AL Ka Gurguuree AL U Guur! Q: 2AAD

Bashiir M. Xersi (KON) - Haddaan qormadii koowaad ku soo xusay, in Dunida Muslinka uu ka hana qaaday Daacuun Diimeed Siyaasada da bada ku haaya, kana kala yimid dalalka Masar iyo Sucuudiga, oo Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab “WAHAABIYA” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB IKK.
Faallo Keydmedia Online
AL Ka Gurguuree AL U Guur! Q: 2AAD

Dhanka dalka Masarna waxaa hordeed ka ahaa ninka kale ee la yiraa; Xasan Al Bannaa, “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.

Sidoo kale, aan xusay Maxkamadihii, ee aan la fiirin inay yihiin raggii Dagaalkii Buundadii Araare, ee Kismaayo ka qaybqaatay, dagaalkii Boosaaso ee Gobolka Bari iyo kii Gobolka Gedo ka qaybqaatay. Haddii Xabashi Maxkamadihii xabbad indhaha ka galisay, ee ay kaynta u kala carareen, waxaa fud soo yiri, oo awalba Qamiiska ugu jiray Alshabaab.

Adba kaalay maaro iyo tab u hel. Haddii rag ka mid ah siyaasad wadaag la noqdeen dawladdii C/laahi Yuusuf, wali waxaa nalagu hagayey nidaamkii ASHA [AALA SHEEKH]. Haddii 20012 maamul cusub yimid, wali waxaa na daba taal ASHII [DAM JADIID] AMA [ISLAAX-IKHWAAN MUSLIMIIN]. In kasta oo raggan cusubi ku leeyihiin anagu kama mid nihin ama kama mid noqonba. Haddana saw ma ahan AL KA QAADO AL U DHIIBO.

Haddii aan Islaankii dhawaan galka ahaa intaa uga gudbo, bal aan dhan kale ka eego ASHA. Illeen Wadaad waa isku hale, magacuu doono ama aragtidoo doono ha watee. Tusbaxlayda Bun jabyayaasha loo yaqaan ee AHLUSUNNO sidii ay ugu buureen dirirta waddanka ka jirta ee Jihaadkii Jannada lagu doonayey ay dhinacooda ka doojiyeen, waxay la soo bexeen wax awalba oo laga filan karay. Sida dilka dad ay ku sheegeen DAMBIILAYAAL, eense Maxkmada la soo taagin, Muddac iyo Muddacaha kala saarta, Qareenna u qabata. Xirid Wariyayaal iyo ugu dambayn, ee ah midda ugu qatarsan, in ay Xildhibaanno deegaanka Galguduud iyo Hiiraan ka soo jeeda oo booqasha ku joogay ay ku amreen inaysan ka hadli karin Siyaasadda Gobolka. Waaba iga su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.