Yariisow. Xaqdhowr Saxafiga!!!

Waa arin adag in qof joogaa Soomaaliya uu xiligan ka shaqeeya Saxaafad qabaneysa adeeg dhab ka hadalnimo ah, waxaana dalka xiligan aad ugu badan dadka ay dhibeyso runta aadna u jecel beenta iyo qofka Sheega.
Maqaallo Keydmedia Online
Yariisow. Xaqdhowr Saxafiga!!!

Dowladda xiligan Magacaaban ee ka jirta dalka dad badan wey ka dharagsan yihiin nidaam howleedkeeda sida uu yahay iyo waliba in aanu tix galin haba yaraatee aanu ku heysan Hey’adaha Dowlada Aqoonta iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed.

Wasaaradda warfaafinta waxaa la dhihi karaa waa hey’adda kaliya ee uu ka socday nidaam shaqo oo hufan tan iyo bishii Oktober ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana taasi ay dhacday kadib markii Daahir Max’ud Geelle oo xili Agaasime ka soo noqday warbaahin maxali ah loo magacaabay wasiirka warfaafinta .

Geele waxa uu dadaal dheer u galay inuu kiciyo Radio Muqdisho,waxaana taasi ka garabsiiyay suxufiyiin Soomaaliyeed oo shacabiyad wanaagsan ku leh gudaha Dalka isla markaana xiliya adag ka soo shaqeeyay warbaahinta maxaliga ah kuwaa oo howl hakin shaqo ku dhaqaaqay kadib markii cadaadiska saxaafadda ay la kulmeyso ay soo bateen.

Bishii December sanadkii 2009-ki  waxaa lagu soo kordhiyay Idaacada qeyb Satellite ah oo ay toos ula jaanqaadeen qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida marka laga reebo Ameerika, waxaa kaloo jiray oo isana shaqeynayay Bogga Internet-ka ee Radiomuqdisho.net.

3-dii bishii July ee sanadkan waxaa isku shaandheyn lagu sameeyay golihii wasiirada, iyadoona wasiiro hore xilka laga qaaday kuwa cusubna la keenay, Daahir Geele wasiirkii warfaafinta waxa uu ka mid ahaa wasiirada gabi ahaanba laga dhex waayay liiska golaha wasiirada cusub waxaana uu ku soo biya shubtay xildhibaanimo.

Hadal uu ka jeediyay munaasabadii xilka uu ugu wareejinayay wasiirka cusub ee warfaafinta ayaa ahaa mid macana weyn xanbaarsan isla markaana sahan u sii ahaa musuqa ka soo fool leh wasaaradda warfaafinta “Wasiirka Cusub Eng yariisow waxaan kula dardaarmayaa inuu daryeelo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta  oo iyagu ah kuwa haya howl ka daran tan ay hayaan ciidamada hubka wata ee aaga ku jira, yaanay dhicin in shaqaalaha iyaga oo banaanka shaxaad u doontay baahi darteed ay u gacan galaan kooxaha dhagar qabayaasha ah” sidaa waxaa ku dar daarmay Daahir Max’ud Geelle wasiirkii hore ee warfaafinta.

Laakiin maalma kooban kadib markii xilka uu la wareegay C/raxmaan Cumar Cismaan (ENG yariisow) xilka wasiirka warfaafinta waxa uu hadal ka bilaabay shaqaalaha waa kuwa aad u badan waana in la kala yareeyaa oo 30-40 ay noqdaan shaqaalaha wasaarada Warfaafinta, waxaana fulinta howshaasi uu ka bilaabay xil ka qaadis uu ku sameeyay agaasimihii Radio Muqdisho Xuseen qoryooley oo ka mid ah rog cadaaga saxaafgadeed ee tirada yar xiligana Dalka ku sugan isagoona Agaasimaha Radio Muqdisho u magacaabay C/raxiin Ciise Caddo oo ay heeb wadaag yihiin isla markaana saaxib dhaw la ah Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, uur ku taalada waxa ay tahay in Qoryooleey wiil 20-jir ah oo uu dhalay loo dilay sabab la xiriirta shaqada uu ka hayay Radio Muqdisho

Talaabooyinkan is xig xiga ee uu qaaday wasiir Yariisow waxaa laga dhaxlay in habacsanaan ay ku timaado howshii wasaaradda isla markaana shaqaalaha ay noqdaan kuwa ka niyad jabsan ficilada uu ku kacayo Yariisow waxaana gudaha wasaaradda warfaafinta ka dhex bilowday guux iyo nux nux muujineyso in aan lagu qanacsaneen talaabooyinka kali  talisnimo ee uu ku dhaqaaqayo wasiirka.

Bishii Ramadaan ee dhamaatay daba yaqaadeedii Madaxweyne shariif waxa uu qalinka ku duugay lacag loogu tala galay in ay ku ciidaan shaqaalaha Dowlada taasoo dhamaan wasaaradaha loo qeybiyay min 8-kun oo Doolar iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in wasaaradda warfaafinta loo roonaaday oo qarash intaa ka badan loo saxiixay.

Markii ay soo gaartay lacagtan Yariisow waxa uu ka dalbaday wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Bangiga in ay siiyaan mushaaraadka Shaqaalaha Bishii dhamaatay ee August iyadoona shaqaalaha ay hore u lahaayeen bishii July isla markaana iminka ay bilaabatay September waana loo soo ogolaaday in sidaa loo sameeyo.

Waxa uu shir isugu yeeray wasiirka maamulka kale ee wasaarada sida Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha idaacadda waxaana uu u dhiibay ogeysiis sheegaya in shaqaalaha mushaar dhimis lagu sameeyay laakiin arinkaasi waxaa ku dhiiran kari waayay inuu shaqaalaha la hortago C/raxiin Ciise oo ah agaasimaha Idaacadda  iyadoona intaas kadib uu codsaday Wasiir yariisow in shaqaalaha shir loogu balamiyo.

Shir balaaran oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda warfaafinta ayaa wasiirka waxa uu si cad oo aan gabasho laheyn waxa uu u yiri “dadaal dheer kaddib waxaan soo helnay mushaarkiina oo qabyo ah, waxaa la idinka rabaa laba midkood in aad leedihiin ma qaadaneyno ayadoo qabyo ah, oo aad sugeysaa waqtina la idiin qaban maayo lagu keenayo.iyo in shaqaalaha 100 dollar ka badan qaata laga jaraayo 50 dollar” ararta hore ee hadalka halkeeda ha joogtee $50 xagey u socotaa xageyse mareysaa marka laga jaro? Arinkaas lama soo sheeg qaadin.

Shaqaalihii waxa ay ku qasbanaadeen in ay iska qaataan lacagtooda qeybta laga dhacay, waxaana warar sugan ay inuu xaqiijiyeen in lacagtaasi iyo tii Ciida ee 8-kun aheyd ay jeebka wasiirka si toos ugu dhaceen, waxaana waxoogaa jaaf jaaf ah laga siiyay Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali yuusuf (Bahlaawi)

Arintan uur ku taalada huwan ayaa ah in shaqaalahan uu Eng yariisow isdaba mareenta ku sameeyay xuquuqdooda ay dhanka kale bartilmaameed toos ah u yihiin kooxaha Dowlada ka soo horjeeda isla markaana dharaar iyo habeen ay la kulmaan hanadadaad iyo caga jugleyn joogta ah.

“Waxaan bartilmaameed u ahay kooxaha dowladda ka soo horjeeda, ma tagi karo gurigeyga waxaan ku xayiranahay wasaaradda warfaafinta maalin iyo habeen, hadana sida muuqata waxaa iyana ka bilowday xaq doodsiin mana naqaan  wax aan sameeyo” sidaa waxaa yiri suxufi ka mid ah kuwa ka shaqeeya radio Muqdisho

“Mushaaraadkii shaqaalaha waxaa loo adeegsaday dana gaar ah, mana jirto cid u taagan in ay daba gasho oo wax ka qabato, wasiirka waxa uu uga faa’ideysanayaa shaqaalah casbsida ay ka qabaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda isagoona iska dhaadhiciyay in xitaa haddii aan mushaar nala siin aan shaqeyneyno si aan ammaan u helno” sidaa waxaa yiri suxufi kale.

Haddii uu wasiirka ku sii adkeesto nidaamka ku dhisan lunsiga lacageed iyo difiraada dhididka shaqaalaha masaakiinta ah waxaa suurta gal ah in ay istaagto howasha wasaaradda warfaafinta sabab la xiriirta cadaalad darada wasiirka.

Yariisow waxa uu ka mid ahaa wasiiro guddiga Maaliyadda baarlamaanka ay ugu baaqeen in ay hortagaan baarlamaanka si loo xisaabiyo xiligii uu ahaa wasiirka lacagta waxaana maalma kooban uu ahaa sii hayaha xilka wasaaradda Maaliyadda, waxaana la tuhmayaa in lacag jaceylka uu ka keenay wasaaradahaasi oo ah kuwa iyagu inta badan dakhli laga fisho.

Hadaba waxaa la gudboon Wasiirka warfaafinta inuu u istaago xaq dhawrka suxufiga dhibaateysan ee ku sugan guud ahaan Dalka, isla markaana uu ka waantoobo dhibaateynta wariyaasha iyo duudsiinta xaqooda.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.