Roobow Argagixiso ayuu u xiran yahay miyaa?

Labo sano, 11 bilood iyo 28 maalin, [Saddex sano oo la’ labo cisho] ayaa ka soo wareegtay, markii ciidamada Itoobiya ay December 13 2018, magaalada Baydhabo ka af-duubeen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, kaas oo August 15 2017, si rasmi ah u shaaciyay inuu ka baxay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Faallo Keydmedia Online
Roobow Argagixiso ayuu u xiran yahay miyaa?

Bartamihii bishii 8-aad ee 2017, Mukhtaar Roobow, oo ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan kuwa NISA, ayaa warbaahinta kula hadlay hotel ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xubinnimada Al-Shabaab uu ka baxay 5 sano iyo 7 bilood ah, xilligaas, isla-markaana uu wadahadallo kula jiro hoggaanka dowladda.

Mukhtaar, wuxuu si aan gambad lahayn u sheegay inuu si buuxda uga soo horjeedo fahamka khaldan ee Al-Shabaab ka heystaan diinta Islaamka, taasina ay sabab u noqotay in ay dhowr jeer ku weeraraan degaanka Aabal oo 18 kiiloomitir u jira Xuddur, halkaasoo uu iyaga kaga gambanayay wixii ka danbeeyay 2013-kii.

Wadahadallo dheer kadib, Mukhtaar, waxaa loo fasaxay xoriyaddiisa oo dhan, wuxuuna dabayaaqadii 2018, go’aansaday inuu isku sharaxo xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, hayeeshee, Fahad iyo Farmaajo oo doonayay in ay [adeege gaar ah] geystaan Badhabo ayaa hor istaagay damaciisa siyaasadeed.

Kadib markii ay ku baraarugeen taageerada uu ku dhex leeyahay bulshada Bay iyo Bakool, una muuqatay inuu yahay musharrax ka taageero badan baratamayaasha kale, Farmaajo, wuxuu go’aansaday inuu xuriyaddiisa xaddido, xabsigana ku hayo inta uu xaafiiska joogo, taas oo keentay in isagoo aan wax maxakamad ah la soo taagin uu muddo Saddex sano ah ku jiro qol mugdi ah.

Waqtigaas uu Farmaajo, xabsiga ku hayo Mukhtaar, waxaa xorriyad magaalada ku maraya madaxii hore ee sirdoonka Al-Shabaab, Zakariya Ismaaciil Axmed, kaas oo mar madaxiisa la dul dhigay saddex malyan oo dollar, [$3,000,000] maadaama uu ahaa mid ka mid ah todobadii hoggaamiye ee ugu sarreeyay Al-Shabaab, sida uu sheegay nidaamkii Obama sanadkii 2012-kii.

Farmaajo, wuxuu Zakariye Ismaaciil, u adeegsaday fulinta qorshaha qaarijinta dadka reer Muqdisho, wuxuuna maleegay dhowr weerar oo lagu qaaday Huteellada Caasimadda, wuxuu fududeeyay qaraxyo waaweyn, waxaana ugu danbeyn xaafiiska galay kiiska Qarixii July 24, 2019, ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo uu ku geeriyooday AUN, Guddoomiye  Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ‘Yariisow’.

Zakariye Ismaaciil, wuxuu hadda ka mid yahay shaqsiyadka eedeysan ee loo boobayo kuraasta taalla Garbahaarrey, si uu uga badbaado gacmaha sharciga afarta sano ee soo aaddan, hadaba maxay ka dhigan tahaya in Farmaajo uu kursi baarlamaan u boobo Madixii Amniyaadka Al-Shabaab oo ku heyb ah, xorriyadana ka xuyuubiyo Mukhtaar oo mowqifkiisa caddeeyay saddex sano ka hor?.

Kaliya Zakariye ma aha; Farmaajo, wuxuu darajeeyay, Farxaan Maxamuud Aadan [Qaroole], kaas oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna u adeegsaday xasuuqii Baydhabo ka dhacay xilligii doorashada, dagaalladii Dhuusamareeb, Guriceel ee ka dhanka ahaa ASWJ, dagaalkii mudoo kordhinta ee caasimadda, duullaankii mucaaradka iyo caburinta shacabka Muqdisho.

Sidoo kale, ku dhawaad shanta sano ee Farmaajo, Madaxtoyada ku jiro, wuxaa xilka Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, hayay, Col. Mohamed Adam Kofi, kaas xilliyo kala duwan shaashadaha ka soo muuqday isagoo garabka ku haya Mukhtaar Roobow, markaas oo ay ka wada-tirsanaayeen kooxaha ka soo hor jeeda dowladnimada.

Farmaajo, wuxuu xilal iyo darajooyin ciidan ku tixay xubno fara badan oo kasoo diga rogtay Al-Shabaab, wuxuu maamuusay shaqsiyaad hortiis iyo gadaashiis u soo wareegay dhanka dowladda, hadaba waa maxay danbiga aysan Zakariye, Farxaan, Koofi iyo kuwa la mid ka ah aysan galin ee Mukhtaar kaligiis loo ciqaabay?

Farmaajo, waxaa la taliye amni u ah, Qabqable, Maxamed [Moorgan], oo kumanaan qof gacantiiisa ku maqan yihiin, isla-markaana dhacay dhamaan xoolihii reer Bay 1991-kii iyo Fahad Yaasiin oo ah aabaha argagisada Soomaaliya, halka uu Ciidanka XDS u hoggaamiyo Maxamed Biixi, oo ka mid ah dagaal oogayaashii xasuuqa geystay. Yaa danbi badan Morgan iyo Mukhtaar?.

FG: Qooraalkaan u jeedkiisu maahan in Mukhtaar Roobow, uusan lahayn wax danbi ah, maadama aysan jirin Maxkamad la soo taagay oo danbi la’aan ka dhigtay, hayeeshee, waa muujinta inuu u xiran yahay dano siyaasadeed, loona beegsaday damaciisa ku aaddan qabashada xilka MW, KGS.  

Xarigga Mukhtaar, wuxuu qeyb ka ahaa qodobbo dhowr ah oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, laga filayay inuu sida ay u kala horreeyaan u kala qaad qaado, hayeeshee, ma dhicin oo indhaha ayuu ka dabooshay.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dhankooda ka gaabiyay in ay cadaadiskooda siyaasadeed ku daraan raadinta xuquuqda Mukhtaar, waxaase la rumeysan yahay inuu bannaanka ku imaan doono is-badellada siyaasadeed ee dhawaan la filayo.

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.