Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Waxaa la yiri: “Been fakatay run ka orod badan!” waxaa badan inta Sheeka barallaydaa, huuhaadaa iyo ku tiri ku teenka la qabadsiiyey, oo wali ku dhaggan nus qarni ka dib, ee aan garaad iyo gu’ uga kordhin maalmaha iyo waqtiga isdaba markoodu.
Geerida CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN Alle ha u naxariistee, waxaan ku soo xasuustay sooyaalkii dilnaa iyo taariikhdiisii mugdiga ahayd, ee ka hirgalshay Soomaaliya xilligii uu ahaa Wasiirka koowaad intii u dhaxaysay 1964-1967, oo dad badan ku reebtay caqabad iyo cuqdad.
Maanta CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN waa Mayd oo ma Jawaabi karo, marka ma doonayo inaan ku dheeraado, balse, waxaan xigan doonaa dhacdooyin uu Hormuud ka ahaa ama wax ka hirgalshay, oo aan filayo inaan cidina igu diidi karin marka laga reebo inta Qabyaaladdu indha-tirtay ama eexdu araxda ka jabisay.
Muddadii uu xilka hayey waxay ahayd mudadii ugu MUSUQMAASUQA badneed, ee soo marta SOOYAALKA SIYAASADDA SOOMAALIYA. Sababtoo ah waxaa dhacay wax is daba marintii ugu weneyd, ee Soomaali XUKUN iyo GAR kala kulanto! Taa oona FURE u noqtay MAAMULLADII kale, ee dalka isaga daba maray, sida MAAMULKII KACAANKA ee MAXAMED SIYAASAD BARRE ee sabab u noqday BURBURKII SOOMAALI.
CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN arrimaha u Suuq galay ee ummadda lagu marin habaabibiyay waxa ka mid ah in uu WARAAQAD cunay si Xornimada Soomaaliya loo helo! Isweydii, dheefshiidka qofka sida ay u waxyeelayso WARAAQAD la cuno, oo waliba la calalsho? Dhaqaatiirtu waxay qireen in WARAAQAD iska daaye, haddii uu jabyar oo ka mid ah boggiisa iyo calooshiisa gaari lahayd uu mar hore tawafi lahaa! Haddana wuxuu gaaray ilaa 90 jir. Balse, nasiib xumo dhibka Soomaali haysta waxaa jira wali dad aaminsan sheeko xariiradaa! Yaab.
Inkastoo marki danbe la isku dayay in laga daba tago beentii Rumowday ama runta noqon gaartay, haddana, waxaan dhihi lahaa: BEENTII QARNIGII 20NAAD UGU WEYNEYD, ee la sheegay. WARAAQAD dhunxi ee dhunji hana dhibsan, hana ku dhumin, waa dhaan daba gaalle oo kale! Intaa waxaa dheer inuu ahaa ninkii u horreeyey ee mashaqaystayaal gurigooda jooga uu u qoray (CAYR). Haa wuxuu u qoray (CAYR) oo la siinjiaray inta ku beesha ah (MAJEERTEEN) CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN, oo intii kale ee shaqaynaysay uu ka wada cayriyey shaqadii, oo u wada diray warqad baaskii la magac baxday kelmadda Talyaaniga ah ee ahayd (POSTA ROSA) oo af Ingiriisii ahaan u dhiganta (THE ROSE POST) Af Soomaaliga ku noqonaysa (BASHQADDII GUDUUDNEED!).
Waxaan xoogaa aan badnayn kaaga sheegayaa wax badan oo aan laga xusin Taariikhda xun ee CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN, haddana Qof inkiri kara uusan jirin, waxaana ka mid ah:
Add comment
Comments