan kale ee doonaya gar gaarida dadka ku dhiban aagaga la kala joogo.

Baaqyadooda ma aheyn kuwa dhaafsiisan afka oo midkoona ma dhihin aniga waxaan balan qaadayaa taageerada dadka dhibaateysan boqolkiiba intaas, waxaana iminka dadka ay u dhimanayaan, haraad, Gaajo, iyo macluul iyadoona ay ugu sii darsantahay caqaab iyo amaro qasab ah oo ka imaanaya dhanka kooxda Axmed Godane, kama marna dhanka dowlada oo iyana waxaa ka jira dhac, boob iyo biliiliqo shacab oo maalinla ah

Umadda Soomaaliyeed isma mooga oo waa kuwa mar walba diyaar u ah in ay is gacan qabtaan oo is gar gaaraan hadii ay helaan cid u fudueysa adeegyada taageera bixin ee ay dadku doonayaan.

Alshabaab deegaanada ay ka taliyaan oo ah halka dhibaatada uga badan ee abaaraha ay ka jirto laguma dhiiran karo in la gaarsiiyo wax yar oo taageera ah dhanka ay doonaan haka yimaadeen, iyaga oo aan la ogeysiin isla markaana gacmahooda lagu wareejin waxa loogu tala galay shacabka, taasina waa mid dadka shakiga ku abuurtay, waayo dadkada badankood waa kuwa alle ka cabsanaya oo aan ogaleen in maalkooda dadka lagu dhibaateeyo.

Sida dad badani ay rumeysan yihiin haday suurta gasho in la helo dad si cabsi la’aan ah u fududeyn kara gaarsiinta gar gaarka dadka ay u baahan yihiin siyaasad ahaan ka madax banaan labada dhan ee ku tashtay dhibaateynta shacabka waxaa hubanti ah in mudo ku siman laba todobaad isbadal weyn laga dareemi karo nolasha dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

Haddii la heli lahaa dad fududeeya shaqadaasi oo aamin ah, waxaa suurta gali laheyd in Soomaalida qurbaha ku nool ee jaaliyadaha kale duwan in ay kala qeybsadaan deegaanada ay abaaraha ka jiraan isla markaana isbadal nolaleed lagu sameeyo dadka tabaaleysan ee ku duunya beelay abaarta.

Dowlada iyo shabaab labaduba waxaa la gudboon in ay dadka u diir naxaan isla markaana ay iska hilmaamaan colaada u dhaxeysa inta laga badbaadinayo nolasha dadka dhibaateysan ee hoostooda ku dhimanaya, waana in ay ogaadaan mas’uul in ay ka yihiin qof walba oo ku dhinta deegaanada ay ka kala taliyaan sabab la xiriirta xifaaltanka u dhaxeeya.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent


Ma Aragtay?

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.