Baarlamaanka Soomaaliya: Dhado roob noqon weysay (Daawo Video & Hees)

Soomaaliya waxay dhex maquuraneysaa 20-sano in ka badan oo bur bur ah isla markaana ay wehliso isbaaro siyaasadeed oo birteedu tahay “DOON MEYNO, HALA RIDO, LOOMA DHAMO” iyo erayo kale, waxaana liiska hore ee talada fadhiya dadkii ay aheyd in loo talaya, taasina waxay noqotay caqabad lagama gudbaan ah.
Faallo Keydmedia Online
Baarlamaanka Soomaaliya: Dhado roob noqon weysay (Daawo Video & Hees)

Shalay waxaa kulan ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho sida aad wararka ku hesheenba xildhibaanada Baarlamaanka, ujeedka kulanka waxa uu ahaa kalsooni siinta xukuumadda qurba joogta u badan ee uu soo dhisay R/wasaare Max’ed Farmaajo.

Kulanka waxaa soo xaadiray 348 xildhibaan, laakiin waxaa goobta ka socday ka hor intaa aanu kulanka iridaha u furmin shir iyo Shoor ku saleysan is gaashaanbuureysi qabiil, waxaana la arkayay wasiira hore uga tirsanaa xukuumaddii Sharma’arke Mr. Cirro.(Bari ka soo jeeda) oo wada abaabul balaaran. Dadka dhaq dhaqaaqooda uu muuqday waxaa ka mida ahaa Wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo Sports-ka Khadiija Max’ed Diiriye, Wasiirkii Ganacsiga C/rashiid Cirro, wasiirkii Haweenka iyo Qoyska Fowziya Max’ed Shiikh, Wasiirkii Beeraha Max’ed Ibraahim Xaabsade, waxaa kaloo jiray xildhibaano aan tira yareen oo iyana waday qorshayaal iyo abaabul siyaasadeed, sida Xildhibaan Macalin Jiis, Xildhibaan Caasha Axmed C/lle, Xildhibaan Boot, Xildhibaan Waqaa iyo kuwa kale oo badnaa.

Isbaheysiga iyo isgaashaanbuureysiga laga hormariyay shirka dhaxalkeeda waxa uu noqday in gacmaha leysula tago, gudoonkii Baarlamaanka, Ciidamada Booliska iyo kuwa shisheeye intuba ay awood u yeelan waayeen xakameynta xasarada ka kacday goobta,waxaana suurta gali weysay in si sharaf iyo qiima leh uu ku dhamaado shirka hala diido amah ala ogolaado Xukuumadda.

Shariif Xasan Shiikh, oo u muuqday nin dhan u janjeera abaabula iyo fawdadana asagu soo agaasimay balse carrabkiisa ay ka soo baxayeen erayo ah annaga hadaan nahay gudoonka waxaad goysaan baan taageereynaa ayaa sheegay in laba mooshin oo kala afkaar ah uu gacanta ku hayo, waxaana laga aqriyay goobta mooshinada oo kala taageersanaa cod qarsoon iyo cod fartaag ah, waxaana si deg deg ah kolkii labada Mooshin la aqriyay uu ugu dhawaaqay in haddii laba mooshin ay is qabtaan uu xaq leeyahay kan Codka qarsoon doonaya, wallow xildhibaana kale ay ku doodayeen in labada mooshin kan dadka badan in la raaco ay sharci tahay, waxaana daliilka iyo marjaca loo laabanaya uu yahay Dastuur iyo xeer hoosaad, oo marna lagama sheeg qaadin kulanka Baarlamaanka qodobo shareecada Islaamka ku saleysan tiyoo sida aan ognahay kol hore la sheegay in dowladda ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Go’aanka Shariif Xasan dhaxalkiisa waxa uu noqday in hoolka Baarlamaanka inuu  u muuqaal ekaado goob dibad bax uu ka jiro, waxaana mar qura is qabsaday Foori, buuq, sawaxan, qeylo, xildhibaanada qaarkood iyaga oo ka cabsi qaba marqaatinimada Saxaafadda iyo tabinteeda xogta meesha ka jirta ayaa waxa ay si toos ah colaad ugu muujiyeen saxaafaddii goobta ku sugneed ee wardoonka aheyd.

Xildhibaan Boot ayaa isaga oo dhanka bidix ee hoolka fadhiyay waxa uu si hal haleel ah ku soo gaaray dhanka midig ee hoolka, halkaas oo ay saxaafadda badankeed ku sugneed waxaana Boot uu si aan gabasha laheyn u qadaan qadiyay qaar ka mid ah wariyaashii ku sugnaa goobta isagoona qaarkood gacan ula tagay, laakiin saxaafadda oo ah  mid ku shaqeysa Samir iyo dulqaad ayaa ku sii adkeysatay in ay ka waranto xaqiiqda isla markaana ay iska hilmaanto talaabooyinka uu ku dhaqaaqay Xildhibaanka caadifadda ay qaaday.

Zaxmadii iyo buuqa markay sii socdeen ayaa gudoomiyaha waxa uu ku dhawaaqay in shirka xiran yahay, laakiin nasasho dabeedeed ayuu dib u soo laabtay, waxaana mudadii uu fadhiga ka maqnaa dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray xildhibaanada qaarkood,.

Markii uu soo laabtay gudoomiyaha kuna celiyay in codka kalsoonida xukuumadda la qaadayo iyadoo la adeegsan doono sanaadiiq ayaa waxaa halmar soo yaacay xildhibaano badan kuwaasoo isku dayey qaarkood in ay gacan ula tagaan shir gudoonka, waxaana xildhibaanada ay ku eedeynayeen gudoomiyaha inuu dhibka oo dhan isaga mas’uul ka yahay.

ARAGTIDA SHACABKA EE DHAQANKA XILDHIBAANADA

Shacabka inkastoo waa hore ay ka niyad jabeen wax qabadka dowladda, ayaa hadaana shalay kolkii ay maqleen waxa dhacay iyo siday u dhaceen, waxa ay muujiyeen quus, waxaana shacabka qaarkood ay ku sheegeen Nimanka xildhibaanada ku tilmaaman in ay yihiin kuwa aan u qalmin jagada, taya ahaan iyo tira ahaan, waxaana ay ku alle tuugeen in alle uu badal kheyr qaba u keeno.

Wiil yar oo qiyaastii 15 sano jir ah oo aan la kulanay shalay galinkii danbe isla markaana dhageestay qaabkey wax uga dhaceen xarunta golaha shacabka ayaa yiri “ Niman aabahay ka waa weyn waaye, hadana sidii arday fasal ku jirta oo macalin la’aan ah ayeey u qeylinayaan, dowlad miyaa waxaas!!!, Baarlamaanyaasha aan Telfishinka ka fiirsado ma qeyliyaan sida kuwan camal, Ani xildhibaan haddii leyga dhigi lahaa sidooda camal ma noqon lahey ” .

Shacabka shalay way ku dibad baxeen xildhibaanada, waxaana ay ka dalbadeen in xukuumadda la ansixiyo isbaarada siyaasdana la joojiyo, laakiin aqoonyahanada qaarkood ayaa leh ma wareegeysi isbaaro siyaasadeedka ilaa Gunadii Birqaadka la bixiyo.
 

HANJABAADA CIIDAMADA

Shalay kolkii lagu sii jeeday kulanka, waxaa jiray hanjabaado xoog leh oo ka soo baxayay ciidamada booliska gaar ahaan kuwa ilaalada ka ah xarunta golaha shacabka, waxaana ay ku hanjabeen in haddii kalsoonida loo diido xukuumadda uu soo dhisay Farmaajo oo balan qaad rasmi ah u sameysay ciidamada ay xildhibaanada tirada badan ee baarlamaanka aanay nabad ku seexan doonin Hoteelada Muqdisho, isla markaana ciidamada ay beegsan doonaan ilaa ay xukuumadda ka ansixinayaan.

Sidoo kale Haweenka ka shaqeeya Nadaafada xarunta golaha shacabka, oo ku sugnaa ilinka laga soo galo xarunta golaha shacabka, waxa ay ka dalbanayeen xildhibaanada in si shuruud la’aan ah ay ku ansixiyaan xukuumadda.

Laakiin la yaabka ayaa ah in xildhibaan walba oo loo jeediyo aragtida ah in xukumadda la ansixiyo si aan gabasha laheyn uu ula soo boodayo imisa ayaad qaadatay? Oo uu ula jeedo lacagta lagu siiyay waa intee.

ARAGTIDA MAXKAMADDA IYO IS HEYSADKA BAARLAMAANKA

Xeer ilaaliyaha Maxkamdda Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa sheegay in sharciyan ay tahay in ansixinta xukuumadda loo maro nidaamka fartaaga ah iyadoona la eegayo cod dheeri, waxaana uu sheegay xeer ilaaliyaha in loo baahanyahay danta bulshada in la eego isla markaana sharciga loo hogaansamo.

SAADAASHA MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA

Rajada  lagama quusto, laakiin xaqiiqda marka si qota dheer loo eego ma indha wanaagsana mustaqbalka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana loo sababeynaa in horboodayaasha siyaasadda siiba (Shariif sakiin) iyo koxdiisa aanay aheyn kuwa u bisil nidaamka hogaaminta saxda ah, isla markaana ay u baahan yihiin tababar iyo waxbarasho la xiriirto qaab hogaanka fiican iyo wadaniyadda.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.