Maxaa Colaadda Leelkase iyo Majeerteen sidaas u fogeeyey? Yaase ka Dambeeya?

Garoowe (Keydmedia) - Media-da waxaan ka dhagaystey calaacalka Hooyo Soomaaliyeed oo 1dii iyo 2dii bishan Sebtember la barakiciyey qoyskeedii, eheladeedii iyo dariskeedii lagu soo weeraray Xaafadda Garsoor ee ku taal waqooyiga Magaalada Galkacyo.
Faallo Keydmedia Online
Maxaa Colaadda Leelkase iyo Majeerteen sidaas u fogeeyey? Yaase ka Dambeeya?

Waxay ku calaacashay in Ciidanka Faroole soo diray ay dileen ninkeedii, qaar kamid ah carruurteedii, ehelkeedii, deriskeedii iyo dhammaan bulshadii daganayd Degmada Garsoor.

Hooyadaasu waxay sheegtay in dadkii deegaankaas ku noolaa laga dhigay wax la laayey oo maydkoodii laga kala cararay oo weli yaalla goobtii lagu dilay, wax la dhaawacay oo usbitalka daadsan iyo wax la barakiciyey oo dhirta hoos jiifa.

Beesha ay hoyadaasu ka dhalatay waa Leelkase waxaana Xasuuqaas geystay Ciidan hubaysan oo isugu jira kuwo labbisnaa darayska Ciidanka Puntland iyo kuwo kale oo qabey dhar rayad ah, kuwaasoo kasoo wadajeeda beelaha Cumar Maxamuud iyo kuwa Maxamuud Saleebaan.

Hooyadaas waxay tilmaan cad ka bixisay hubka iyo gaadiidka Ciidankaasu watey oo ku dagaallamayey qalab dagaal oo isugu jirey: Hubka goobta madaafiicda, lidka dayaaradaha oo gaadiid ciidan ku dul rakiban iyo qoryaha riddada dheer oo dulsaaran gaadiid xawaare dheereeya oo loo yaqaan “Gurmadka Deg Dega ah.”

Guud ahaan dagaalkaas waxaa hoggaaminayey beelaha Maxamuud Saleebaan oo sita qalabkii dawladda Puntland oo aargoosi ku xasuuqaysa beesha Leelkase.

Hooyada basanbaastay waxay sheegtay tirada dadka rayadka ah oo la xasuuqay inay gaarto ilaa 30 marrxuum oo isugu jira qaybaha bulshada: Rag, dumar, dhallaan, gurbood, hub-qaad iyo waayeelba.

Geeriduna intaas way kasii badan kartaa marka lagu daro inta u dhiman doonta dhaawaca culus oo cusbatalka daadsan.

Sidoo kale, ciidankii gulufka dagaal ku yimid waxay maxbuus ahaan u aruursadeen dhammaan dadkii rayadka ahaa oo ku go’doomay degmada Garsoor oo haddana loo haysto maxaabiis dil-sugaa ah.

Sarkaalka fulinayey gulufka dagaalka waxaa la yiraahdaa Beergeel, wuxuuna ka tirsan yahay beesha Reer Mahad oo ah jufo kamid ah beeslaha Cumar Maxamuud, ayaa hooyadaasu xustay.

Hooyadaasu waxay sii Faah-faahisay in beelo badan oo daganaa Degmada Garsoor hore loo barakiciye, kuwaas oo ay kamid ahaayeen intii ka hartay bulshada Ogaadeen, Raxanweyn iyo Jareer weyne, kuwaasoo intooda badani ay hadda qaxooti ku yihiin koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Marka Taariikhda dib loo jaleeco, Bulshada Leelkase hadda kow uma ahan in lagu weeraro qalab dawladeed oo Gacanta ugu jira Ciidan dawladeed ama loo qaybiyey qoys iyaga dagaal dhexmaray.

Marka runta laga sheego dhacdooyinka Taariikhda galay, dad baa ku murma wartabiyeenku waa qabiili... Qabyaalad buu ku shaqeeyaa… Dad buu isku dirayaa…Qoys gaar ah buu nalka ku ifinayaa… Bulshada uma garsooro.…, iwm.

Keydmedia waxay ku salaysan tahay in dhacdada loo tabiyo sidii ay u dhacday, faallo laga bixiyo, dabadeedna xal loo raadiyo. Colaaddan gaamurtay waxay mudan tahay in xal loo helo.

Qabweyni Iyo Quursimaad

Cumar Maxamuud qabweyni ma daayo, Leelkasena quursimaad ma qaato; labada bulshana waxay ku wada nool yihiin deegaan isu furan oo leh is-dhexgal bulsho iyo daaqin guudba.

1963-dii waxaa ceel biyood ku cilaaqtamay 2 nin oo midna yahay Leelkase kan kalena yahay Reer Mahad. Reer Mahad waa qoys katirsan beesha Cumar Maxamuud. Ninkii Reer Mahad waa laga itaal-roonaaday oo waxaa la dhigay dacdii ceelka. Waxaa usoo hiiliyey nin kale oo ay xigto yihiin. Nasiibdarro isagiina waa laga itaal roonaaday oo kii hore ayaa la barbar dhigay.

Laguma dagaallamin qori iyo iyo toorrey midna ee si fudud baa laysu bugabugeeyey. Dhacdadaas laga bilaabo waxaa duulaan ku jira bulshada Cumar Maxamuud.

Labdii nin oo leh dacdii ceelka ayaa reerkoodii ku noqday taasuna waxay abuurtay xiiso colaadeed. Waxaa hiillo loogu tagey nin 2bo xidigle ah oo haysta saldhigga boliiks Magaalada Gaalkacyo oo la yiraahdo Sugulle oo isna ah Reer Mahad, wuxuuna raggii soo siiyey hub iyo rasaas ay Leelkase ugu  aarsoosi tagaan.

Hubkii Dawladda oo rayad Gacanta loo geliyey waxaa lagu soo dilay 2 nin oo Leelkase ah, Leelkasena waa is difaacay oo wuxuu dilay nin Reer mahad ah. Cumar Maxamuud halkaas kuma joogsan oo olole dagaal buu qaaday.

Sugulle wuxuu qaylo-dhaan gaarsiiyey Maxamad Abshir Muuse oo ah Taliyaha ciidanka boliiska qaranka  iyo Yasiin Nuur Xasan Bidde oo markaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Yaasiin Nuur Xasan Bidde wuxuu ahaa Reer Mahad, Maxamad Abshir Muusana waa Ciise Maxamuud. Hiilladii waxay gaartay Maxamuud saleebaan iyo Leelkase, colaaddii Leelkase loo qabayne halkaas bay kasii socotay.

Dawaarishu waxay guluf gabogaba ah ku qaadday deegaankii bulshada Leelkase, waxayna soo qabteen geel bandan, halkaas oo ay kusoo dileen nin rayad ah oo Leelkase ah kaasoo ahaa ninkii ugu horreeyey oo rayad ah oo ciidan daraawiish ahu deegaankiisa kusoo dilaan dambi la’aan. Ugu dambayn, dagaalkii waa lasoo afjaray oo nabad baa halkaas laga curiyey. Maxaase ka dambeeyey?

Ceelbiyood waa lagu dagaallamaa, waana laga heshiin jirey. Geerida iyo dhaawaca waa laga xisaabtami jirey waana laga heshiin jirey. Wixii intaas ka dambeeya heshiis iyo is-afgarad baa wax lagu qaybsan jirey, deegaankana nabad baa lagu wada daaqi jirey.

Maxaa Colaadda labadan beelood sidaas u fogeeyey? Bulsho-weynta Soomaaliyeed oo Aaggaas wax ka daggan waxay qabtaa in colaaddaasu riman tahay kibir iyo is-bahaysi huwan gaashaan Dawladeed oo mar walba Cumar Maxamuud ku dhaato.

Haddaan Sugulle bixin lahayn hub dawladeed oo Leelkase lagu soo laayo, haddaan Maxaamad Abshir Muuse uusan soo dhaqaajin lahayn ciidankii daraawiish oo duullan ku qaadda bulsho xoolo-dhaqata ah, haddaan Yaasiin Nuur Xasan Bidde bixin lahayn amarka la damacsanaa in Leelkase lagu gumaado, Reer Mahad daandaansi dagaal kuma hollin lahayn bulshada Leelkase.

Doorkii Yaasiin N. Xasan Bidde iyo kii Maxamad A. Muuse waxaa hadda haya Cabduraxmaan Faroole oo marna ah madaxweyne goboleed marna ah nabadoon Maxamuud Saleebaan. War maxay ku dambayn…?

Colaaddanu waxay taagan tahay muddo aan ka yarayn 60 sano, haddana lama kala adkaan, lamina kala adkaan doono. Nin ciilqaba lagama adkaan, waa maah-maah fac weyn oo ku abbaaran colaadda dhexmartay Leelkase iyo Maxamuud Saleebaan.

Maanta Leelkase ayaa qaaday guluf colaadeed isaga ayaana gacan saraynaya; maalinta ku xigta ciidanka Maxamuud Saleebaan baa gulufka qaadaya Leelkase ayaana laga gacan saraynayaa. Guushu waa meerto, muddo gaaban bayna leedahay. Waxaanse marna lagu guulaysan doonin in Leelkase la ciribtiro.

Sidoo kale, guushu kuma salaysna tolkaa oo tiro badan. Qalabkaaga oo culus. Cududda ciidankaaga oo cuddoon. Dhaqaalahaaga oo lixaad weyn leh, hiilkaaga oo salballaaran, iyo xukunka dawladnimada oo markaas gacanta kuugu jira.

Xasuuqa Nindoorka

Madaxnimada Cabduraxmaan Faroole waxay sii kordhisay xasaradda colaadeed oo kasoo jiitamaysey laga soo bilaabo maalintii Daraawiishu toogtay ninkii Leelkase  oo hantidiisa ku dhexjira 63 sano kahor.

Dhacdadii ceelka ka bilaabatay si fudud baa xal looga gaari karey, maantana bulshadu nabad bay ku wada noolaalhayad, nabadduna cid walba ayay naruuro u tahay. Ann ku dilo adna markaaga i dil xal nabadeed kuma yimaado.

Xalku tanasul iyo is-tixgelin buu ku jiraa, ayada ayaana marti loo yahay.

Colaaddanu Waa Mid Siyaasadeed

Faroole wuxuu rabaa inuu Cumar Maxamuud kusii jeediyo xiisad colaadeed si uu xukunka ugu sii waaro. Marka siyaasigu rabo inuu-qiic isku qariyo, wuxuu abuuraa xiisad lagu halmaamo inta uu danihiisa ka fushado.

Waxaa kaloo nasoo gaartay in ciidanka gaashaaman oo Leelkase ka barakiciyey deegaanka Garsoor uu yahay kii soo dhaweeyey Wasiirka 1aad ee TFG-da oo Gaalkacyo soo gaarsiiyey.

Haddayna Cabdiweli M. Caligaas ku jirin aargoosi Leelkase muxuu Gaalkacyo ugu hakan waayey oo nabad uga dhexdhalin waayey 2da qoys oo colaaddu dhexmartay?

Maxaa ciidankii isaga waday uu uga qayb-qaatay gulufka colaadeed oo Leelkase lagu barakiciyey?

Labada beelood dagaalka ha joojiyaan oo cabdiweli hawada soo mariyey nabadi kuma iman karto, isaguna diyaar uma aha inuu nabad curiyo.

Ayuub A. Aden – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.