Argagixinta Aqoonta Soomaaliyeed

Abudlkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Waa hubanti oo alle ayaa qur’aankiisa ku sheegay in naf walba ay mowdka dhadhiman doonto koley ahaataba, waxaana sida ku xusan kitaabka iyo sunada naf walba ay aduunka kala tageysaa waxay kasbatay oo acmaal ah shir iyo kheyr intuba.
Faallo Keydmedia Online
Argagixinta Aqoonta Soomaaliyeed

Alle waxa uu sheegay mar walba inuu la jiro kuwa la dulmiyay ee dhibaatada loo geestay, waxaana arintaasi ay ku cadahay kutubka suuban ee qur’aanka iyo sunada Nabigeena CSW.

Al-shabaab si aan gabad laheyn ayeey u caadeysatay mar walba in ay umada Soomaaliyeed indha beel ku rido mar walba oo la helo raja nolaleed bidhaameysa muujineysana in Mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed uu ifayo.

Tiiraanyada umadeena waa joogto, waxaana taas sababteeda leh Al-shabaab oo mar walba indha beel ku rida umada lana dirirsan aqoonta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed intuba, waxaana fikirkaasi ka danbeeyay sida xaqiiqda ah marka loo hadlo ajaanib dooneysa in Dalka iyo dadka ay si qaldan uga faa’ideestaan.

Akhristow rumeyso qalinka aan qormadan ku dhigayo waxaan ka iibiyay 3 daqiiqo ka hor xiligii qaraxa sandaqad yar oo ka soo horjeeda xarunta hargaha iyo saamaha ee shalay lagu xasuuqay iftiinkii umadeena, mar aan dib u milicsaday goobta waxaa ii muuqday sandaqadii oo gubtay iyo ninkii iibinayay oo madax iyo majo meydkoodna laga waayay.

Alle ayaa igu hanuuniyay inaan goobta ka tago oo aan hore u socdo, waayo saaxibkey oo soo marayay meel ku dhaw isgoyska Soobe isla markaana aan ku balansaneen inanan is aragno oo aan arimo meel wada dhigno ayaa iga codsaday inaan sugo mar uu telfoon ii soo diray, waxaase afkeyga uu alle ku hagaajiyay inaan iraahdo iigu imow Tareebiyaano.

Nin roon ma raago saaxibka aan ka hadlayo waxa uu ka mid noqday soomaalidii uu saameeyay xasuuqa oo halkaas ayuu ku dhintay Alle ha u naxariisto.

Taariikhdu waa ma hadho diiwaan galisa xumaan iyo samaan intuba, waxaana shaki ku jirin diinwaanka dulmi wadayaasha in mar uun la soo bandhigi doono isla markaana dulmanayaasha ay Dalka u hari doonaan cadaaladna la gaari doono.

Shabaab laba sano ka hor waxa ay qarax axmaqnimo ah la beegsadeen xafladii qalin jabinta ardayda Jaamacada Banaadir ee ka dhaceysay hotel Shaamow 3 December 2009, waxaana halkaasi ay ku dileen kuna curyaamiyeen iftiin iyo raja u soo baxday umadeena kuwaasoo ahaa arday ka qalin jabisay jaamacada isla markaana shahaadooda la gudoonsiinayay.

Sidoo kale shalay waxa ay qarax kii ugu xumaa abid ee Dalka soo mara ay la beegsadeen goob arday soomaaliyeed ay ku sugayeen natiijada imtixaan ay ka qaaday dowlada KMG ah isla markaana kuwa kala imtixaan looga qaadayay.

Natiija sugayaasha oo badankood geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ku wajahnaa magaalada isnatbuul ee dalka Turkiga halkaasoo mudooyinkanba ay ku sii qulqulayeen arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heleysay Dowlada walaalaha aanu nahay ee Turkiga.

Dadka ku geeriyooday goobtaas waxa ay ahaayeen in ka badan 100 ruux oo wadaniyiin Soomaali ah isla markaana isugu jirtay waalid, Aqoonyahano, Arday, Askar, Shacab iyo Shaqaale Dowladeed intuba, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay  dad ka badan 200 oo ruux sida ay tilmaamayaan xogaha laga helay goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaan ku jiray xarunta hargaha iyo saamaha ee la qarxiyay, qeybta hoose xafiis ku yaala ayaan fadhiyay waxaa ruxmay xaruntii oo burburtay, markaa kadib ayaan soo cararnay oo banaanka soo gaarnay, waxaan xasuusanayaa in aniga oo kaba la’aan ah leygala soo cararay goobta gurigana ley keenay” sidaa waxaa u sheegay keydmedia C.ladiif oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada arimaha dibada ee dowlada KMG ah kana badbaaday qaraxaasi.

eh eh eh… waxaa geeriyooday C.raxmaan muuse oo aan toban sano isku fasal aheyn, waxaan wada fadhinay goobta natiijada aan ku sugaynay, waxaa naloo sheegay wax walba in ay diyaar yihiin jimcahana aan u dhoofi doono Turkiga, laakiin saaxibkey waa dhintay waliba si arxan dara ah, hada wali uu muuqaalkiisii ayaa ii muuqda iyo qaabkii uu u dhintay” sidaa waxaa yiri isaga oo ilmeynaya Cali muxudiin oo ardayda la xasuuqay ka tirsnaa, waxaana cali mar aan ka codsaday inaan sawir ka qaado uu ii sheegay inuu raali ka aheyn.

Waxa aan dhinacyada eegaba waxaan si kadis ah u arkay Hooyo Soomaaliyeed oo ku barooraneysa Bartamaha laamiga waliba goobtii qaraxa uu ka dhacay horteeda, waxaa ku hareereesnaa Askar Dowlada ka tirsan oo mar kale ka cabsi qabtay in loo soo dhuunto, si aayar ah ayaan u fariistay hareerteeda iimana suurta galin in la hadlo waayo shucuurteeda ayaa aheyd mid kacsan laakiin intaan hareerteeda fadhiyey waxaan ogaaday in qaraxa ay ku geeriyoodeen 3 caruur ah oo ay dhashay isla markaana raja ka qabay in imtixaanada waxbarasho ay galaan oo ay daraasadooda sii wataan.

Waxay ku qeylineysay hooyadaas “ waxay in dhigeen indha beel, waxaan ku soo rafaadayay muda dheer oo caano aan suuqa ku iibiyay waxbarashooda ku dabirayay, manta oo aan is lahaa waad ciil baxday oo heer ayeey gaareen ilmahaaga  ayeey qarax naar wadayaal ay soo abuubuleen ilmheygii lagu dilay” waxaana sidoo kale ay hooyadaasi Shabaab ku eedeysay in ay yihiin ajaanib dhiiga shacabka ka ganacsata.

Yaa Mas’uul ka ah Musiibadan?

Su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.