In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.

In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh

Akhristoow, dadkeena Soomaaliyeed uma baran, in qofka intuu nool yahay wanaagiisa looqiro, maalintuu dhinto, ayaan abaal intii uulahaa, iyo mid dheeri ahba la isugu daraa, balse aduunka horuu-maray sidaa maaha, oo waxeey ku dadaalaan, in qofka wanaagiisa intuu noolyahay looqiro, laguna abaal-Mariyo, si kuwo kale ugu daysadaan, sidaana ummadu wanaaga ugu tartantoo uwada wanaagsanaato, ugu yaraan inteeda ugu badan.

Aan dulucda qormada udhaadhecee, in maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.

Mas’uulbaa isagoo xafiiskii raysalwasaaraha fadhiya, ogna waxa ka suurtooba, nimankaa ummadu gadaal kabaratay, ayuu ubareeray, inuu si aan qarsooneyn, oo public ah udhoho, "Dalkan waxaa dan u ah inuu doorasho aado,mudo kororsina waxaa ka dhalanaya khalalaalo amni iyo mid siyaasadeed, oo dalka halis garin kara!"

Ninkaa wuxuu abaabulay kana qeeyb-Galay shirarkii dhowrka ahaa, ee Dhuusa-Mareeb, si dalka doorasho u aado, waloow Dictator Farmaajo & Fahad aka Abuu Cammaar, waxkastoo eey ku fashilin karaan sameeyeen.

Ninbaa isagoo shirkii ku maqan shirkii Dhuusa-Mareeb, habeen muqdi ah, inta Mursal iyo Muudeey la shiriyey, lagula ballamay,  ineey isaga dhawaaqaan, in raysalwasaarihii lariday, iyadoon agendaha lagusoo darin, dood lagalinin, raysalwasaarihii dalka fursad loosiinin, uu eedeeymaha losoo jeediyo isaga difaaco, iyadoon cod looqaadin, la tirininna, sidaan eey Mursal iyo Muudeey oo fulinaya amarrada dictator Farmaajo iyo Fahad isaga dhawaaqeen in la riday Raysalwasaarihiii dalka. Sharci-darradaa waxaa sharci ku tilmaamay, mudo 30-Daqiiqo gudaheed ahna ku aqbalay dictator Farmaajo, howsha inuu sii wadayana sheegay RW kuxigeenkii Mahadi Guuleed, arintaasoo gabi ahaanteedba baalmarsan dastuuurka iyo dhamaan shuruucda dalka.

Waa arintii inta aan waxba-garan, fahmi karinna baaxada foowdada meesha ka dhacday ku dacaayadeeyeen Mr.7-Daqiiiqo, meeshii eey ka gilgilan lahaayeen kuwaa sharcigii dalka sidaa bareerka ah ugu tuntay. Ilmahaa inta ku qaniina, hadana kugu ooya, waalidkase wuu aamusiyaa.

Iyadoo waxaa oo dhan dhaceen, ayuu hadana iska diiday, inuu qeyb ka noqon is qabqabsi, iyo khalkhal siyaasadeed iyo mid amni oo dalka lagaliyo, isagana uu qeyb ka noqdo, wuxuu si garasho, biseyl iyo geesinimo ku dhisan usheegay, inuu is casilay, dalkana uturay. Wax-garadka Soomaaliyeed aad ayey uladhaceen dhaqankaa hogaaneed.

Ninbaa xitaa loo diiday inuu wareejiyo xilkii raysalwasaarenimo, ee sida aan sharciga aheyn lasheegay in looga qaaday,oo isagoo magaalada caasimada ah dhan ka jooga, raysalwasaare ku-Xigeen uu xil-Wareejin sameeyey. Waxeey aheyd lama arag, iyo lama maqal.

In dalkan uu doorasho aado, maantana heerkan lasoo gaaro, xildhibaannada la dhaariyo, dalkana yeesho heey’ad sharci ah, dalkana laga badbaadiyo mudo kororsi, burbur iyo dagaal-Sokeeye,  ninbaa waxbadan usoo huray, waxbadan ku sabray, dhib badan loogu geeystay, aadna loogu colaadiyey. Ninkaa wuxuu mudan yahay in abaalkiisa ummadu uwada qirato, mahadsanidna lawada dhoho.

Ninkaa waa raysalwasaarihii horee dalka, ahna musharrax-Madaxweyne mudane Xasan Cali Kheeyre.

Dhanka kale, waxaan sidoo kale la inkiri karin, doorkii raysalwasaaraha xil-Gaarsiinta, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ee dalka ka badbaadiyey, inuu burburo, kadib dagaalkii ka dhashay mudo kororsigii dictator Farmaajo isku dayey. Wuxuu RW Rooble ku guuleeystay, in ciidankii Badbaado-Qaran caasimada laga saaro. Dadaalkiisa doorashada dalka darteed waxeey dictator Farmaajo iyo kooxdiisa ku weerareen xafiiskiisa, si eey qori caaradii ugula wareegaan, illaa heerku gaaray, in si dadban loogu hanjabo in la dilo, fariimo loosoo diray, iyo warqad NISA soo saartayba intaba.

Ugu dambeyn maanta dadaalkoodii wuu miro dhalay. Waxaan wada leenahay wada mahadsandiin. Dalkan waxaad ka badbaadiseen dictatorship, burburo, iyo dagaal-Sokeeye, waxaadna uhiilliseen dimoqraadiyada dalkeena hooyo. Mahadsanidiin.

Waxaa iyagana mahad-naq mudan midowga musharixiinta, maamullada Puntland iyo Jubbaland, oo her-iyo-habeen culeys iyo pressure ku ahaa dictator-ka iyo kooxdiisa, iyagoo lahortaagnaa “Maya! Kaligii-Talisnimo!”

Wa billaahi toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed. Minnesota-USA.




Faallo 17 February 2022 11:11

Sawirka markhaatiga u ah dhexdhexaadin Madaxweyne Axmed Cabdi Karie Qorqor ka dhex bilaabay Xildhibannada kala ah Cabdiraxman Cabdishakur, Saadaq Cumar Xassan, iyo Cabdullahi Aadan Kulane oo matalaya dadka, deegaanka, iyo DG Galmudug wuxuu ka tarjumaya dadaalka samataliska ah ee Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Qorqor.