Dadaalka samataliska ee ka dhacay Galmudug

Sawirka markhaatiga u ah dhexdhexaadin Madaxweyne Axmed Cabdi Karie Qorqor ka dhex bilaabay Xildhibannada kala ah Cabdiraxman Cabdishakur, Saadaq Cumar Xassan, iyo Cabdullahi Aadan Kulane oo matalaya dadka, deegaanka, iyo DG Galmudug wuxuu ka tarjumaya dadaalka samataliska ah ee Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Qorqor.

Faallo Keydmedia Online
Dadaalka samataliska ee ka dhacay Galmudug

Mas’uuliyadda qaladaadka ka dhacay maamulka doorashada Galmudug iyo DG kale - Musharrax loo boobay iyo Musharrax laga boobay - waxaa wadaaga Farmajo, Roble, Madaxweynayaasha DG, Guddiga doorashada her federaal iyo kuwa her DG.

Waxgarad ayaa ka diday, dhibsaday sawirka ay ku wada jiraan Madaxweyne Qorqor iyo saddexda Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur, Cabdullahi Aadan Kulane, iyo Saadaq Cumar Xassan sababo qaddarin weyn mudan. Sida ku xusan qoraalka CCW, kulanka sawirka ka markhaati kacayo, waxaa abaabulay si kedis ah Madaxweyne Qorqor saacad dambe ee habennimo, asagoo CCW aan kala tashan, si kedis ahna ugu yeeray.

Wararka waxay sheegayaan in kaddib markii la ogaaday in Xildhibaan, Musharrax Madaxweyne CCW ka ambabaxayo Magaalada dhuusamareb, horeyna loola socday dhibka dhex yaal saddexda Xildhibaan ayaa Madaxweyne Qorqor abaabulay kulanka kedis ah.

CCW wuxuu fagaarayaal badan ka sheegay Gaboodfal uu ka tirsaneyay Xildhibaan Saadaq Cumar oo madax ka ahaa ciidammo weeraray 17kii Disember 2017, weerarkaaso lagu dilay 5 askari oo ahaa ilaalada CCW iyo qof dumar ah, isla markaana aan ilaa maanta la ogeyn halka lagu aasay meydkooda. Waxaa la dhaawacay CCW iyo madax kale ee la joogtay, waxaana la burburiyay hanti badan.

Waxaa la aaminsan yahay in weerarkaas soo amreen madax sare oo ilaa maanta aan qiran, kana cudurdaarin, taaso hortaagan xiritaanka dhacdadaas.

Sidaas oo kale Xildhibaan Cabdullahi Kulane oo ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugidda waxaa lagu eedeynayaa inuu mas’uul ka yahay gaboodfallo badan ee loo geystay CCW iyo taagerayaashisa.

Sida hadda ka hor uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka muddo xileedkiisa dhammaday Cabdi Xaashi, dhaqan xumada ku soo kordhiyay siyasadda Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay waxaa ka mid ah shirar iyo sawirro si kedis ah loo qaado, kaddibna baraha bulshada lagu faafiyo si dadweynaha loo marin habaabiyo ama shaki loogu abuuro.

Waa laga maarmi karay qaadista sawirka abuuraya muranka siyaasadeed. Madaama ujeedada Madaxweyne Qorqor aheyd in xal laga gaaro dhibaatada dhextaal 3da Xildhibaan waxaa habbooneyd in aan lagu mashquulin qaadista sawirka.

Eed baxa Xildhibaan Saadaq Cumar iyo Cabdullaahi Kulane waxay ku xiran tahay inay dadweynaha la wadaagan xaqiiqada dhibaatada dhacday isla markaana caddeeyaan Madaxda Amarka soo siisay, kuwaasoo ilaa maanta aan dadweynaha la wadaagin sababaha ay amarkaas u bixiyeen iyo ujeedada ka dambeysay, iyo sababaha ay sharciga u raaci waayeen haddii ay dambi ka hortagayeen.

Saadaq Cumar iyo Cabdullahi Kulane waxaa loo aqoonsanaya inay ahaayeen fuliyayaal amar sharcidarro ah haddii ay caddeeyaan Madaxdii amarka bixisay.

Arrimaha furaha u noqon kara xalka gaboodfalka dhacay 17kii Disember 2017 waxaa ka mid ah:

  1. In warbaahinta iyo hay'adaha xuquuqul Insaanka iyo dadweynaha la soo tuso qubuurihii lagu aasay meydka 6da marxuum.
  2. In labada xildhibaan sheegaan Madaxda Sare ee siisay amarka lagu weeraray CCW, hadafka weerarka, qarinta meydka, iyo sababaha aan gargaar caafimaad loogu fidin dadkii dhibaatada ka soo gaartay.
  3. In Dowladda Federaalka bixiso magdhaw iyo xaalmarin daahfuran ee la siinayo dhaxaltooyada muwaadiniintii xaqdarrada lagu dilay iyo intii kale ee dhaawaca iyo dhibaatooyinka ka soo gaartay weerarkaas. Wixii horey loo bixiyay waxay ahaayeen laalush.
  4. In mushaar joogto ah loo qoro xaasaskii, caruurta, iyo waalidiinta ay ka tageern marxuumintii xaqadarrada lagu dilay.
  5. In Cafis la weydiisto ayna bixiyaan dhaxaltooyada 6dii qofood ee la dilay, intii dhibaatada ka soo gaartay gaboodfalkaas ee uu ku jiro CCW.

Waxaan qabaa in Xildhibaan CCW ku adkeyd inuu diido sawirka muujinaya dhexdhexaadinta odaynimo ee Madaxweyne Qorqor bilaabay, haseyeeshe ma filayo inay wax ka beddeleyso baahida loo qabo soo afjaridda daahfuran ee weerarkii dhacay 17kii Disember 2017.

Madaxweyne Qorqor iyo Xildhibaan CCW waxaa ka dhex abuurmay mas'uuliyad wada shaqeyn iyo is tixgelin guud madaama ay wada matalayaan danaha dadka iyo deeganka Galmudug. Waa mucaarad iyo muxaafad mas’uuliyad ka dhexeyso.

Xildhibaan Saadaq Cumar iyo Xildhibaan Cabdullahi Kulane waxaa u furan inay mas'uuliyadda gaboodfalka dhacay ku wareejiyaan Madaxdii siisay amarka sharcidarrada ah, isla markaana ka qayb qaataan ka bogsashada dhibka dhacay. Haddii labada Xildhibaan aysan ka qayb qaadan gaboodfallada CCW tabanayo waxaa u furan inay iska beri yeelan.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.