21 OKTOOBER DHAXALKEEDA WAA LA XALIN LA’YAHAY ILLAA MAANTA

Ibrahim Abdi Geele - Dunida Maalinba Taariikh ayey xustaa kala duwan oo haddana kala magac dheer, oo Muunad iyo maamuus ku dhex leh shacabka dunida ku nool, qaarna ay qoreen...
Faallo Keydmedia Online
21 OKTOOBER DHAXALKEEDA WAA LA XALIN LA’YAHAY ILLAA MAANTA

...oo ay Buugaag ku kaydsadeen qaarna ay ka sameysteen Astaamo muuqaal leh oo muujinaya dhib iyo dheef midday lahayd, oo haddii wanaag jirayna lagu xuso dadkuna uga mahad celinayaan cidda wanaaga lahayd, Hadduu Xumaan iyo mushkilo ahaana lagu xusuusto dadkuna ku xusaan Hiirtaanyo iyo lama arag, taasoo midkasta sawirka muuqaalka uu leeyahay ka muuqanaysa hadba taariikhda uu soo dhaxal siiyey Ummaddii uu markaa la noolaan jiray.

Inkastoo ay sidaas tahay taariikh-kasta oo dunida ka Jirtay waxay leedahay xumaanteeda iyo wanaageeda oo wax suurtoobaya maaha inay xumaan kaliya ahaato ama wanaag kaliya ahaato, laakiin waxaa lagu xusaa oo kaliya heerka ay ka gaarsiisan yihiin wanaaga iyo xumaanta, taasoo marka ay dhan u badato la yiraahdo waxay u badan tahay dhankaas, kadibna la yiraahdo waa xumaan ama waa samaan, oo markaas cidda iska lahayd lagu amaano ama lagu saluugo.

Soomaaliya dadku waxay sheegayaan taariikh-yahadda ah inay jirtay taariikho fog oo sida la sheegay waxay yiraahdaa Mu-araqiinta aan Soomaalida ahayn in jirtaankeedu gaarayo qarnigii Nabi Ciise CS ka hore 9,000 oo Qarni, taasoo ka dhigaysa in ka badan 11,000 oo Qarni. Taariikhda Soomaalida sida ay qabaan Soomaalida qaarkeeda waxay aaminsan yihiin in Jirintaankaasu uusan sax ahayn, laakiin kuwa sidaas aaminsan kuwo kusalaynayo maaha cilmi iyo jid raad raac ah oo lagu garan karo diidmadooda, laakiin culimada ku doodaysa taariikhda Soomaalida ee gaarsiisay wakhtiga aan ka hadlayno waxay ku saleeyeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay Luuqadda, dhaqanka, Muuqaal dadka, Dhiiga, iyo Kayd-ka yaala dalal badan oo illaa hadda muujinaya in raadkaasi ay leedahay Soomaalida.

Inkastoo dad badan oo Soomaalida ka mid ah ay diideen Soomaalinimada oo ay is xigsiinayaan carabta oo ay waliba sheeganayaan Inay yihiin Qurays, haddana dadka intiisa badan Soomaalida ah 89% waxay aaminsan yihiin in ay Soomaali farac qura oo isku mid ah oo aan kala sooc lahayn xidid qura iyo meel qurana ka soo wada jeeda oo hooyo mooyaane aan aabe ku kala duwanayn.

Markaas ka soo tarno kala duwanaanshaha Ummadda Soomaaliyeed, ee isirka ku salaysan haddana waxaan jira nidaamiyo dowli ah oo ay ummadda lahaan jirtay, kuwaasoo ay Soomaalida ku kala duwanayd in muddo ah sida boqortooyinkii kala duwanaa ee ay ugu dambeysay AWDAL iyo AJUURAAN oo dhulka soomalida iyo meelo ka baxsanba ka talin jiray. Ayadoo ay sidaas tahay hadda Boqortooyadii cimriga dheereyd ee ka dhisnayd Dhulka hadda ay ka Taliyaan Tigree iyo Amxaarada ee  itoobiya iyo eriteeriya, waxaa la sheegayaa inay kaga horeeyeen dadka laysku Yiraahdo Kushiitiks-ka oo ka kooban qoymiyado badan oo soomaalida Bahwadaag la ahaa, ama la sheego inay wada dhasheen, sida Oromada, Cafar, Bincaamir-ta, Sahoga, iyo kuwa kale oo badan. Boqotooyadaas oo ay dumisay Boqortooyo ka dhisnayd dalka Yemen oo ka itaal roonaatay oo sida la sheegey dagaalo adag kadib, ay dadkii reer Kuush laga itaal Roonaaday kadibna laga qabsaday dhulka, oo markale inta soo rogaal celiyeen oo ay haddana la wareegeen, taasoo keentay in dagaal kale oo ay la soo kaban waayeen lagu qaaday, lagana wareejiyey talada dhulkii ay haysteen markaa. Waxaa la sheegaa in ay kala baaheen wixii ka dambeeyey berigaas.,

Yaanan ku dheeraan Hordhaca ee aan u dhaco ula jeed hadafka qoraalka aan ugu tala galay 21-oktoober iyo Horumar ama qasaaro wuxuu ummadda u keenay. Markii ugu horaysay ee Ummadda Soomaaliyeed ay heshay dowladda la yiraahdo Republic of Somalia waxay ahayd 1950 markii daaqiliyada Soomaaliya la bixiyey ee UN-ka ay ku hoos jirtay, wakiilna ay ka ahaayeen dhowr dal oo UN committee ahaa, laakiin wixii maamul toos ah ee soomaalida loo smeynayey uu gacanta ku hayey Talyaaniga.

Waxaan ka hadlaynaa waa Koofurta Soomaaliya, laakiin Markii dabke ee ay waqooyi iyo Koofur isu tageen 1 july 1960 ayaa la sameeyey  Hilimadii ahayd 5-tii Gobol ee loo kala qaaday Ummadda Soomaaliyeed in laysu keeno ayaa waxaa labadii Gobol ee ugu horaysay ay isla qaateen Isla magacii ahaa Somali republic. Waayo dadka reer waqooyiga ama Soomaaliland waxay ku doodaan Ummaddu waxay kala ahayd Soomaaliland iyo Soomaaliya, ee markii laysu daray ayaa loo ayaa Magaca Guud la qaatay ee ah Somali Republic, waxaana la diiday Republic of Somalia.

Qorshaha raadinta inta dhimanaya waxay ku soo biiraayeen ayadoo magacaas la wada Huwan yahay oo Soomaali la wada yahay, ee aan la ahayn Soomaaliya. Inkastoo ugu dambayntii ay hir gashay Soomaaliya, oo magaca ugu caansan uu noqday.

Inkastoo laysla qaatay maamulkii ugu horeeyeyna la dhisay waxaa ku Guuleystay reer Koofur oo waxaa la doortay Allaha u naxariistee madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Mudana Aadan cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeday Gobolka Hiiraan Koofurta Soomaaliya. Inkastoo dowladdii uu dhisay ay saluugeen reer waqooyiga uuna dhicisoobay Afgambigii ay ku tala galeen, haddana talada dalka waxba iskama badalin oo Waziirkii Koowaad wuxuu noqday Cabdirashiid cali Sharmarke allaha u naxariistee.

Halkaas waxaa ka soo billowday saluugitaanta qaybo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed. Muddo kadib waxaa la badalay cabdirashiid Cali Sharmarke waxaana lagu xejiyey Nin manta Nool oo la yiraahdo cabdirisaaq Xaaji Xusseen oo inta aan ognahay maraykanka dagan, doorashada labada Ra’iisul wazaare ee qolo kaliya ka soo wada jeeday ayaa Kalimadaha laga qoray waxaa ka mid ahaa Berrigaas ee caan Baxay “”Mar waa risaaq mar waa rashiid Inta kale Marootiyaa”” iyo “”Risaaq miyaa rashiid ka roon Rasuulka ha ku reed kudee”” taasoo caddayn u ahayd in dhaliilo ay jireen ay shacabka qaar ay qabeen ayna taagnayd muuqaal qabyaaladeysan, hase ahaatee dowladdii markaa jirtay waxay ku dadaalaysay in ay howshaas horumarka dhismaha dowliga ah adkayso, maadaama uusan jirin ciidan dowladdeed oo aan Police ahayn, waxkastana u baahan in laga soo Billaabo halka ugu hooseysa, lana dhiso ciidankii Military ee ugu horeeyey ee ay Soomaali yeelato.

Yaanan ku dheeraane, muddo kadib waxaa madaxweyne Noqday Allaha u naxariistee Ra’iisul wazaarihii ugu horeeyey Soomaaliya Mudane cabdirashiid cali Sharmarke, waxaana uu talada dalka kala wareegay Adan cadde labadooduba waa dhinteen Allaha u naxariisto. Mudane cabdirashiid cali Sharmarke wuxuu ahaa Aqoon yahan sifiican wax u bartay, laakiin cilmigiisu uusan ahayn Military ee ahaa maamulwanaag ku dhisan Civil ama rayid.

Wuxuuna ka mid ahaa raga u dagaalamayey dhismaha dowladda xoog iyo itaalba leh oo dalkeeda iyo dadkeedaba illaalin karta, dalkana ka dhigi karta dal isku filan dhaqaale ahaan iyo Military ahaan. Allaha u naxariistee waa la dilay cabdirashiid, cidda dishay illaa hadda warkeeda lama hayo, laakiin Ninka Toogtay wuxuu ahaa nin ay isku hayb yihiin, magaciisana la dhihi Jiray  CADBUQAADIR CABDI MAXAMED oo 22 jir ahaa, kana mid ahaa Police-ka dalka, waxaana la sheegayaa in uu madaxweynaha Soomaaliya u dhintay Aano qabiil oo u dhaxaysay qolada uu ka dhashay dhexdeeda, Si aad wax badan uga aqriso Aqriso halkan, “”dadkii dilay Madaxweyne cabdirashiid, wali waa mushkilad haysata Ummadda Soomaaliyeed

Haddaba dilka Cabdirashiid maxaa laga dhaxlay.

Halka loo baahan yahay ee in laga Billaabo ay tahay weeye, maxaa yeelay Cabdirashiid Allaha u raxmadee waxaa la dilay 15-10-1969, Buuq iyo isqabqabsi badan Baarlamaanka iyo dowladdii Cabdirashiid ka dhintay ka dib, maalintii 6-aad oo ku beegnayd 21-10-1969, ayaa marqura waaga markuu dillaacay military ka dhex dhawaaqay raadiyo Muqdisho, hadalkii ugu horeeyeyna wuxuu ahaa in dalka uu Military-ga Soomaaliya gacanta ugu Jiro “”BBC dhagayso, ayna gabi ahaan gacanta ku dhigeen, shacabkuna waa taareegay xukunka Military-ga.

Laakiin waxaa soo baxay su’aal qura oo ahayd Dilka cabdirashiid maxaa diiday isla maalintaas ama habeenkii in dalka lagu soo Rogo Amar degdeg ah, oo maalintii Lixaad dalka gacanta u galiyey raga ciidanka ahaa. Su’aashaas waxaan weydiiyey rag badan, jawaabahoodana ma fadhiyaan.

Dad kale ayaa waxay Yiraahdeen Su’aal ka yara macquulsan tan koowaad oo waxay leeyihiin Ninkii Dilay cabdirashiid waxaa la dilay 1972 waxaana lagu dilay Marag ama waa la dal dalay, xukunka dalkana waxaa gacanta ku hayey Kacaankii Military-ga, Su’aashaa laftirkeedu waxay u baahan tahay in laga jawaabto tan hore, laakiin dhamaan eedeynta Kacaanka inuu ka dambeeyey dilka cabdirashiid Allaha u naxariistee mid aad u weyn maaha, oo wax la taaban karo maaha.

Kacaanku wuxuu ku dooday in dalka uu ku sii dhacayey ceel aad u dheer, oo qabyaalad iyo qurun heerka ugu sareeya uu gaaray dalkuna uu gacanta u galayey Musuqmaasuq baahsan oo aan kala sooc lahayn, kaasoo sii dhameeyey dhamaan dhaqaalaha dalka, waxaa kaloo ay sheegeen Military-gu inay aysan lahayn Budget ku filan, lana dayacay ciidanka Xooga dalka, taasina ay keentay inay Ciidankii xoogga dalka ka fekeraan Talada aayaha dalka, ayna isku dayeen Badbaadinta dalka iyo la dagaalanka Musuqa iyo Horumarinta dalka iyo kaabaha dhaqalaha dalka oo markaa aan urursanayn ama shirkadaha dalka ka jiray aysan ahayn kuwa qaramaysan.

Afgambiga dalka ka dhacay waxaa Hogaanka u hayey Allaha U naxariistee Mudane Salaad gabayre Kadiye oo ahaa saraakiisaha Military-ga dalka ragga ugu adag uguna Aftahansanaa ciidanka dhexdiisa, dhanka tacliinta iyo Military ahaana nin adag oo dhisan ahaa. Wuxuuna Qabay gabar uu dhalay allaha u naxariistee madaxweynihii Ugu horeeyey Soomaaliya Adan sida la sheegay.

Salaad Allaha U naxariistee wuxuu ahaa nin ku dhagan mabda’a uu haystay iyo sida uu war u rabay, wuxuuna saraakiisha iyo general badan u haystay kuwa aan saameyn ku yeelan Karin isaga, oo nin aad isugu kalsoon buu ahaa.




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.