Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw

Abdulkadir Osman “Aroma” (KON) - Dhowr qarni dalka Koofur Afrika waxaa ka jirey midab-takoor ay wadeen koox Caddaan ah oo si ba’an u kadeeday madowgii tirada badnaa balse aan Alle tayada ugu deeqin.
Faallo Keydmedia Online
Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw

Gumeysteyaashii caddaa waxay Koofur Afrika ka hirgeliyeen xasuuq bahalnimo iyo dadkii madoobaa oo lagu ooday xeryo xabsiyada ka liita.

Si jirta siima jirto, qarniyaal dulmigu waa socon karaa waxaase ugu dambeysta guuleysta xaqa iyo sinnaanta. Sannadkii 1989kii F.W. de-Klerk ayaa loo doortay madaxweynaha Koofur Afrika wuxuu beddelay P.W. Botha oo ahaa cunsuri  ku xeeldheer midab-kala-sooca, dadka madowna u yaqaan baranbaro mudan in la buufiyo.

Goortey isbeddeleen labadaas hoggaamiye, waxaa la saadaaliyey in waa-cusub u baryey Koofur Afrika oo ay ka xorowday nidaamkii foosha xumaa ee midab-takoorka. Madaxda caalamku waxay hambalyo iyo boogaadin u direen F.W. de-Klerk, waxaa loo rejeeyey shacabka Koofur Afrika (madow & caddaan) horumar iyo sinnaan inay ku naaloodaan.

Ayaandarro dad baan ku farxin doorashada F.W. de-Klerk oo arrintu ugu muuqatay laba nin oo ilma-adeer ah oo jagada kala dhaxlay. Dad baa goconaayey guuldarradii gumeysigii ummadda kadeeday, wejiyo isbeddelay iyo magacyo kala duwan oo loo qorsheeyey in lagu marinhabaabiyo shacabka madow.

Baaderiga Desmond TuTu oo ka mid ahaa dadkii aragtidaas aaminsanaa ayaa maqlay F.W. de-Klerk waa “moderate” ka wanaagsan P.W. Botha, wuxuu yiri murti loo riyaaqay oo taariikhda baal dahab ah ka gashay, erayadii TuTu waxaa ka mid ah “PW iyo FW waa xarfo Ingiriisi ah Botha iyo de-Klerk waa laba nin oo caddaan ah = F.W & P.W are English alphabets and both leaders are whitemen”

Akhristeyaasha qaar baa dhibsada qoraalladeyda ararta dheer leh, akhriste raalli ahaaw maanta dheereyn mayo oo waan soo koobayaa. F.W. de-Klerk oo beddelay P.W. Botha waxaa la mid ah, shalay waxaa dalka boobi jirey oo baanka-dhexe lacagta ka daldalan jirey dad isku beel ah oo ay ugu caansanaayeen: (Maama Madaxtooyo, Injineer Bidaar, Gafane Kibrey, Korneyl Kooshin, Cigaal-Shire-Diini-Diiriye, seedi wasiir maaliyadeed iyo kuwo kale) maanta waxaa beddelay (Jimcaale jeebweyne, Calasow cunaaye, ina-macallin-marya-cadde, Yeberow yaxaas, Jineraal Xarago, Guulwade Garcadde, Damdamle dib-ka-naax  iyo kuwo kale, malaha madasha maanta waxaa ka maqan Seedi Saldano helay iyo Maama Madaxtooyo oo marwooyinka madaxweynuhu weli ma ilbaxin).

Shalay halkudheggu wuxuu ahaa Xisbiga Hantiwadaaggu gaabin mayo, gadaal u laaban maayo, gulufka joojin mayo, guul-guul-guul. Maanta halkudheggu waa “Al-Islaax waa amiir, inta kale waa agoonn”.

Shalay qofka doonaya inuu madaxweyanaha arko haddii ay ka wasteeyaan Cigaal-Shire-Diini-Diiriye oo aad safka ku biirto salaadda cisha kadib waxaad salka ku siqdaba madaxweynaha oo sigaar iyo kafee isu dulsaaran yihiin waxaad arkeysay addinka hore ee salaadda subax, jawaabta madaxweynuhu waxay u badaneyd qoraal nuxurkiisu ahaa “halla tixgeliyo muwaadinka warqadda sita”. Maanta wax-qabasho iyo daryeel shacabka iska daaye, xataa lama hayo warqadii halla tixgeliyo. Abshir Bacadle (AUN) wuxuu yiri “nabee waa loo darsaday duqii dacayda weynaa”    

Tobankii sano ee lasoo dhaafay xafiisyada dowladda waxaa hortaagan AMISOM,  ayaandarro shacabku inay si caadi ah u galaan oo muraadkooda ka helaan waa arrin adag. Afka askarta AMISOM oo aan shacabku aqoon ka sokow, maamulka oo dhan wuxuu gacanta ugu jiraa koox yar oo habka TAKFIIRKA oo kale u abaabulan, xubnaha kooxdaan mooye qof kale inuu xerada soo galo waa madhacdo. Qofkii kooxdu raalli ka tahay ama uu ka wasteeyo qof xigto leh mas’uulka muraadka laga leeyahay ama xoghaynta xafiiska kula macaamila “faro dufan leh baa wax duuga” ama siyaabo kaloo gurracan wax ku doona, waa laga yaabaa inuu si ciriiri oo waqti badan ku lumo ku arko madaxda dowladda.

1960kii nin baa yiri “nimaan dibutaati daaya lahayn amaan dabagaabi daadihineyn, wallee dameerahaa dardari”. 1940-yadii waagii Hindiya faqriga faraha maran ahayn, qof kastoo xafiis maamule ka ah, albaabka xafiiska laga soo galo waxaa u yiil sanduuq laaluusha loogu rido. Maamuluhu waa aamusi jirey oo ma hadli jirey ilaa uu maqlo wixii sanduuqa lagu riday shanqartiisa, waxaana halhays u ahayd sidee kuula hadlaa adiguba sanduuqa lama hadline “How can I speak because you don’t speak to my box”.

Maanta laaluushku waa mushahaarka qaranka loogu shaqeeyo, waxaa socota afgarasho la mid ah sanduuqii Hindiya oo nuxurkiisu yahay madaxda qaranka ma arki kartid, muraadkaagana ma heli kartid haddaan lagaa wasteyn “recommendation” ama aadan laaluush bixin. Waxaa dib loo soo nooleeyey halkudheggii 1960-yadii oo maanta ah “nimaan damul-jadiid daadihineyn amaan doollarkiisa ku daanshoon ama digdigle qabiil daaya lahayn, xafiis dowlo dan kama helo”.

Maanta mansabka dowladda waxaa loo arkay mashruuc laga maalaysto, waxaana loo tartamay jagooyinka kala ah: (Bad-gate, bad-sumeeye, bad-xaalufiye, birri-xaalufiye, macaawino boobe). Waayadii Soomaalidu Muslimka toosan ahayd wiilasha waxaa loogu waqlali jirey (Cabdiraxmaan, Cabdillahi, Cabdishakuur, Cabdiqani, Cabdixakiim iyo wixii la mid ah, magacyadaasi waxay ka taagan yihiin addoon Eebbe). Soomaalida maanta waxay u badan tahay (Cabdi-Laba-shaarle, Cabdi-Tabcane, Cabdi-Tigree, Cabdi-Kikuyo, Cabdi-jaajuus, Cabdi-maquuste, Cabdi-gooste, Cabdi-goboleysi, Cabdi-qabiil, Cabdi-jallaafo, Cabdi-luggooyo, Cabdi-laaluush, Cabdi-boobaaye, Cabdi-qandaraasle, Cabdi-shidaal, Cabdi-xaalufiye, Cabdi-dhuxulle, Cabdi-NGOle, Cabdi-Qarxiye, Cabdi-Xasuuqe, Cabdi-Qaxiye iyo kuwo la ayni ah, magacayadaasi waxay ka taagan yihiin addoon adduunyo).

Sannadihii Maxamed Ibrahim Cigaal RW ahaa, halhaysku wuxuu ahaa “Ciise Muuse mooyee haddii cidiba noolaato”. Maanta halhaysku waa “Cabdi-adduunyo mooyee haddii cidiba noolaato”.
Soomaalidu waa dad xiiso badan oo naftooda been ku maaweeliya, marnaba run isuma sheegaan.

Erayga dowlad si khaldan bey u fahmeen, markey maqlaan dowlad waxay ka rejeeyaan inay cirka malab iyo dahab ka keento oo ay daruuro dahab ah dalka ku wada camirto, qof kastana gurigiisa ku helo nimcadaas.  Maamulkii daaqiliga ahaa ee 1950-yadii waxaa hormood ka ahaa (Aadan Cadde, Cabdullaahi Ciise iyo Sh. Cali Jimcaale) haddiiba wax sannad ka yar, magacyadii raggaas waa la beddelay oo waxaa hirgalay halkudhegyo ay ka mid ahaayeen “Shabcuun iyo Shigshigaaye iyo Sheekha weydaa shartooda Allow na dhaafi”.

Koox hal sano hoggaanka haysa oo aan la dhaleeceyn taariikhdii lasoo maray madhicin, madaxweynaha in naaneys xun lagu sunto waxay ka mid tahay dhaqan xumada iyo fowdada Soomaalida. Dowladihii dalka soo maray sannadihii burburka, dowladda hadda hoggaanka haysa inay xagga arrimaha dibedda uga firfircoon tahay maamulladii ka horreeyey  bulshadu waa qirsan tahay.

Ha-yeeshee bulshadu waxay farta ku goday in DF ay ku guuldarreysatay arrimaha gudaha, gaar ahaan nabadgelyada, adeegga bulshada iyo dib-u-heshiisiinta, oo cabashada dadweynuhu waxay leedahay “meel Islaax ka arrinshoo ammaana la waa, meel Islaax ka arrinshoo ubax ka nuuro la waa, meel Islaax ka arrinshoo adeegleh la waa, meel Islaax ka arrinshoo dib-u-heshiisiin ah la waa iyo wixii la mid ah”.

Oktoobar 1947 Ganacsade Carab ah ayaa karbaashay xamaali u shaqeynaayey, dabadeed Soomaali caraysan ayaa cagta marisay Carabtii Xamarweyne deganayd “Soomaali hannoolaato iyo Daanaxdaanax dalka ka erya” ayaa halkudheggu maalintaas ahaa. Jannaayo 1948 waxaa Soomaaliya yimid “Four Power Commission” waa afartii waddan ee dagaalkii 2aad ku adkaatay. Qeybaha bulshada ayey wareysi la yeesheen, maadaama Soomaaliya laga kiciyey Fajiistadii Talyaani, shacabka ku nool Koofurta Soomaaliya waxay doonayaan.

Maalinba qolo ayaa la qaabiley, jaalliyada Carbeed oo sheegatay inay dhan yihiin 25 kun waxay diideen inay ku hoos noolaadaan dowlad Soomaaliyeed. Carab suugaanta wax ka yaqaan ayaa yiri “niman suldaan u suubanoo, Soomaali ka roon Allow na sii”.

Hal Sano oo urur diimeedka Al Islaax daadihinaayey maamulkii dalka, guuxa dadweynuhu wuxuu leeyahay “agaasin Islaax ka roon iyo amni-waara Allow na sii”.  

Lasoco Qeybta Labaad ee Qoraalka

Abdulkadir Osman “Aroma”  - shirwac55@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.