Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw - Qeybtii Ugu Dambeesay | Abdulkadir Aroma

Abdulkadir Osman “Aroma” (KON) - Qeybta Kowaad, Qeybta Labaad - Cabdi-qarxiye & Cabdi-qaxiye | Nin lagu magaacbi jirey Thomas More ayaa qarnigii 15aad (1478-1535) ku riyooday muuqaalka JANNADA, “Utopian Socialism” isagoo sharrraxaya riyadiisa wuxuu yiri...
Faallo Keydmedia Online
Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw - Qeybtii Ugu Dambeesay | Abdulkadir Aroma

“Adduunku wuxuu gaari doonaa nabadgelyo iyo barwaaqo aan loo baahneyn dowlad iyo askar, iyadoo dadka oo dhan ay yihiin walaalo siman”

Meel barwaaqo ah oo nicmo xad-dhaaf ah taal oo aan addiyad iyo askar lahayn, dabcan waa jannada. Koox la ayni ah THOMAS MORE ayaa ku riyootay in Soomaaliya laga sahay qaato oo rucle orod lagu tago qorrax kasoo baxa Australia ilaa qorrax u dhaca Ameerika oo afkaartooda lagu maamulo adduunka dadka oo dhanna ay noqdaan walaalo is jecel “rag garleh iyo haween indhashareer leh”. Kooxda loo yaqaan Cabdi-qarxiye & Cabdi-qaxiye, waxaa halkudheg u ah shiribkii oday Cabdulle ee ahaa “hal waa qalaa, halna waa qarxaa, halna inuu qaxaan qasbaa”.

Waa koox mayal adag oo mowqifkeedu yahay haweenka ku nool Australia ilaa Ameerika oo indhashareer laga simay in la qaniimeysto. Kooxdaani haweenka indhashareerka leh waxay ku aroosaan nidaam loo yaqaan “dar-Alle iyo derin” laakiin ma kufsadaan “AIDS-na” kuma ridaan sida AMISOM oo haweenkii Soomaaliyeed isugu dartay kufsi lagu bahdiley iyo cudur dilaa ah oo bulshada lagu dhex faafiyey. Imaanshahii AMISOM ka hor Koofurta Soomaaliya kuma jirin cudurka “AIDS” maantana wuxuu gaarey 5%.

Bulshada Soomaaliida oo xubinaha neefta laga xiray, dhan kastana laga cunaqabateeyey ayaa hadda suuxsan oo ku jirta xaalad miyirbeel ah. Guud ahaan taariikhdii lasoo maray gaar ahaan sannadaha burburka, bulshada waxaa soo samatabixiyey haweenka. Maalin iyo habeenba waxay ku hawllan yihiin ganacsiga yaryar sida iibinta: shaaha, caano, cuntada, bacadlaha, jaadka, qudaarta iyo wixii la mid ah. Ayaandarro haweenkii Soomaaliyeed waxaa laga dhigay maxaabiis ku xayiran guryaha, sababtoo ah, dhowaan waxaa Xamar laga billaabay mashruuc halis ku ah haweenka.

Dabley wadata baabuur ayaa haweenka xaafdaha ka afduubta sida la sheegay waxayna geeyaan xeryaha ciidammada AMISOM. Haweenka la afduubay waxay AMISOM u noqdaan addoon loo galmoodo “sex slaves” ugu dambeystana waxaa lagu beeraa cudurro halis ah oo “AIDS” ka mid yahay.

Dhowaan warbixin ay soo saartay hay’adda Aminsty International waxay qeexday sannadkii 2012 in Gobolka Banaadir lagu kufsaday 1700 haween, inta badan kufsiga waxaa geystay ciidan ku-sheeg hubeysan.

Bahdilka iyo karaamo ka qaadka haweenka ka sokow, waxaan la garaacay albaabkii ugu dambeeyey ee cunaqabateynta iyo macaluusha. Afduubka iyo kufsiga laysku lammaaniyey waxaa laga leeyahay qorshe fog oo ku wajahan tirtirista qowmiyadda Soomaalida, waxaa la doonayaa in qaar macaluul u dhinto, qaarna dibedda u qaxo, dabadeed dalku noqdo dhul aan cidini lahayn “no men’s land”.

Isdilka iyo kufsigu waa Camal-Shaydaan facweyn oo lasoo saanqaday jiritaanka aadamiga.  Bini-aadamka oo lix qof ah ayaa Qaabiil diley walaalki  Haabiil, waxayna ku dirireen gabadh, laga soo billaabo waqtigaas waxaa hirgalay isdil iyo kufsi.

Maadaama haweenku yihiin nimco Alle ragga ku manneystay waa lagu dagaallamaa, hadbana qoladii guuleysta oo gacanta sare leh ayaa haweenka qaniimeysata. Tusaale, Ameerikaanku markuu jebiyey xoogagii Ciraaq si safmar ah ayaa haweenkii Ciraaq loo kufsaday, ugu dambeystiina xabsiga Abu Qureyb rag baa lagu kufsaday.

Haweenka Soomaaliyeed ee sida safmar ah loo kufsaday macnaheedu waxaa weeye raggii difaaci lahaa ee nimcada Eebbe hanan lahaa ayaa la jebiyey ee haweenku hayska sabreen, insha-Allaah maalin aan dheereyn baa geesiyaal fool adag ayaa difaaca haweenka u soo gurman doona.

Guud ahaa daafaha dunida dab baa ka holcaya, gaar ahaan waddamada Islaamka oo lagu soo qaaday “Xarbi Saliib”. Xasuuqa iyo kufsiga dacallada caalamka ka socda, gumeystaha wax gumaada, gaboodfalkiisa waxaa ka hadla oo fardheer ku fiiqa gardarrada qaawan madaxda shacabka la dhibaateeyey, taas beddelkeeda madaxda Soomaalidu waxay inkiraan dhibaatada Soomaalida la garsiiyo, waxay u duceeyaan isla markaana difaacaan dembileyaashii shacabka dulmiyey. Tusaale: 2007 masjidka Al-hidaayo ee xaafadda Huriwaa waxaa lagu laayey culumo Tabliiq ah.

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo xasuuqaas ka hadlay, waxaa xaq loogu lahaa inuu u tacsiyeeyo culumadii la xasuuqay, balse wuxuu ku tilmaamay argagixiso, ciidammada Itoobiyana wuxuu u tebiyey hambalyo iyo bogaadin.

Mar labaad 2010 dagaal dhexmaray AMISOM iyo Shabaab, dhaawacii AMISOM oo lagu dabiibaayey isbitaallada Bujunbuura iyo Kampla, madaxweynihii xilligaas ayaa isbitaalladii ubax ugu geeyey, caafimaadna u rejeeyey. Mar seddaxaad kufsiga safmarka ah ee haweenka lagu kadeeday, dowladdu si firfircoon uguma hadasho, marmarna waaba dafirtaa jiritaanka kufsiga oo waxay dhiirigelisaa in la qariyo.

Wasiir damiir ahaan iyo diin ahaanba laga filayey inuu cod dheer ku difaaco guud ahaan xuquuqda haweenka gaar ahaan kuwa la kufsado ayaa kufsi ka dhacay xerada Maslax si dadban u inkirtay kufsigaas isla markaana hiil iyo taageero u muujisay ciidammadii AMISOM ee kufsiga geystay, warbaahintana ku amartay in aysan ka hadlin haweenka la kufsado.

Murti baa leh, geelu hadduu labada dambe habeed ku yeesho waa ged lagu yiqiin, hadduuse labada hore ku yeeshana waa ged cusub. Waxaa ged cusub ah haweeney shuko leh oo halkii ay ka difaaci lahayd xuquuqda dumarka, dafireysa marwo cadow kufsaday oo dhiig-baxaysa.

Wasiir shukaale ma daryeelka haweenka ayey derajada ku heshay mise darxumada iyo silica haweenka ayey ku diirsataa? Wasiir shukaale ma arrimo dahsoon iyo kala aarsi bey ka dabaaqeysaa? Hidde dhaqanka Soomaalida kala aarsigu sharaf iyo haybad buu ku yahay, oo horaa loo yiri “ciyoon aarso waa camal carruureede, cagta ii dhig waa kaa nabsigii soo carceersadaye”.

Hawenta lagu kufsaday xerada Maslax ma laga yaabaa in Maleeshiyo ku hayb ah inay 1991kii haween ku kufsadeen degmada Baraawe oo Wasiir shukaale ka jawaabayo gaboodfalkii dableydii shalay?  2007 xasuuuqii ciidanka Xabashida haweeney waxyeello ka soo gaartey oo ooyeysa ayaa waxaa maqlay Wasiir TFG oo ciil ku gaamurey kadibna isagoo faraxsan wuxuu yiri ooyintaan ooyin baa ka horreysay ee kuwii shalay dulmiga geystay ha-adkaysteen.

“Minority rights” waa mushkilad cusub

Murti baa leh, Ayax teg eelna reeb. Hay’adaha Caalamka oo har iyo habeenba heegan u ah inay si joogto ah u  jahawareeriyaan bulshada Soomaalida, waxay u tallaaleen geed fidno oo qarniyo jiri doona. Dhibaatada Soomaaliya loo beeray waxaa ugu xanuun badan waxa bulshada caalamku ugu yeertay xuquuqda haween iyo dadka laga badan yahay “Gender equality & minority rights”.

2010 Baar KM4 waxaan ku sheekeysanay xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federal, wuxuu ii sheegay inuu hayb ahaan yahay Yibir jagadana ku helay qorshaha luggooyo ee loo yaqaan “four point five”, waxaan kula taliyey inuu bil kasta dhowr wan qalo oo wadaado u yeer oo ku duceysto in Alle Soomaaliya ku waariyo fowdad iyo dowlad la’aanta. Wuxuu yiri oo maxay sababatu tahay? Waxaa ku iri, haddii nidaam la helo oo la gaaro hal cod hal qof “one man one vote” degmadee xildhibaan Yibir laga soo dooran doonaa oo laga heli karaa 100 Yibir oo meel wada degan?

Hay’daha dastuurka Soomaaliya u dejiyey oo ah qareennada qorshe dhalanteedka loogu yeero demoqoraadiyadda, waxay ku andacoodaan in demoqoraadiyaddu ku taagan tahay “xukunka inta badan iyo xaqdhowrka inta yar = majority rule & minority rights” ha-yeeshee Soomaaliya waxay ka hirgeliyeen nidaam bilcaksi ah oo ku dhisan “xukunka inta yar iyo ku-xadgubka inta badan = minority rule & majority oppressed”. Taariikhdii shalay marka la yaqaan ayaa mushkiladda maanta aloosan la maareyn karaa.

21kii sano ee Kacaankii Oktoobar beelaha yaryar ayaa mudnaan xad-dhaaf ah la siiyey. Horraantii 1990kii Siyaad Barre ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay M.C.Samatar oo soo xulay wasiiro aan laysu dheellitirin beelaha laguna saleeyey cadaaladdarro xagjirta, iyadoo Samatar beeshiis Gabooye u qoondeeyey 3 wasiir. Laashin diiddan eexda Samatar & Siyaad ayaa ku shirbay “Sanca-yaqaan seddax wasiir, sagaal Abgaalna Suulalley. Siyaad Barrow sinnaantu sidaan miyaa? Waxbaan saxaa sidaan miyaa? Siyaasadda Kacaanku sidaan miyaa?

Cadaaladdarradii Siyaad Barre waxay sababtay dagaallo lagu hoobtay, ayaandarro 2012 rubac qarni kadib ayaa dib loogu noqday cadaaladdarradii shalay oo la sii boqol jibaaray. Murtida maantu waa  “Saf Islaax sedbursi sii, inta kale salaan u taag. Siyaasadda cusub sidaan miyaa? Sahanka Xasan sidaan miyaa?”. 1960-yadii Xaaj Aadan Afqalooc ayaa ku gabyey “Kaba-tole maxkamad loo tirshey waa tusmo habaabe, iyana waa tabaallaha waqtiga taynu aragnaaye. Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan sheego”.

Haweeney awooddeedu ku siman tahay inay carruurteeda xannaaneyso in xil culus garbaha loo saaro waa tusmo habaaw. Gabyaa Saciid Gacamey oo dhaleeceynaayey maamulkii Siyaad Barre ayaa ku maansooday “habar saar ka qaylisay yaa mas’uul qaaliya u dhiibey”. Kacdoonka Carabta waxaa loogu wanqalay “Gugii Carabta” kacdoonka Soomaaliya waxaa lagu suntay “Gugii Gaagaabta iyo Gambooleyda”.

26/09/1956 Ra’iisul Wasaare Cabdullaahi Ciise ayaa golihii xeer-dejinta horgeeyey “motion” ku saabsan in haweenka loo oggolaado  waxbarasho iyo codbixin. Xildhibaannadii qaar baa goobtii ka dareeray oo ku andacooday “motion-ku” wuxuu keenayaa Gaalnimo iyo anshax-xumo qoysasku ku burburaan. Halgan adag iyo loollan dheer kadib “motion-kii” waa la dhaqangeliey “Bollettino Ufficiale Supplemento n. 1 al n. 11 of November 13, 1956”

Alle haka abaalmariyee Cabdullahi Ciise dadaalkiisii mirodhal iyo naajax buu noqday, wuxuuna ku guuleystay  haweenku inay waxbartaan isla markaana doorashada ka qeybgalaan oo ay hantaan xilal sarsare qabtaan. Haweenku waa saldhigga bulshada, waxayna kaalin firfircoon kaga jiraan horumarka dalka, ha-yeeshee hadalhaynta horumarinta haweenka beryahaan waa laga badbadiyey, wax kastoo xadka la dhaafiyo way qiime-dhacaan, weelkii qaadkiisa ka badan lagu shubo waa qubtaa, qabaal qaadkiisa madhaafo ama qarkuu ka jabaa.

Xildhibaannadii 1956kii diiday waxbarashada iyo codbixinta haweenka, hadday maanta arki lahaayeen heerka haweenku gaareen maxay dhihi lahaayeen? Hubaal iyagoo anfariirsan waxay oran lahaayeen “waa adduun calooshii laga raray oo tuurta laga caynshay”

Abwaan reer Galbeed ah ayaa yiri dadka garaacaya durbaannada daryeelka iyo derajeynta haweenka waxay dumiyeen qiyamkii qoyska, waana laga badbadiyey oo heerkii waa la dhaafiyey. 

“Feminist drums of women’s emancipation is over-limited and too exaggerated”   

FG: Kooxaha Cabdi-adduunyo qormo kasta laba ayaan ku falanqeyn doonaa ee la soco qeybaha dambe. Akhristeyaasha waxaan ka codsanayaa inay wax ka qoraan cinwaanka Cabdi-adduunyo.

Abdulkadir Osman “Aroma”  - shirwac55@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.