Bannaanbaxyadii 2007-dii iyo kan 2014-ku Maxey ku kala duwan yihiin?

Bashiir M. Xersi — Nin muddo badan ka soo muuqanayay Sawirrada laga soo qaado bannaan baxyada beeleysan, ee caadada u noqday dadka soomaaliyeed, ayaa la weydiiyay; “Ninyahow, ilaa intaan ku arkeynnay bannaan bax aan waxba soo kordhinayn uun baad ku jirtaaye, maxaa kuugu wacan? Miyaadanse ka daalin waxaan ujeeddo suubban oo ka danbeysa laheyn?”

Faallo Keydmedia Online
Bannaanbaxyadii 2007-dii iyo kan 2014-ku Maxey ku kala duwan yihiin?

Wuxuu ku jawaabay; “Ujeeddo suubban iyo inaan wax ku saxo uma mudaaharaado, qasadkeyguna maba aha sidaas, balse, Ilaahey amarkiis, waxaan iska jeclahay inaan BUUQ RAAC iska ahaado, oo HA DHACDADAAS iskaga hadaaqo!” siina raacshay; “Waxaan ku bannaan baxo haddaan waayo, xataa waxaa macquul ah INAAN ANIGAU ISKU BANNAAN BAXO, OO NAFTEYDA BOORAR U SOO QAATO!” kuna soo gunaanaday; “Hadaf la’aantu waa cillad Rabbaaniya oo i heysata, waana iiga dhaggan tahaye, yaan leygu nicin, hana la iga roonaado”.

Horta Xasanow ayaandarridaa oo aaya xumidaa! Marka laga soo tago inaad tahay hoggaamiyihii ugu liitay ee abid na soo mara, haddana, waxaa kuu dheer inaad ba tahay tooka feer iyo nasiibxume aan ba lahayn wax loogu aayo, in kastoo dadka qaar ay leeyihiin wax kalaa ugu wacane eelka isagu ma ahan, balse, eedda ayaa qabatay uun.

Maalmahan waxaa jiray olole iyo qorshe loogu jiray bannaanbax ka dhan ah mudane Xasan Sheekh, oo safar ku jooga dalka Maraykanka, kana qaybgalayey shirka Maraykanka iyo Madaxda Afrika. Qabanqaabada iyo guuxa ka soo baxayey bannaanbaxa ka sokow, waxaaba cirka isku shareeray faytanka iyo faltanka loo galay, sidii xoog iyo waqti loo galin lahaa buunbuunintiisa iyo borobogaando u fidintiisa, heer TVyada beelaysani ayba u noqdeen afhayeenno iyo iba bixiyayaal.

Haddii bannaanbixii dhacay, bugtadiina faydantay, boorarna la soo qaatay, baaq beenana la diray, belo loo yeertay, balaayo la qoshay, baas la abuuray, boor iyo habaasna la isku qariyey, beel iyo jufana laga duulay, beeso iyo lacagna lagu baxshay, bartilmaameed hummaag ahna la dhigtay, bayd jaban lala yimid, baab xiran la galay, buuq la kiciyey, burhaan an jirin la cuskaday, baqbaq iyo cantara baqash gidaarrada lala istaagay, ayaa waxaa soo baxay qolyahaa kuwa la liita, ooba isku dayey inay dadka lumiyaan, iyagoo isku dayaya in ay isku mid ka dhigaan bannaanbaxa Xasan looga horjeedo iyo kii 2007dii looga horjeeday Xerta xabashida ee C/laahi yuusuf, Geeddi horkacayeeen, haddaba, si aan kuwaa sooyaalka iyo sinji dhaanka ah aan silloonaantooda bannaanka u keeno ayaan faalladan u qoray, ee qoraalka sii aqri.

Marka hore laba ha la kala saaro, oo yaan la isku laaqin, labada fool ee Xasan iyo C/laahi, oo midna dhiigyacab, gacan ku dhiigle iyo dagaal ooge ayuu ahaa, ay u dheer tahay inuu ahaa Jabhadkii ugu cimriga dheeraa Geeska Afrika, dalkana Xabashi iyo ku soo hoggaanshay Amxaaro, ninna waa madani inta la ogyahay aan dhiig Soomaali daadin, wixii kale ee ay wadaagaan ee qabiilka, musuqa iyo maamulxumada waa gooni is barbardhggeedu, waana mid furan.

Intaa ka dib, aan u imaado labada bannaan bax, kii xilligii Xerta Xabashida ee Geeddi iyo C/laahi Yuusuf horkacayeen dadka hagayey waxay isugu jiraan sidan;

1-QABYAALIISTEYAAL, ay u muuqatay C/laahi inta ku bahda ah oo xilal badan markaa hayey ama inuuba aargoosi beeleed u socdo, oo ah tan ugu fog uguna dhibka badan, ewelba C/laahi Awliyo iyo Wadaad ma ahayne, oo waligii ayuu farta hayey dirir iyo dagaal beeleed.

2- WADAADDO diiddanaa gaalo dalka joogta, oo magac walba yeeran karta Shabaabba ku soo gaabi, anoon kuwa kale waxba u dhimayn.

3- WADDANIYIIN aan ku qanicin in dalka loo gacangalsho XABSHI iyo shisheeye. Tusaale; Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, oo illaa hadda ku dhaggan aragtidiisa Soomaalinnimo, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Gen. Maxamed Jaaamc Qaalib IQKB.

4- Kuwa xildoon ahaa, oo qaylada baxaysay ka dher arkay xil iyo jago kuna gaaray, sida; Eng Yariisaw Tarzan IQKB, oo markii dambe wixii ay ku mudaharaadayeen maamuus ka dhigtay!

Marka fadlan, iyadoon xaqiiqda la maldihin, xaajadana la maroojin, xilkana la xumayn, dhacdada si fiican ha loo warsho, oo dhammaan geesaheedii ha la tebiyo, yaanna lagu  ekaan hal doc ama hal daleel.

Aqriste, adi aan ku weydiiyo; maxaan mudane Shariif loogu bannaan bixin? Xasan muxuuu kaga duwan yahay kuwii hore? Saw ma wada aha TABCANAYAAL SHISHEEYE? Way fiicnaa lahayd in qisada warinteeda aan lagu qabbirin fool iyo faryar, ee loo eego foosheeda iyo fadhigeeda.

Hadalka marka hore waa la furfuraa, dababadeed ayaa ujeedkaaga la abbaaraa. Dad badan oo isbarbardhigay labada bannaabax ma samayn ammaano dhacdo, oo waxay abbaareen isku dhajin aan dhacdada ku shuqul lahayn, waxayna la aadeen meel aan ahayn mudnaanteeda. Ka soo horjeedka Xasan iyo bannaan baxyada ha kala saaro, oo yaan wax la isku laaqin, horta ma u kala soocan yihiin ayey weydintu tahay? Ma waxaad iga gadee in Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, isaga oo diiddan siyaasadda xun ee Xasan inuu la safan lahaa kuwa maanta ka qaylinaya USA? Taa kaama siisan, mana kaa aqbalin, ee fadlan aragtida tolmoon ha afduubin, lagamana ladlayn Xasan ayaa siyaasaddiisa liidata diiddan, oo anigan (Bashiir) ayaa in ka badan 6 qormo ka qoray, aan ku wada caddeeyey inuu yahay hoggaamiyihii ugu liitay ee na soo maray abid, sida sadarrada kore ee faalladaba aan ku furfurtay.

Marka ha kala saaro diidmada siyaasad xaakim iyo xaaliye Xabashi dalka Amxaar keenay dadkana ku xasuuqay! Mushkiladda anaga haddaan soomaali nahay na haysta waa; mar walba ee aan wax qiimaynayno waxaan ku qiimaynaa ARAGTI GURRACAN! Bal qofka aniga iga gadaya ama iga iibinaya MUDAHARAADKII looga horjeeday XERTA XABASHIDA iyo kan Xasan kaliya looga horjeedo (WALIBA DAYACJADIID oo dhan ma ahan) ayaa isku mid ah, waa qof dan gooni ah leh, waliba ka fog xaqiiqada iyo waxa jira ama horey u jiray.

Marka dadkaa mudaaharaadaya aad ka soo hesho qodobbada aan kor ku xusay, iyo waliba dadkaa bulshada caanka ka dhex ah, ayaad xaq u yeelan kartaa ama ugu yaraan aad is dhihi kartaa waa laba waji oo isgarab dhigo Xasan iyo C/laahi ama waa laba bannaanbax oo la isbarbardhigi karo. Tan kale, dadkaa xilligii Xerta Xabashida iyo Xasuuqa ee Geeddi iyo C/laahi mudaharaadka safka hore uga jiray waxaa ka mid ah oo kale Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Gen. Maxamed Jaaamc Qaalibe orod ka soo hela kuwa la miisaan eg ama u dhigma, midi waa aqoon yahan, midna waa siyaasi kan kalana waa Genen waliba siyaasina ah, haddii kale, fadlan, dhacdooyinka yaan la cayn wareejin.

Kuwa C/laahi halyeyga iyo u yahay halbeegga baan doonayaa inaan xooga yar sooyaalkiisa madaw ka tuso, ee bal sadarradan sii raaca; Maamulka Bari markii la dhisay C/laahi waxaa loogu dhiibay waxay ahayd yuusan idin xasuuqin, waxaadna ka garan kartaa markii hoggaanka beesha uu ugu guulaystay Jaamac Cali Jaamac waa kii sida caadada u ahayd ka soo jabhadeeyey Gaalkacyo, ee xoogga ku qabsaday Boosaaso magaalada dhaqaalaha ee la wada dhuuqo! Markii damabana lagu yiri; nin yahow anaga culayska naga dulqaad, ee Soomaalidaa kale orod xasuuq, haddaad dhiig la daadsho wali u ciilqabto ama u hamuunqabto!

Ka hor, waa kii fashiliyey shirkii Qaahira 1998dii, ee qarka loogu saarraa in lagu dhiso dawlad, ka dib markii uu ka tanaasulay Madaxnimada dawladdii Salballaar Xuseen Caydiid oo gacan ku dhiigle ahaa sidiisa oo kale, oo inta holkii ka cararay isu dhiibay Safaaradda Xabashida, illeen walgiiba Xabashi la’aan ma noolaane!

Sidoo kale, waa kii diiday ama qaadacay shirkii Carta isaga iyo inta badan qabqablayaashii Koofurta, ka dib markii ay Xashidu amar ku siiday. Horta ninka aad halyeyga u taqaanniin waa kaa, ama aad doonaysaan in Xasan aad garab dhigtaan, ee ma wax Soomaali qabataa? Ma wax caqliga saliimka ah qabtaa? Ma wax dadnimada iyo damiirka qabtaa? Haddii kaa halyey idiin yahay hammiga dawladnimo ee la sheegaa waa kee? Ma mijixaabintii qarannimada Soomaali ee hore, mise xasuuqii iyo dagaalladi dambe? Ii kala saara bal ani wali ma garane.

Labada bannaanax QABYAALADDU cunsur ka mid ah ahayd wixii riixayey ama dhaqaajinayey, balse, fadlan sooyaalka ha dhaamina, oo dad badan oo sharaf leh ayaa safka hore ugu jiray kii horee magacooda iyo maamuuskooda ha ku dheelina, oo aysan beel iyo qabiil midna ka ahayne, maxaa yeelay, marka aad labada muduharaad waa isku mid tiraa, waxay ka dhigan tahay adoo leh; Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Gen. Maxamed Jaaamc Qaalib IQKB Xerta Xabashida iyo Xasuuqa waxay ugu muduraadayeen QABYAALAD! Run ahaan markaana waxaad aad oga fogaanaysaa xaqiiqada iyo dhabta.

Waxaa laa yaab ahayd markii ay xujo iyo daliil ka dhigteen in bannaanbaxa ay ka qaybgaleen laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, oo hadda ma waxay ka saaraysaa qaab qabiileedka uu yahay xitaa haddii ay ka qaybgali lahaayeen tiro intaa ka badan? Tan kale, boorarka qaarkood ayaa waxaa ku qorraa in Baraawe uu Guddoomiye ka yahay qof degmada Cadaado ka soo jeeda, ani ogaalkay Baraawe waxay gacanta ugu jirtaa Alshbaabul shar wal shaydaan, ee eeddii Ina Godane iyo Alshabaabna ma Xasan ayaa loo shaarshay, halka ay ahayd in reer Waqooyi lala abbaaro, isagoonba metelin?.

Falanqayntu sax buu ahaan lahaa, haddii caddaymo lagu lari lahaa ah in bannaan bixii C/laahi Yuusuf looga soo jorjeeday uu ahaa qabiil, ama uu ugu yaraan la mid yahay kan MINNESOTA. Waa labo marxaladood oo kala duwan kan MINNESOTA iyo kii Xerta Xabashida looga soo horjeeday, maxaa yeelay, kii hore waxaa safka hore uga jiray;  Jamac Cali Jamac, Maxamad Cabdi Yuusuf, Cali khaliif Galayr, Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, Yuusuf Dheeg IQKB, marka qofkii diiddanaa xasuuqii xerta Xabashida ay ku dileen in badan 26000 (labataan iyo lix kun oo qof) miyaad rabtaan inaad garab dhigtaan, dad qabyaalad qayaxan iyo qabiil la taagan laamiyada?.

Ha moodin inaan Xasan anigu xushmad gaar ah u hayo, maxaa yeelay, aniga ayaa tiro ka dhawr qormo ka qoray, ee kaliya waxaan diidayaa marin habaabinta iyo ismoodsiiska berri sooyaalka lagu qarin doono, sidoo kale, khuraafaadka iyo wax aan is lahayn isku qarbooshaynta ayaanba ka didaa.

Kala duwanashaha kale ee muhimka waxay noqon kartaa;

1- Muqaallada lagu soo bandhigay iyo boorarka la kala watay, ee kii hore ay sal iyo siibad u ahayd Xabashi iyo Xabasho kalkaal, hal ku dhegyaduna ahaayeen Xabshi diidnimo iyo Meles, halka kan ay u yihiin buddhig qabiil iyo beelo.

2 – Dad badan oo Soomaali oo dhan ah baa ku wada jiray kii 2007kii, Maxamed Cabdi Yuusuf, Yuusuf dheeg, Cali galayr, Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi,  JAAMAC CALI JAMAC Jamac Cali Jamac, Prof Prof Cabdi Ismaaciil Samatar IQKB, mudanayaashan qaar ka mid ah C/laahi ayey ku qabiil yihiin, maantase sidaa shalay la isugu dhafna loomana wada safna.

3 – Ujeeddadu waa kala duwan yahay, oo midkan dambe, waad aragtaanoo waa dano qabiil iyo maxaa wax dheeraad ah naloo siin waayey (Haddaan naloo sedburin Soomaali ma nihin!). Halka ujeedka kii hore ay sal u ahayd soomaali beel iyo deegaan walba leh, oo doonaysay inay cadaw iyo cadaawe iska kiciyaan, ay ku soo  hoggaansheen kuwa ku diir iyo muuqaal ah, oo beel walba leh. Halkan waxaa taariikhdu qortay FAQASHTII labaad, ee ku urursaneed Dawladda dalladda qabyalayaasha. Si kale oo gaaban saaddaxdan ayey ku kala duwanaayeen; DADKA, HAL KU DHEGYADA IYO UJEEDDADA.

Balse, aan laba qodob oo muhim ah ku soo xiro faallada, oo kala ah;

1- Mudaharaadkii hore siyaasadda ka sokow, waxaa u dheeraa waxaa lagu muduradaayey dagaalladii iyo xasuuqii Xabashada.

2- C/laahi Yuusuf inta aan lagu bannaan bixin muddo ayuu madax ahaa, cidna aysan raadsan, markii uu iska daba laalaabanayey Jawhar iyo Baydhaba dhexdooda sida aan wada ogahay, taas wax ay kuu caddaynaysaa in aan isaga shaqsi ahaan ama beel aan loogu jeedin, ee ay mucaaraddaddu xooggeedu ka dhalatay ka dib markii uu Xabshi dalka soo galshay. Halka Xasan uu la kowsaday bannaan baxa, oo ay jirto in laba kol hore looga bannaan baxay isla MINNESOTA iyo London mar uu safarro u kala tagay.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
[url=http://bilediraac.wordpress.com]http://bilediraac.wordpress.com[/url]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.