Balad-Xaawo ma Itoobiyey hoos tagtaa…?

Cabdullaahi Ibrahim - Reer Xamarku waxa ay ku maahmaahaan (Cimrigaaga oo raagay Geel dhalaas ku tusaa) oo ay ula jeedaan hadii aad nooshahay wax badan baad arkaysaa, Maahmaahdan waxa ay igu soo dhacdaa marka aan arko wax aan aad ula yaabo.
Faallo Keydmedia Online
Balad-Xaawo ma Itoobiyey hoos tagtaa…?

Waxaa Maalmahani ay xiisadi ka jirtay Magaalada Balad Xaawo ee Gobalka Gedo, Xiisaddani waxa ay u dhaxeysaa ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo kooxda isu bixisay Ahlu Sunna (Suufiya) kuwaas oo kala ujeeddo ah balse ku mideysan oo kaliya la dagaalanka Al-shabab.

Xiisaddani waxa ay soo bilaabatay Sedex Todobaad ka hor ka dib markii ay Miino dishay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Kooxda Suufiyada oo ku shaahaynayey maqaayad ku taallo Magaalada, Sida caadada u ah Soomaalida Iyadoo aan la sameynin wax baaritaan ah ayey waxa ay Suufiyadu ku eedeeyeen qaraxaasi in ay ka danbeeyeen ciidamada dowladda iyo Maamulka Degmada Doolow, ka dibna waxa ay kooxdu weerartay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada B/xaawo Iyagoo u geystay dhaawac Isaga iyo wiil waardiya u ahaa.

Talaabadaasi waxa ay ka careysiisay ciidamadii dowladda waxa ayna bilaabeen in ay Magaalada ka baxaan si aan loogu dagaalamin gudaha Magaalada inta laga xalinayo arintan, Waxa ayna fariisin ka dhigteen duleedka Magaalada balse dhinaca kale ee Suufiyada ayaan ka bixin gudaha Magaalada taasoo ahayad talaabo xun oo haddii uu dagaal dhici lahaa keeni lahayd qasaaro badan.

Markii ay arintani dhacday waxa aan filaynay in Dowladda federaalka ay soo faragelin doonto arintani ugu yaraana ay wafti u soo diri doonto si loo xaliyo dhibaatadan inta aysan faraha ka bixin maadaama ay Iyadu ka mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.