In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Qodobka Murtida hore ku jira ee ah: “WANAAJIYE” waxay si cad u tilmaamaysaa oo qayaxan: ABWAAN, INDHEERGARAD, GARAAD, AQOON YAHAN, IWM marka laga reebo midda u dambaysa, intooda kale xooggoodu waa hibo Eebbe iyo u dhalasho calool hooyo lagala soo baxo, waase jirtaa waayo aragnimo waqtiga laga qaato, ee ka dhalata dhacdooyinka iyo nolol maalmeedka.
INDHEERGARAD helitaankiisa oo adag, erayaba ku lumin maayo. Halka ABWAAN iyo GARAAD la garan karo, lana heli karo, yaanse GARAAD loo qaadan kii DHAQAN Beeleeladka la xiriiray. Eraga ABWAAN fara xumaynta loo gaystay, aanba dhehee LA KUFSADAY! hadday sax tahay oo aan dhaliili ku jirin. Maxaa yeelay xushmadduu xambaarsanaa, xigmadduu waday iyo xilkuu mudnaa intaba waa laga xayuubiyey, oo loo xiray ama lagu xardhay xislaawayaal aan xaraf sixi karin.
Sida cinwaanka qormaduba yahay, waxaan ku eegayaa AQOON YAHAN, oo run ahaan marna in badan loo HANQALTAAGAY, marna in badan lagu HUNGOOBAY oo lagu HANJABAY. Maxaa yeelay sida eraga ka muuqataba, qoladaasi waa intii AQOONTA ehel u ahayd, ee bulshada inteeda kale uga soocneyd, kumaba sii jirto inta wali JAHLI la ildaran ee u afduuban, ee aan wali loo fidin dawada dawaadda dhigaalka.
AQOON YAHAN mise HAL AQOON?!
AFARREEY nin tiriyaa
ABWAAN kuma mutaystoo
HAL ABUURNA lama dhaho
CODKAR iyo AFTAHAN iyo
CURIYUU la Ehel yahay!
AQOON yahan la sheegiyo
INDHEER garad ma joogoo
Indhawaale maan arag
Astaamaha la qeexee
Aas-aaska laga dhigay
HAL AQOON ha lagu daro!
Horta AQOONI waa maxay? AQOON YAHANSE waa kuma? Weydiimaha warcelinnadooda waxaan u daynayaa dadweynehee, aanse mid xuso aan is leeyahay waa muhim, marka laga reebo dhalanrogga dhacay iyo dhaqanguurka jira, ee BUURYAQABYADII oo dhami ABWAAN la wada bexeen, iska daa inay ABWAANno yihiine, aanba nolosha wax ka ogayn, aan ka ahayn inay nool yihiin, ama neefsanayaan oo kaliya ah, cadna ay calalin karaan!
Sida caadada ah qof walba ee AFARREEY isa saari kara ama ERAYO CURIN kara lama yiraa: ABWAAN, wuxuuse noqon karaa: HAL ABUUR, CURIYE, TIRIYE, IWM. Sidaa awgeed, waxaan soo jeedin lahaa, in eraga AQOON YAHANna heerka ABWAAN oo kale la geeyo, oo aan qof walba loogu yeerin ama aan loogu hal qaban. Balse, meeshii AQOON YAHAN laga dhihi lahaa, la yiraahdo: HAL AQOON. Maxaa yeelay waxaa nagu batay kuwa AQOON YAHANno lagu sheego, ama sheegta AQOON iska daaye, ILMUHU wax ay ka sarriigtaan ku hadaaqa ama ku kaca, oo haddaa, AQOONTII BAAS maxay u kordhisay? AQOONEEY XAAL QAADO!
Garta iyo Garaadka
Ayaamihii horee tagay
Aabbayaashii degalkiyo
Arladeena hagi jiray
Aqoosheed u duubnaa
Garaan lagu afcelinoo
Marna Xaqa ka iilnayn
Ayaa lagu ammaanay!
Dabadeed Gu’ Aarana
Aqoon yahan ku sheeg iyo
HAL AQOON ayaa yimid
Isku sheeg AGAASIME
Iyo inuu USTAAD yahay
Odayaashii quursaday
Urduf iyo Acraab iyo
Eber iyo asqaan jirin
U arkaaya Aadmiga.
Xilliyadii hore, waxaa lagu kala dambayn jiray, wax dhihiddana loo kala ahaa: (1) DA’DA: oo qof walba qofka uu ka weyn yahay wuu ka mudnaa wax dhihidda, cisayn awgeed! Wa haddii aysan duudsiinu ku jirine. (2) ODAY DHAQAMEED: ee midi dhiig iyo dhalyo tahay, inta kalana Garaad iyo gu’ tirsi tahay [GUURTI] oo dabcan magacyo badan oo kala jaad ah. (3) WADAADDO: Waxaan marna ka maqnayn waa talada CULIMADA, oo had iyo jeer wax ku ool ahayd, maantase iyagaaba laga cararayaa, ee maxaa talo loo gaystaa ama laga dhagaystaa? Waa meeshii laga dhihi jiray: “Meeshii Cir laga sugaayey ayaa Cayryaamo ka timid!” kaba darane, waaba ninkii Kabaha Masjidka looga xaday, meeshuu ka yiri markuu Aadaanka Salaadda Maqlay: “Maqla, Tuugadii ayaa isu wacanaysee!” Allaw adaa faxan”.
Haddii sida AQOON YAHANKU jecel yahay laga soo gudbay xilli JAAHILIGII, ee dadka aan aqoonta lahayn wax hagi jireen [aanse lagu qasaari jirin!] maanta qofka xil lala doonayo ama laga doonayo ama doonaya waxaa muhim u ah inuu wato magacaa JAAN ee AQOON YAHAN, haddana, wax uu soo kordhiyey wali lama arag, maqalna haba sheegin, aan ka ahayn AQOONTII oo dadkii sii nacayaan, illeen; “INTAAN AQOON YAHAN HEBEL OO KALE NOQON LAHAA, LA’AAN BAA DHAANTA!” ayaa dadkii hal ku dheg u noqotaye.
Hal Aqoon aragti ka arradan!
Kan AQOONTA sheegtee
ARAGTIYO kas maan gala
Ka ARRADAN tusaalaha
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!
Horta midda muhimka ah ee aan wali la fahmin, in la fami doonana aysan muuqan, waa: magacyadan lagu sheego AQOON YAHAN iyo INDHEERGAARD, ma mudan yihiin inay Soomaaliya hoggaanshaan? Waxaan hubaa in qof walba “HAA” la soo boodayo, haddana, bal aan waaqica tusaalooyin ka soo qaato.
Wax badan waxaa la dhaleeceeyey, la nacladay, la habaaray, la haaraamay, la dhaleeceeyey MOORYAAN! Tilmaam kasta oo xunna lagu suntay, mudnaan iyo magacna looga dhigay, haddana, waxaan la jalleecin dhanka kale, oo haddii AQOON YAHAN ku sheeggu ka soo dhalaali lahaa waajibaadkiisa QAWMIGA ah miyaa JIRRIGU sidaan noogu xididaysan lahaa?!
Aqriste, fiiri, marka la wada xaajoonayo ama la wada hadlayo, waligaa ma aragtay MOORYAAN ISBAARO u taal oo ka qaybgala? ISBAARO heblaayo waa uun la qaaday yaad maqlaysaa, illeen MOORYAANKU wixii la soo gooyo ayuu qayb ka yahaye, haddana, mar walba magaca xun isaga ayuu ku dhacaa, Allaw asagaa iska ba’ay! Inta ba’sanise ma yaree, aan wada bi’inno ama aan iska dhaafno.
Sida aanba sare ku xusay, waxaa aad loo haaraamaa MOORYAANKA, oo ah aragti qumman, balse, marna lama soo hadal qaado kuwa AQOON YAHANKA lagu sheego ama isku sheega, ee MOORYAANTA ka liita! Maxaa yeelay MOORYAANKA waxaa isugu darsoomay cadawyada kala ah; JAHLI, QABYAALAD, FAWDO, IKK! Oo haddaa maanta wiil labaatan jir ah, maxaad dawlad iyo nidaam ka weydiin kartaa? Arag iska daaye, maqalkeediiba reer baa looga dhigaye.
Balse, HAL AQOONka BAAS ee wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda ama deeqdii dunida, maanta wuxuu u taagan yahay cod BEELEED iyo cad BOOBEED! Waxaan dhihi lahaa inta FATA SHAARIGA, SUUDADKA iyo QAMIISYADA wadata kuwaa ayaa dhibka wadeee, aan TOOSKA ku ifinno.
HAL AQOONKA Soomaaliyeed iyadoo lagu xirayo dalkii uu wax ku soo bartay ama jihada Waddankii uu wax ka soo dhigtay ayaa loo kala qaybshaa: HAL AQOON GALBEED iyo HAL AQOON CARBEED! Oo dunidu inta kale ma jirto miyaa? Afrika inta wax ku soo baratay yaaba iska yar, hadday jiraanna kuwa wax soo barayba labadaa dhaqan kama marnayn midkood, Aasiyana waa caynkaa oo kale. Micnaha dunida meel aad tagtaba labadaa aragti baad ugu tagaysaa, dabcan, meel walba si bay u haystaa, illeen waxaa hagaya siday isugu milmaan hiddaha maxalliga ehe.
Labada HAL AQOON ee dhanka CARBEED iyo GALBEEDKA ka soo xeraystay waxay isaga mid yihiin:
- Bal markanna aan eego waxa ay ku kala duwan yihiin, oo aan sidaa u sii buurnayn, illeen waxaa hagaya waa aragti gaabnida ka dhaxaysa ama ayba ka arradan yihiine:
Ugu dambayn, Dhawaan isu soo bixii la isugu yimid Xamar, ee doorashada lagu sheegay, waxaa isugu yimid boqollaal wadata magacan BAAS ee aan u baxshay HAL AQOON. In badan oo ka mid ah, waxaa ku jirtay hanqaltaag ah inay MADAX noqdaan, qaarkood waxay filayeen inay wax uun heli doonaan, qaar kale, waxay ka ahayd tijaabo iyo tajrubo samee, waxayse ku idlaatay, in ay dhammaan ka wada hayaameen Muqdisho, aqriste, adba dib ma u aragtay?.
F.G: Mardhaw fisha qormo ku saabsan isla mawduuca oo aan dhan kale ka fiirin doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.
W/Q: Bashiir M. Xersi - brdiraac@hotmail.com
Add comment
Comments