Is-Hubaynta Faroole - Beelaha Soomaaliyeed ma ogyihiin Khatartaan kusoo Wajahan!?

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Also available in English - Muddo ka badan 20 Sano, Soomaaliya waxaa UN-ku ku hayey cunqabatayn Hub heer Caalami ah. Hubka Puntland la keenay oo leh baaxadda qarameed kuma iman daaladhac iyo Dadaal ku gaar ahaa Cabduraxmaan M. Faroole.
Faallo Keydmedia Online
Is-Hubaynta Faroole - Beelaha Soomaaliyeed ma ogyihiin Khatartaan kusoo Wajahan!?

Waa Dadaal iyo mirodhal rag badan isu biirsadeen oo ay kamid yihiin: Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmad, Madaxweyne Shariif Axmad, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke (Wasiirkii hore ee TFG-da), Cabdiraxmaan M. Faroole iyo ugu dambayn Cabdiweli M. Caligaas oo dheelitirka arrinta hub-keenidda ka qayb-qaatay.

Keenidda Hubku wuxuu ku salaysan yahay xeelad maldahan. Naqshaddii hore, waxaa loo ekaysiiyey Hub Qarameed, wuxuuna ahaa inuu Muqdisho kasoo dago. Markii ku xigtey waxaa loo rogay allad lagu xoojiyo is-bahaysi Siyaasadeed oo dhexmarta Faroole iyo Shariif Axmad.

Markii ku xigtey waxaa loo durbaan tumay in Hubkaas lagula Dagaalamo Burcad-badeedda iyo Kooxda u heellan Sheikh Atom. Markii ugu dambaysey waxaa loo weeciyey inuu Bosaaso kasoo dago si uusan u galin gacanta Al-Shabaab.

Madaxweyne Shariif Axmad ma caddayn in hubkaasu yahay mid Qaranku leeyahay iyo in kale. Sidoo kale, Faroole ma caddayn in hubkaasu yahay mid Qaran ama mid Maamulka Puntland u gaar ah, waxaase hubaal ah in Wiil kamdi ah Wiilashiisa Faroole uu hubkaas Gacanta ku hayo, SARACEN tababaridda ay tababaridda ku shaqo leedayahay, Mudane C/raxmaana uu kor ka Maamulo. Keydmedia Report-kaas waxey soo saartay Sanad kahor.

Madaxdii Milateriga ahaan jirtey oo ku xeeldheerayd arrimaha Ciidan oo katirsan Bulshada Puntland waa daawadeyaal, sidayada oo kale. Hadda waxaanu maqlaynaa in hubkaas lagu ilaalin doono Ceelasha iyo dhumaha Shidaalka qaada.

Hase yeeshee, adduunku waa og yahay in Faroole uu hubkaas Gacanta ku hayo, go’aangeedana waxaa laga sugayaa guddiga Somali/Eritera Monitering Group (SEMG) sida uu usoo barraxo raadka hubkaas iyo go’aanka taliska guud ee UN-kunu uu ka gaari doon.

Qalabku wuxuu leeyahay baaxad Military Qarameed, wuxuuna isugu jiraa gaadiidka gaashaaman, Qalabka riddada culus leh oo gaadiid ku dul-rakiban, dayaaradaha qummaatiga u kaca oo qalab culus ku rakiban yahay, maraakiibta Dagaalka, isgaarsiinta Ciidanka, taakulaynta Ciidanka, rasaasta nooc walba leh, iwm.

Ciidanku wuxuu leeyahay awood uu muddo gaaban ku gaari karo goobta colaadda oo uu burbur iyo halaag ka geysan karo. Keydmedia.net baaritaan ey waday Sanad ayee ku ogaatay in Maalgelinta uu bixiyey maalqabeen is-qariyey oo ku nool Imaaraadka, ilaa haddana waxaa ku baxday Lacag dhan 50 Malyan oo ah Doolarka Maraykanka.

Dad badan baa qaba in Shariif Axmad uu gacanmaroojis ku aqbalay in Puntland hubkaas la wareegto, dekedda Bosaasana kasoo dago oo Faroole uu isku difaaco.

Waa Su’aal fura: Yaa Puntland Weerar ku ah? Hanti Qaran wadaago deegaan qurah ma lagu wareejin karaa? TFG muxuu nuxur leeyahay? Maxaa kallifaya in Faroole sidaas loogu qalabeeyo? Madaxweyne Shariif Axmad hadduu noqday ciyow waa ku baryey oo ku cataabayaa in Soomaaliya laga qaado cunoqabataynta hubka, si uu u xalaaleeyo Hubka hadda Qow ku kaydsan oo furaheeda uu hayo ina Cabduraxmaan Faroole.

Waxaa hubaal ah in hubkaasu uu khatar ku yahay Bulshada ku nool Puntland, Galmudug, Darwish State, Somaliland, iyo dhaammaan Gobollada dhexeba.

Hubkaas wajiyo badan baa loo adeegsan karaa:

  • Faroole Dagaal ka dhexcuri karaa Puntland iyo Galmudug, Puntland iyo Darwish State, ama Puntland iyo Somaliland si uu usii dheeraysto xukunkiisa.
  • Inuu awodda Milatari u adeegsado inuu kusoo qarqoorto deegaan uu dan Dhaqaale ka leeyahay.
  • Inuu ku wiiqo tartameyaasha Madaxweynenimo ee Puntland oo u heellan inay xukunka aka qayb-qaataan.  
  • Inuu yeesho cod awood ciidan oo uu ku dhaato si uu u helo sadbursi uusan daw u lahayn
  • Hubkaas oo Faroole u adeegsado kobcinta iyo dabodheeraynta Saldanada qoyska reer Faroole oo halkaas halkaas ka ambaqaadda

Maxay Ku Dambayn

Lama oga Dagaal dambe oo Dalka ka qarxada iyo guuldarrooyinka ummadda ku iman karta. Lama oga cidda ku guulaysan doonta xasarad colaadeed oo waqtigeedii laga gudbay. Lama oga qulqulato colaadeed iyo cidda ku caanawaayi doonta.

Maanta waxay ahayd in Cabdirixmaan M. Faroole uu haan weyn u tosho barwaaqada laga filayo inay kasoo burqato Shidaalka ku jira deegaanka Puntland.

Waxay ahayd in Mudane Faroole uu nabaadda u codeeyo oo uu ka tanasulo colaadda uu u qalab aruursanayo. Waxay ahayd inuu dariswanaagnimada u durbaan tumo oo uu abuuro jawi is-kaashi iyo mid horumarin guud. Waxay ahayd inuu bulshada reer Puntland gaarsiiyo saman nabad, barwaaqo iyo baraare oo ay ka faa’iidaystaan kheyraadka dalka.

Nabadda waxba laguma doorsan karo, siyaasiga nabad ku taliyana isaga ayaa inta kale kasoo harin.

Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - Ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.