AL Ka Gurguuree AL U Guur! Q1AAD

Bashiir M. Xersi - Adoon i HABAARRAMIN ila AQRI. Illeen qof HABAAR u hoyday lama heline. Mid DULMANSE ma halmaanin. Adoon CAAYTAMIN isha mari. Illeen AF CAAYTAMA NINKIISUU KU YAALE! Adoon CARAYSNAYNAYN ila WADAAG. Illeen CIISHOONE wax ma CAYNSHEE.
Faallo Keydmedia Online
AL Ka Gurguuree AL U Guur! Q1AAD

Adoon CANAAD wadin ila eeg. illeen CAMAL XUMO qofka CIDAHA waa kaa saartaaye. Intaa iyo intoo kale adoon hannaan iyo hab, hub iyo haybd, caado iyo cod ka dhigan qoraalkan kooban isha ila mari.

Islaamkii dhawaangalka ahaa, ee Waddanka soo gaarsay dhammaadkii siddeetameeyadii iyo horraantii sagaashamaadkii, wixii laga dhaxlay loo wada joog. Ma xumaa ma samaa? Warcelinta aan isaga soo laabannee, bal horta ila jeexjeex aragtida, hana is dhihin marna inaan u kala eexanayo laba URUR DIIIMEED ee mid walbaa AL wato. Anoo kuu cilladayn doona, haddana, ha i dhararsan.

Laga yaabee, inaad la yaabtay, marka aan iri ISLAAM DHAWAAN GAL ah. Oo waxaan wada ognahay in DIINTA ISLAAMKU Waddanka ku fidday xilli aan dhawayn. Dadka qaar baaba qaba in farriinta diintu na soo gaartay intii SUUBBANUHU ifka joogay. haddana, maalintaa diintu timid ilaa maanta, maalmo ka murugo iyo maamuus xun maalmahan aan ku nool nahay nama soo marin. Dabcan waxaan u jeedaa dhan diimeed, ee kama hadlayo hoggaan, maamul iyo siyaasad.

Waxa dhacay aan wariyee, bal ila soco. Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka Carabiga “AL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka ahana qaaday waddamada Masar iyo Sacuudi, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka.

Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo markii dambe magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB IKK.

Asxaab kooban weeyaan
Afar iyo shan weeyaan
Albaabkooda lama galo
Ehel iyo qaraabiyo
Xigta maba u oommana!

Dhanka dalka Masarna waxaa hordeed ka ahaa ninka kale ee la yiraa; Xasan Al Bannaa, oo markii dambe daldalaad lagu fuliyey. Isna wuxuu keenay aragtiga ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.

AALA AALA weeyaan
ASHU waa billaawoo
Waa astaan u gaaroo
Waa iridda koowaad
Waa albaab u xiranoo
Aadane ka soo galin!

Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hana qaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Horraantii todobaatameeyadii, sanadihii seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacay DAACUUN SIYAASAD DIINEED ah, oo aan dhagax iyo dhir midna reebin.

Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQB. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa isha ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah. labada waddan ee Masar iyo Sucuudina uu Maraykanka gabbaad ka dhigtay, lana wadaagay jabintii Soofiyeedka. Una hirgalshay in lagu Jihaadkaana inay xaq tahay. Wixii ay ku dambaysay loo wada joog.

Waddanka [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaagga ee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka Qalabka Sida. Dabcan aragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.

Dilkaa lagu kala aragti duwan, sida aan loogu kala aragti ahayn intii ay dhib gaysatay Dawladdii magaca Kacaanka ku suntanayd. Laga yaabee, in xilligaa aan dadka intiisa badan aragti xadidan iyo mid xarafsan midna aysan ka qaadan. Balse, dhawaanahan aragtidu hal dhan bay u ciirtay, aanse dhan kale kaa wadaajiyo, adoon igu soo degdegin.

Waxaa jira qodob qeexaya in la raaco WALIYU AMRIGA. Marka qodobkaa laga shidaal qaato raggii qaranka iyo hannaan dawladeedkii jiray ka soo horjeestay maxaa laga dhihi karaa? Mise iyagu magac Culimo ayey ku suntan yihiin oo marna qaban maayo qodobkaa miyaa? Oo waa: La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan!

Maxaa yeelay Jabdahaba dawladdu dagaal ayey kala hor tagtay, in qabiil loogu qiilaya ma ahane, waa la wada qirsan yahay inay qaranka qalalaase ku wadeen. Haddana, lama qarin inay qaldanaayeen.

Diin ahaan marka xagga la iska dhigo, illeen dad badan oo xuurto kugula soo dul dhacaya ayaa jiree, aan ka eegno laba arrimood, oo laga yaabo mid ka mid ah inay hoos galayso isla diintaba. Waxaan isla qiraynnaa in qofkii qilaaf dhalin kara qalaalaaso siyaasadeedna abuuri kara ee qatar galin kara qaranka inay xaq tahay in dadka laga qabto. Sidee? Waa meesheeda, ee adba si uun u suurayso.

Midda kale, ee maalmuhu noo caddeeyeen waxa ay tahay, in haddii aan raggaa maalintaa go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.