Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw - Qeybta Labaad | Abdulkadir Aroma

Abdulkadir Osman “Aroma” (KON) - Halkaan ka Aqriso Qeybta Kowaad - Cabdi-Laba baasaboorle iyo Cabdi-diaspora | Boqollaal Cabdi-adduunyo oo saaxada Siyaasadda iyo hidde dhaqanka Soomaalida ku cusub ayaa soo ifbaxay sebenka fowdada.
Faallo Keydmedia Online
Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw - Qeybta Labaad | Abdulkadir Aroma

Maqaalkeygii hore ee dulucdiisu ahayd “Suluqsaaluq socodka Prof. Axmed Samatar” waxaan ku Qoray “Soomaaliya waa qashin qubkii qurba-joogta”. Waraabe ayaa yiri “hooyaday intay nooshahay waan nuugayaa, markey dhimatana waan cunayaa”.

Qurbajoog sidata baasaboor ajnebi iyo baasaboor Soomaali diblomaasi ah ayaa sida  Ayax dalka ugu duldegay, waxay la mid yihiin Gorayadii tiri “haddii ciyaartu wanaagsan tahay lug baa iigu jirta, hadday xun tahayna waan kali bixi lugta”.

Cabdi-Laba-baasaboorle iyo Cabdi-Tabcane dalka ka qaxay 1991kii ayaa dib u soo rogaalceliyey, qaar waxay ku andacoodeen waxaan ka nimid Yurub iyo Ameerika oo afka Ingiriiska ayaan ku hadalnaa ee waa in madax nalaka dhigo derejo sare naloo dhiibo (karaani ilaa wasiir). Qurbajoogta qaar waxay la yimaadeen mashruuc musuq la yiraah (lease agreement) oo waxay kala boobayaan hantidii qaranka sida hoteelladii wasaaradda dalxiiska iyo kaalimihii shidaalka.

Kooxaha qurbajoogta waxay u hamuun qabaan inay ka faa’iideystaan burburka Soomaaliya, waxayna kusoo xoomeen “Raqdii Maandeeq”, nin cad dubaax leh helay iyo nin calool iyo cagaf helayba ceeriinka ayaa lagu qeybsaday hilbihii Maandeeq. 1970-yadii Ruwaayaddii aqoon iyo afgarad ee Abwaan Hadraawi allifey, waxaa ka mid ahaa:

“Hal la qalay raqdeed baa lagu soo qamaamoo. Qalalaasihii baa ninba qurub haleeloo. Laba waliba qeybteed qorraxdey ku dubatoo”.. Hadraawi waa asiibey oo Allaa waafajiyey inuu saadaaliyo qaranjabka iyo fowdada maanta taagan. 

Cabdi-laba-shaarle & Cabdi-jallaafo

Dibindaabyada darxumada leh ee ay hirgeliyeen (Cabdi-laba-shaarle & Cabdi-jallaafo) waa ka baaxadweyn tahay xil-doon iyo hanti boob, waa shirqool iyo siriq aasan, intooda badan waxay ku shaqeeyaan af iyo uur kala beddelan, munaafaqad iyo marinhabaabin oo qaar baa diiddan qaran mideysan iyo Soomaali wadajirta.

Erayada afka baarkiisa ku siman aan tusaale kooban ka bixiyo. Goortii la riday dowladdii dhexe, daafaha dalka waxaa ka hanaqaaday magacyo cusub oo danta loo allifey ay tahay qabiil naaxin, waxaa ka mid ah: (Isaaq waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Somaliland, Majeerteen waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Puntland, Ogaadeen waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Absame, Abgaal waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Mudulood, Murusade waa la naaxiyey oo waxaa loo dallacsiiyey Karanle iyo kuwo kaloo la ayni ah).

Xafladdii waqlasha Mudulood waxaa ka duceeyey oday Harti Abgaal ah oo curadnimada lagu maamuusay. Duco dheer kadib wuxuu kusoo gunaanaday “Allow ducada iyo duraamada Abgaal ku dhowr”, nin baa dhegta ugu sheegay inuu ducada ku noqdo maadama dadka goobta fadhiya ay Abgaal ka badan yihiin.

Markale ayuu duceeyey kuna qatimay “Allow ducada iyo duraamada Abgaal ku dhowr”, saaxiibki ayaa mar labaad u baaqay oo ku yiri ducada ka dhig mid guud oo Mudulood ah. Odaygii ayaa wixii qalbigiisa ku jirey afku xaday, wuxuuna yiri “50 sano ayaan erayadaan xafidsanahay oo aan Abgaal u duceynaayey, duco Mudulood weli maankeyga ma gelin ee raalli ahaaw”.

Socod aan loo dhalan seddax saamood madhaafo. Muddo gaaban si taxadar leh waa loo jili karaa been aan niyadda jirin, waxaase runtu tahay wixii uurka ku jira ayaa afka kasoo baxa.

Meel kasta iyo madal kasta, wasiirada iyo xildhibaannada qaar bey afkooda kasoo fakataa “Gooni-isu-taagga Somaliland waa muqadis.. dee anigu Somaliland baan ahay ee carruurteyda ayaa reer Koonfur ah.. dee sidii Khaliijka Carabta loogu shaqo tegi jirey oo kale ayaan Muqdisho u soo shaqo tagnay.. dee Koonfur waxaa taal hanti reer Somaliland oo aan beylahda ka ilaalineynaa.. Si caasimada degmo kale loogu raro, bowe Muqdisho waa in aysan marnaba degin oo ay weligeed ahaato qabri iyo qashin.. Puntland waa isku filan tahay ee waa inay Xamar ka goosato, Jubbalandna laga dhigo SARSAR Keenya.. walee ama u talinay Soomaali ama kala tagtay.. Eegga annagoo dhowr malyan ah oo weliba ah adeegeyaal daacad u ah Adis Ababa iyo Nairobi, in maamulka Jubbaland qolo kale damac ka galo waa gardaro aan geed loogu soo gamban.. Halhayskii siyaasiyiintu waxay kusoo uruurtay,  dan guud ma jirto ee waxaa jirta dan shaqsi iyo mid beeleed. Siyaasiyiinta sebenka in badan oo ka mid ah hadaf iyo halbeeg waxaa u ah erayada sare iyo afkaar goboleysi ku dhisan.

Cabdi-maquuste & Cabdi-qandaraasle

Seddax eray oo afka Ingiriiska ku jirta oo afka Somaalida aan laga helin ayaa jirta, waxay kala yihiin (expiry, office tenure & pension).

Waayadii Soomaalidu miyiga ku noolayd waxay keydsan jirtay (uunta xoolaha iyo badarka). Raashinka oo sidiisaba dalka ku yar awgeed, keyd dheer ma jirin oo wixii risaq la haysto muddo gaaban ayaa lagu cuni jirey. Sidaas awgeed erayga “wax dhacay ama expiry” hidde dhaqanka Soomaalida kuma jiro. Sidoo kale xilalka bulshada loo hayo taariikhiyan waxay ahaayeen (Ugaas & Caaqil) labadaas jago ma lahayn waqti ay ku eg-yihiin oo xilka laga fariisto (office tenure & pension) oo ilaa odaygu ka geeriyoodo isagaas ahaa (Ugaas ama Caaqil) markuu xijaabtana wiilkiisa ayaa jagada ka dhaxli jirey.

Dhaqankii miyiga magaalada ayaa loo soo raray, wuxuuna ku milmay siyaasadda iyo maamulka dalka. Tusaale: ninkii aabbihi 1940-yadii ahaa “ilaal ama gogle” wuxuu ku andacoonayaa jagada ilaalnimada aabbahey ayaan ka dhaxlay.

Ninkii aabbihi 1955 ahaa xildhibaan wuxuu ku andacoonayaa anigaa maanta ah xildhibaanka beesha oo aabbahey baan ka dhaxlay. Ninkii hal maalin xil-qaran qabtay (Agaasime guud ilaa Madaxweyne) waa xiiqsan yahay wuxuuna u xusulduubayaa jagadaan anigaa iska leh geerideyda kadibna wiilkeyga ayaa dhaxlaya (political expiry, office tenure & pension) qaamuuska siyaasadda Soomaalida kuma jiraan.

Cabdi-maquuste & Cabdi-qandaraasle muddo dheer ahaan jirey jileyaasha siyaasad beeleedka sebenka fowdada ayaa beryahaan saldhig ka furtay Nairobi, walow aysan magac urur oo rasmi ah la bixin, waxaa lagu suntay “Naadiga Fidnada Nairobi ama Baadi-irmaan”.

Hiirta waaberi goortii laga qaxweeyo “Hotel Grand Regancy” falanqeyn ku wajahan jallaafeynta iyo dhabar-jebinta DF iyo maamullada kale kadib dooddu waxay ku biyoshubataa calaacal nuxurkiisu yahay (Markaana xilka hayey waan ilduufay oo hanti badan meel ma dhigan, markaan xilka hayey fursad baan lumiyey, qandaraaskii lay siiyey kama faa’iideysan, baaqii beesha caalamka ma fahmin iwm). Waa rag aan fahamsaneyn in waqtigoodii dhacay “expiry” isla markaana qandaraaskii ka dhammaaday.

Waxay la mid yihiin “House Nigger” qanadaraaskii ka idlaaday. Addoontii qaaradda Afrika laga qaaday markii la geeyey “Yurub & Ameerika” shaqo ahaan waxaa loo qeybiyey “House Nigger and Farm Nigger”. Intii xoogga weyneyd oo loo bixiyey “baqal “mules” waxaa lagu jaaday wax-soo-saarka beeraha iyo warshadaha, goobaha shaqada ayaa la dejiyey. Kuwii xoogga yaraa waxaa laga dhigay adeege guri “House Nigger” markuu 40 sano gaaro oo firfircoonidiisu yaraato waxaa lagu dari jirey “Farm Nigger”.

Sannadaha uu ka shaqeynaayo guriga  milkilaha “House Nigger” waa is kala weynaadaa “Farm Nigger” maadaama uu ka luflufto guriga “whiteman-ka”, wuxuu jaajuusaa oo cadaadiyaa tolkiisa “Farm Nigger” maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay inuu ka dallacay sinjigii “blackman” una dallacay “whiteman” oo ka sarreeyo “Farm Nigger”.

“House Nigger” wuxuu isla sarreeyaba oo is moodo inuu yahay “whiteman”  markuu gaaro 40 sano ayaa albaabka laga soo xirtaa oo loo beddelaa goobaha wax-soo-saarka. “Farm Nigger” u ciilqaba jaajuuskii “whiteman-ka” ayaa takoora “House Nigger” bahdilan oo lasoo eryey. Habaar-qabe “House Nigger” sida carsaanyada ayuu hadba gees u cararaa, mar wuxuu tagaa goobaha shaqada, wuxuuna ku calaacalaa “isku midab ayaan nahay, isku qaarad baa nalaka keenay, isku markab baan kusoo safarnay ee tolow yaan lay eryin”.

Looma jixinjixo sidii eey qoyan baa loo ceyriyaa oo weliba lagu yiraah dib ugu noqo milkilihii “whiteman” aad jaajuusku u ahayd. Habaar-qabe “House Nigger” waa islaba-rogaa oo wuxuu ku laabtaa gurigii milkilaha, wuxuuna ku calaacalaa “waataan ubax qurxoon beeri jirey, waataan musqulaha nadiifin jirey, waataan cuntada dhadhanka wacan karin jirey, waataan Islaanta odaygu ka dhinto shaydaanka ka naari jirey, waataan waqtiyada faakiheysiga sida dibiga Spain ciyaaraha idinku maaweelin jirey oo hortiina ku niikin jirney oo haddii loo baahdo jinsi ku jiro “live sex” ee mudanow maanta yaan lay eryin”.

Milkilihii “whiteman” oo sigaar qiiqinaya ayaa cabbaar ka aamusa, kadibna wuxuu amraa inuu iska xaadiriyo goobaha wax-soo-saarka maadaama uu hawlgab yahay. “House Nigger” oo labadii meeloodba laga diiday ayaa ku calaacala “ciilow bey ceebteyda carsaanyada sideedii miyaan gees walba u cararay”.

Kooxaha loo yaqaan (Cabdi-qandaraasle & Cabdi-maquuste) ee sida qiiqa iska-daba wareega kuna meereysta xarumaha laga walaaqo fidnada Soomaaliya iyo xafiisyada ku hawlan inay Soomaaliya ku waarto qaranjabka iyo qaxootiga darxumeysan, waxay la saayiraan si joogto ahna ula xiriiraan hay’adihii waagii hore qandaraaska soo siiyey oo fahamsan in heshiiskii “contract” dhammaaday.

(Cabdi-qandaraasle & Cabdi-maquuste) weligood ma sabraan, mana fahmaan murtida leh “soo noqo berry, saad-dambaan ku siin iyo saakuun bey hagaagi, doqon baa sed u qaadata” sida carsaanyada ayey hadba gees u cararaan, waxayna ku calaacalaan “waataan ahaan jirney Magac-Muslimle Maan-Gaalle, waataan ahaan jirney adeegeyaal daacad ah, waataan danahiina ka hormarin jirney danaha dadkayaga, waataan ahaan jirney cilmaaniyiin diidan caaqiidada Islaamka, waataan hirgelinay qorshaha kala qoqobka Soomaaliya oo loo sii qeybiyo (lixlanad = Somaliland, Puntland, Midland, Banadirland, Bayland, Jubbaland iyo weliba Sunno & Sixiroole” ee mudanaw markale qandaraaska hanaloo cusbooneysiiyo.

Ayaandarro looma jixinjixo, jawaabta kooban ee la siiyo waxay tahay “Former servants your contract has been expired” akhyaarey qandaraaskiinii waa dhacay waana inaad fahamtaan nidaamka wada shaqeyntu inuu waqti ku eg-yahay.

Geeljire la yaabay tirada takbiirta salaadda Iidda ayaa yiri maanta xagee salaadu iska qaban la’dahay?. Is-afgaran-waagga ka dhex oogan qandaraasle iyo qandaraas bixiye maxaa sababay? Sababtu waa faham la’aan ka timid kooxda Nairobi oo ka dhalatay (expiry, office tenure & pension) eryadaas oo aan ku jirin hidde-dhaqanka iyo eray-bixinta Afka Soomaalida. Weli waxaan maskaxdeyda ka doon-doonayaa magac ku habboon guud ahaan Soomaalida u adeegta shisheeyaha, gaar ahaan Kooxda Nairobi.

Magac loogu wanqalo waa hal-xiraale u yaal suugaanleyda iyo qalinleyda. Waxaanse maqlay magac ku habboon, luqaddu waxay la saanqaaddaa dhaqanka iyo hab nololeedka bulshada oo waayaha iyo waqtiga ayaa soo kordhiya eray-bixin cusub.

Dagaalladii dhexmaray Jabhadda Ogaadenya iyo ciidanka Xabashida jaajuuseentii la safneyda Xabashida, ONLF waxay ugu wanqashay “Dabaqoodhi” kolley anigu garanmaayo macnaha magacaasi ka taagan yahay, wuxuu u eg-yahay magac ku habboon kooxaha Shisheeye kalkaal.

Lasoco Qeybta Sadexaad ee Qoraalka

Abdulkadir Osman “Aroma”  - shirwac55@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.