“Aabahaa waxaa la dilay isagoo nafteeyda badbaadinaya”

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Qoraa C/Qaadir Maxamed Cismaan ayaa qormadaan uga hadlaya dhacdo xanuun badan oo sanadkii 2020 ku dhacday qoyskiisa, waa qormo muujineysa cadaalad daradda ka jirta dalka.

“Aabahaa waxaa la dilay isagoo nafteeyda badbaadinaya”

Aabaheen Maxamed Cismaan Cosoble (Muxumad Bidaar), waxaa la dilay 12-kii bishii diseembar 2020-ka, abaarihii kow-iyo-toban saac & shan-iyo- toban daqiiqo, ee galabnimo (5:15pm) xilliga Muqdisho. Waxaa lagu dilay qeybta dagmada Hodon, ee sarta Seey-Biyaano. Waxaa dilay gacan-Kudhiigle dable booliis number-kiisu yahay: 24315, laguna magacaabo: Cabdiraxmaan Maxamed Daa’uud Ibraahim, oo looyaqaan “Caana-Nuug”, ina Seynab Mustaf Sheekh Maxamuud, ku dhashay Huriwaa/Heliwaa, daganaana:Xamar-Jajab. Markuu askarinimada qoranayey gacan-Kudhiiglaha, waxaa damiintay isaga iyo qorigiisaba, Aabihii K/k booliis number-kiisu yahay: 230880, laguna magacaabo: Maxamed Daa’uud Ibraahim, Ina Faadumo Cilmi Cali. 

Gacan-Kudhiigluhu wuxuu ka tirsanaa sal-Dhigga degmada Wada-Jir, ee Gobolka Banaadir, waxaana taliye u ahaa: Taliye: Saciid Cali Maxamuud (Bar-Yare). Taliyaha waxaa xilkaa loo magacaabay 18-kii bishii Feberaayo 2020-kii. Waxaa taliye Siciid 15-kii bishii Abriil, 2021-ka loo dallacsiiyey, inuu noqdo taliye K/Xigeenka qeybta guud ee Boliiska Gobolka  Banaadir, xilkaa oo uu hayyo isla xilligan aan qormadan qorayo.

Nasiibdarro! Taliyuhu masoo xirin, askarigii Aabaheen dilay, iyo waliba askartii la joogtay gacan-kudhiiglaha, ee ineey qabtaan iska daaye, ufududeeysey inuu fakado. Jen. Saadaq Joon oo booliska gobolka Banaadir markaa heeystay, iyo Jen. Xijaar oo taliska guud ee boolika heeystana waxba kama qaban. Waxaan baaritaan hordhac ah ku ogaannay, in la rabay, in qofka dhintay lagu sheego inuu bajaajle ahaa, oo eey si “Kama’a ahna” ugu dhacday xabad “Al-Shabaab” loo waday.

Markaa Aabe la dilayey waxaa la socday, adeerkeey Aabaheey la dhashay, oo nin yar ah: Adeer C/Llaahi Cismaan Cosoble. Waxaa kaloo la socotay, xaaskii 2-aad ee Aabe, eedo Faadumo Cabdulle Cosoboow, iyo eedo saaxiibteed: Faadumo Maxamed Cali.

Dilku wuxuu dhacay kadib markii eey isku dheceen, mooto bajaaj Aabe saarnaa, oo uu waday dhibane: Mahad Nuur Abti-Doon, iyo mooto bajaaj kaloo khaladka laheyd. Askarigan booliska ah, ee Aabe dili doona, ayaa dharbaaxo wuxuu dhag-iyo-Dhafoor gooyay, mooto bajaajlihii laga gardarnaa, oo waliba dharbaaxo uguma ekeeyne, wuxuu damcay inuu dilo. Aabe wuxuu damcay inuu badbaadiyo Bajaajlaha, isagoo ku kala dhex jiroo leh “Walaaloow maxaad ku dharbaaxday, isagaaba laga gardarnaaye, bal walaaloow ha dilin, maxaad ku dileeysaa!?”

Nasiibdaro! Askarigii isagoon hadalba kusoo celin Aabe, ayuu laba tallaabo gadaal uqaaday, kadibna Aabe xabad ku dhuftay. Nasiibdarro! Xabadii waxeey Aabo kaga dhacday dhuunta, gaar ahaan rubada ama meesha dhuunta diisanta, markuu qofku neefsado! Aabe naftaba dhulka lama dhicin, oo halkii ayuu ku raq go’ay. Xabadii Aabe ka baxday, ayaa Mahad Nuur Abti-Doon, darawalkii bajaajlaha, ee laga gardarraa, ee Aabe badbaadinayey, ayaa kaga dhacday gacanta midig garabkeeda hoose, nasiibwanaag! Ma dhimane wuxuu noqday dhaawac, inkastoo gacantii uu gabi ahaanba ka naafoobay.

Askarigii booliska ahaa ee aabo dilay wiilka bajaajlaha ahna dhaawacay, ma cararine, waxyar buu dhaqaaqay, isla markiiba wuu soo noqday, wuxuu hubiyey in Aabe dhintay, yarkana dhaawacmay, markaas ayuu toos udhaqaajiyey, markuu ogaaday inuu qof dilay, si uu caddaalada uga baxsado.

Aabe wuxuu aad u necbaa dulmiga, ismana celin karin, markuu arko bini’aadam la dulminayo, ama loo xoog-sheeganayo, ee laciilayo. Ma maleynkareeysid, inta aan gacanta soo qabtay, isagoo qof la dulminayo darteed, naftiisa halis weyn u galinaya.

Nasiibdarro! Askartii la joogtay isbaarada (check point-ga) ma eeysan qaban gacan-Kudhiiglaha, maadaama uu geeystay dil muwaadin! Waxeey u ogolaadeen inuu baxsado. Waxaa xogtu sheegeeysaa, ineey hore usii siiyeen, lacag uu bajaaj kusii raaco, si uu degdeg ugu baxsado.

Intaa kuma ekeyn oo kaliya’e, waxeey sal-Dhigga Wada-Jir raadiyaha gacanta ugu sheegeen, in Bajaajle la dilay, si kiiskaba loo duugo, ama ahmiyadba aan loo siinin, sidii in dilka Bajaajluhu aanu wax dhib ahba laheyn, maadaama ayaamahaa bajaajlayaasha la iska dilayey. Markii dal-iyo-dib la is-gaarsiiyey, ayaa isla markiiba walaalkeey iga yar, Cali Maxamed Cismaan, oo eey taliyaha is-garanayeen usheegay, in qofka la dilay aanu bajaajle aheyne, Aabe yahay! Waa goor aan Gacan-Kudhiigluhu gacan kujirin. Dabcan in si aad ah meel kasta looga baadi goobayana, waa la gaarsiiyey.

Waxaa xanuun qofka ugu filan, waalidkaa oo aan qof sababsan, markuu xanuun, ama mowtul- Faja’a kaaga dhinto, kawaran hadii meel dheer adigoo ku maqan, laguusoo sheego in la dilay, waliba kibir iyo badraannimo xabad ugu dhuftay, wiil xashiis-cab badanoo, sidan oo kale, si badraannimo ah, laba qofood hore ugusoo dilay degmada Kaaraan, waliba mudo aan fogeyn, nasiibdarose! Meeshii laga qisaasi lahaa, ayaa odayaal kala qaateen “Bac madoow!”. Tasoo sii kibrisay!

GUNAANAD:

Aabe wuxuu ka tagay bahdeena waaweyn oo 5 ah (3-Wiil iyo 2 gabdhood), iyo bah yaryar, oo iyana 4 ah (2-wiil iyo 2-gabdhood), oo dhamaantood, aan aniga ugu wada weeynahay. iyo labadeena hooyooyin, oo inoo wada nool.

Aabe Allaha unaxariisto, qabriga Allaha uwaasiciyo, beer ka mid ah beeraha Jannada Allaha uga dhigo, kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo, dambigiisa iyo dambi waalidkiisna Allaha dhaafo, Janmatul Firdoowsa Allaha ku abaal-mariyo, anagana gadaashiis Allaah nama fidneeyo. Allahuma Aamiin.

LA SOCO QEYBAHA KALE 12-KA BIL KASTA, INSHAA ALLAAH!

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.