25 July Muqdisho Dhagarqabe ayaa Diidan!

By Dr. Ali. A. Hirabe - Maqaamka Magaalo Madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegida dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.
Faallo Keydmedia Online
25 July Muqdisho Dhagarqabe ayaa Diidan!

 

25 july waa maalin taariikhda Somali  wax weeyn aay ka bedelmi doonto,waa maalin magaalo madaxdiisa Muqdisho ay noqoneeyso magaalo la mid ah magaalooyinka waaweeyn ee dalka,waa maalin damaca dhagarqabayaasha diidan caasimada Muqdisho u ah farxad iyo reyreeyn.

Waa maalin Shariif uu hormuud ka noqday dhagarqabayaasha diidan caasimada Muqdisho,waa maalin mugdi ah,waa maalin murugo ah,haddii 25 July la ansixiyo dastuurka qabyo qoraalka maqaamka Muqdisho waxaa eey  noqoneeysaa dhul reer uu leeyahay,waa maalin la diiday wadanoolaasho Somali,waa maalin ninkii ka caraaray uusan dib ugu soo noqon.

Waa maalin reerwalbow magaaladaada u tasho ah,waa maalin Muqdisho lagu qasbayo in aay doonto dowlad goboleed, waxaana quman in canshuurta iyo daqliga ka yimaada magaalada Muqdisho lagu celiyo shacabka magaalada Muqdisho.

Akhristow waxaa  iyana dastuurka qabyo qoraalka ku jira wax ka bedelka dastuurka in  wax ka beddelka Mabaadi’da aasaasiga ah eeyan  wax ka bedeli karin labada aqal ee baarlamaanka waxna ku soo kordhin karin  Qodobka 199.

Qoddobada wax ka badalka dastuurka ee lasoo jeediyay dhamaadka xilliga koowaad ee Baarlamanka Federaalka,haddii dastuurka wax laga bedeli karin 4 sanno ee soo socota sow hore ha u socon dibna ha u socon maaha.

Ku-simaha Iimaamka,Ugaaska iyo Malaaqa waxaa aay qeeyb ka noqonayaan dhagarqabayaasha hormuudka ka ah in caasimada Muqdisho maqaamkeeda la bedelo sida oo kale dhamaan Odayada ansixinta qeeybta ka qaatay ee Somaliyeed waxaan leenahay ogaada wadanoolaashada Muqdisho idinkaa diiday ee doonta raaca.

Wasiir kuxigeenka wasaarada hawlaha guud ee Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in aysan qasab ahayn in magaalada Muqdisho ay noqoto Caasimada dalka Soomaaliya halka wasiirka dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibrii asagana  arimahaasi si adag kaga jawaabay isagoo ku tilmaamay in aan shaki lagein karin in caasimadda Soomaaliya ay muqdisho tahay balse waa hadal afka aanan dhaafsiisaneeyn oo weli aad ka arki karto in dastuurka sidiisii yahay.

Gudoomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dastuurka qabyo qoraalka ee iminka garwadeenka ka yahay Mahiga iyo C/weli Gaas  uusan ahayn mid dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed ee Musimka ah Muqdishona ku tilmaamay hooygii somalida balse dastuurka qabyo qoraalku dafiray maqaamkii aay laheeyd,isagoo baaq u direy xukuumadda KMG.

Akhristow dastuurka qabyo qoraalka marna si cad uma  qeexaayo mabaadiida aasaasiga ah ee dowlada iyo awood qaybsiga maamul goboledyada iyo dowlada dhexe, taasoo ah in dastuurka qabyo qoraalka ahi uu u muuqdo mid ka fog xaqiiqda la rabo in Soomaaliya laga hir galiyo dowlad tayaysan oo awood leh, waxgaradka,culumada aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalmihii ugu danbeeyey si weyn uga soo horjeedey qabyo qoraalka dastuurka cusub ee la doonayo in lagu maamulo dalka Soomaaliya.

Waxaan waajib ah in caasimada Muqdisho 25 July waxii ka danbeeya dhagarqabayaasha diiday caasimada in sida ugu dhaqsiyada badan dib ugu noqdaan goboladii aay ka yimaadeen maadaama aay gaareen goolkii ama hadafkii ahaa caasimada Muqdisho ma ah caasimad.

Dr. Ali. A. Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

 





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.