Allow Kabaha Faroole Maanta Ha Ii Gelin!

Salma Abdikarim Ayuub (Keydmedia Online) - Telefishinka ABC oo laga leeyahay Dalka Australia wuxuu soo faagay khayaanadii ay abaabuleen Madaxda Shirkadda SARACEN International iyo Cabduraxmaan Faroole.
Faallo Keydmedia Online
Allow Kabaha Faroole Maanta Ha Ii Gelin!

SARACEN iyo Faroole waxay jabiyeen Xeerkii Cunoqabatayna Hubka oo la saaray Soomaaliya iyo Eritera, waxayna Maamulka Puntland soo geliyeen hub leh lixaad ballaaran oo u dhigma in ka badan kan ay haysataan Ciidamada AMISOM "Army Embargo" cidda jabisa waa xaqirid sharciga caalamiga ee cunaqabataynta hubka oo UN-ka u dagsan.

Keydmedia Online ayaa Sanadkii 2010 Xogg kasoo heshay Saracen iyo Hubka Dhulka Soomaaliya la keenay! Hoos ka Aqriso:



East Africa: Soldiers of Fortune

DHACDO UGUB AH - XASILOONIDARO HOR LEH!! SARACEN INTER. - (XOG MUHIIM AH)

- Is-Hubaynta Faroole - Beelaha Soomaaliyeed ma ogyihiin Khatartaan kusoo Wajahan!?

- Self-arming & Conquering is a Fallacious Policy in Somalia



Ma garanayno Mustaqbalka Faroole wuxuu ku dambayn doono, hase yeesee Ninka hadda Qoolka UN-ka ugu jira waa calooshi u shaqaystaha Afrikada Koofureed u dhashay oo kasoo cararay S. Afrika markay xornimada qaadatay.

Waxaa kasii daran hubkii waa yaalaa oo ma ahayn wax la inkiri karo, waxaana gacanta ku haya Faroole. Qasriga Faroole ku leeyahay Australia sidee loo degi doonaa? Haddii Faroole uu dambi ka galay sharciga u degsan UN-ka xagee ku dhuuman doonaa?

Dowlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata waxay u hoggaansami doonta sharciga u degsan UN-ka, sidaas darteed Faroole Soomaaliya kuma dhex-dhuuman doono oo waa lasoo qaban doonaa.   

Ninka la haysto wuuxu samaystay Basaboor Australiaan ah oo hadda laysku haysto ciddii u fasaxday oo siisay. Waxaa la xannibay lacagihii badnaa oo uu sameeyey oo u yaalley banuugta adduunka, waxaa la xannibay soocodkiisii, waxaana lagu raadjoogaa wixii lagu samayn lahaa.

SARACEN waa shirkad rayad ah oo la kiraysto oo tababarta ciidamada qalabka sida, hubkana waa soo iibiyaan marka loo dirsado.

Waxaa sidoo kale SARACEN Maamule guud ka ah nin la yiraahdo Bill Pelser, waxaana kaloo dullaaliin ka ah labo sarkaal oo mid kamid ah uu hore uga tirsanaan jirey ciidamada sirta "CIA" Central Intelligence Agency oo la yiraahdo Micheal Shanklin, iyo nin hore Safiir u ga ahaan jirey maamulkii Maraykanka ee George W. Bush oo la yiraahdo Pierre Prosper. Labadaba waxaa loo haystaa dacwad dambi dagaal ah oo aan weli maxkamad la hor-keenin.

 Ninkii qayrki loo xiirayow aduna soo qoyso. Faroolow adna waa Maantay ama waa Ba-ri.  

Faroole waxuu uu hubka usoo gatay waa ku baabii qabaailka Soomaaliyeed oo ay Dariska yihiin, hase yeeshee wuxuu ku andacooday waxaan kula dagaalamaya burcad badeedda. Wuxuu yiiri SARACEN waxay ii tababaraysaa ciidan yar oo soo qababta burcad badeedda, hase yeeshee waxaa saracen u tababartay ciidan ka badan guutooyin oo aan ka yarayn ciidamada AMISOM dalka ka jooga.  

Ciidankan Faroole u xaraysan yaa lagula dagaallamayaa?

Guddiga la magacbaxa "Monitoring Group" oo UN-ku u xilsaaray inay dabagal ku sameeyaan hubka Faroole keensaday, hubaynta SARACEN iyo lacagaha laga sameeyey waa raad abeeso, hasee yeeshee waa laga salgaaray hadda, waxaana la bilaabay madaxa SARACEN in cunoqabatay lagu sameeyo.

Faroole middidu Madaxiisa ayay ku mudan tahay mana haysto qiil uu isku difaaco. Guurka Faroole iyo SARACEN waa mid ceeb iyo fadeexo dhex dabbaalanaya, caaqiba-xumana uu ku dambayn doonana taasoo hadda la sugayo Dabkii Faroole u huriyey inuu cid kale ku gubo isaga ayuu maanta ku holcahayaa, kuwii u sabatumi jireyna maanta ayay ka shallaynayaan.

Dagaalka jabinta cunaqabatayntu wuxuu u dhexeeyaa 2 nin iyo dunidii oo dhan, waana loo jeedaa cidda ku adkaan doonta. Sidee hubka QAW yaalla laga yeeli doonaa? Maxay ku dambayn caaqibada SARACEN? Faroole mala gelin doonaa xannibaad caalami ah?

Maanta waxay ahayd in Cabdirixmaan M. Faroole uu haan weyn u tosho barwaaqada laga filayo inay kasoo burqato Shidaalka ku jira deegaanka Puntland.

Waxay ahayd in Faroole uu nabaadda u codeeyo oo uu ka tanasulo colaadda uu u qalab aruursanayo. Waxay ahayd inuu dariswanaagnimada u durbaan tumo oo uu abuuro jawi is-kaashi iyo mid horumarin guud. Waxay ahayd inuu bulshada reer Puntland gaarsiiyo saman nabad, barwaaqo iyo baraare oo ay ka faa’iidaystaan kheyraadka dalka.

Nabadda waxba laguma doorsan karo, siyaasiga nabad ku taliyana isaga ayaa inta kale kasoo harin.

Allow kabaha Faroole Maanta ha ii gelin!

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net


Salma Abdikarim – Keydmedia Political Analyst  - Columbus, OH - Salma.a.ayuub@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.