Bishan barakaysan, Umadu marabtaa inay danbiga iska Dhaqdo?

Dr. Ahmed Abdulahi (Keydmedia) - Bisha Ramadaan waa bisha uu Ilaahay ugu talagalay umadu inay danbiyadii iyo xumaantii ka dhacay 11bilood ee kale iska dhaqdo. Xoojisana xiriirka ay laleedahay Ilaahay (swt) kuna toosto jidkiisa iyadoo heshay raxmadiisa, danbi dhaafkiisa, raali ahaanshihiisa.
Faallo Keydmedia Online
Bishan barakaysan, Umadu marabtaa inay danbiga iska Dhaqdo?

Waana bil larabo inay qofka muslimka u noqoto tababar uu kubarto adkaysiga, sabarka, horumarinta nafta, naxariista, dareenka wanaagsan, samafalka iyo cadaadinta jirka. Sidoo kale waa bil larabo qofka muslimka ahi inuu sifiican ugu tababarto dabeecadaha wanaagsan sida runta, daacadnimada, niyada sare, toosnaanta iwm.

Arimahas oo dhana waxaan ka arkaynaa Rabbi (swt) inuu muslimiinta faray inay kasoomaan maalintii oo dhan dhamaan waxay naftu jeclayd (cunto, cabitaan, galmo iwm).

Taasina waxay baraysaa sabarka, adkaysiga iyo sida uu naftiisa u qasbi karo, haduu dadaalana uu ugaarsiin karo meel aad usaraysa.

Waxaa kaloo lafaray qofka muslimka ahi inuu sifiican u cibaadaysto, Qur´anka aad u akhriyo, sadaqada aad ubadiyo, xumaan oo dhana kafogaado, xataa haduu qof caayo ama aflagaadeeyo inuusan cay ugu jawaabin, balse uu kuyiraahdo (anu waan soo manahay).

Hadaba arimahaas oo dhani waa kuwo larabo inay gaarsiiyaan qofka muslimka ah inuu dhaafo darajadii askarinimada una daloco sargaalnimo, haduu kuguulaysto inuu sifiican uga barmooso imtixaankii soonka, haduuna kabarmoosina waxaa hubaal ah inuu halkii hoose wax badan sii fadhin doono.

Sidaa darteed dadka soomaa waa sadex qaybood:

  • Qayb kasoonta cuntada iyo cabitaanka, balse aan kasoomin xumaantii kale sida beenta, xanta, cayda, aflagadada, xatooyada iwm, (waxay kasoomeen wixii soonka kahor xalaasha uahaa, waxayna ku afureen wixii markasta xaraanta ka ahaa).
  • Qayb kasoonta cuntada iyo cabitaanka, kana ilaalisa carabkeeda xumaanta oo dhan, kuna mashquulisa jirkeeda cibaadada Ilaahay.
  • Qayb kasoonta cuntada iyo cabitaanka, kana fogaata xumaanta oo dhan, jirkeedana aad ugu mashquulisa cibaadada Rabbi (swt), qalbigeedana kabuuxisa xasuusta iyo jacaylka Rabbi (swt). Waana qaybta sida saxda ah usoontay, iyagoo aad ugu dhawaada xaalada Malaa´igta, aan waxba cunin, waxba cabin ee shaqadeedu tahay kaliya inay Ilaahay si sax ah u caabudo.  

Talaabada ugu horaysa ee qofku uu kaga faa´iidaysan karo khayrka bisha Ramadaan ee barakaysana waa inuu layimaado Niyo adag oo toosan, qalbi saafi, duco badan iyo dadaal dheeraad ah.

Maxayeelay bisha Ramadan waa xilli barwaaqo oo uu uda´ayo muslimiinta roob usida; naxariis, danbi dhaaf, naar kaxoraw. Xiliga barwaaqadana waxaa kafaa´iidaysan kara oo kaliya cidii sifiican ugu diyaar garowda, qalab-keedana sii diyaarsata, qofkaan udiyaargaroobina waxaa laga yaabaa inuu si dhibyar u dhaafo isagoon waxba kafaa´iidaysanin.

Bisha soonku waa waqti aad qaali uah, qiimaheedana aan lasookoobi karin, shaykastoo qiima sare lehna, dadka inyar baa  haaban karta/ kafaa´iidaysan karta, inta badana iyagoon wali dareemin buu dhaafaa.

Furasadii mar kaa fakataana waxaa dhici karta inayna markale kuusoo laabanin.

Hadaba bisha soonka ee barakaysani ma afraada unbay utahay furso ay Ilaahay ugu dhawaadaan mise bulshaduna wey kafaa´iidaysan kartaa?

Jawaabtuna waa Haa, oo waxaa hubaal ah inay khayrka iyo raxmada bisha soonka kafaa´iidaysan karto umadii/ bulshadii kafogaatay khayrkii, xaqii, cadaaladii iyo samefalkii ay kugaari lahayd raali ahanshaha Rabbi (swt). Oo Soonku wuxuu umada barayaa;

  1. Midnimo iyo isku duubnaan, oo Rabbi (swt) markuu soonka farayay wuxuu yiri (Hooy kuwii Alle rumeeyaw…) wuxuuna rabaa umad midaysan, isku duuban, haysana haljid ah oo kaliya. Hadaan taa lahelin oo umadii loo kala googooyo koox-koox, gobal-gobal, land-land iwm, waxaa hubaal ah soonlkii inuusan yeelanaynin dhadhan wanaagsan sida hadaba nahaysata. Oo markii lawaayay umad midaysan isku duuban, oo iska kaashata dhibka iyo masaa´ibta waa lahalaag-samayaa, jabka iyo xumaantuna waxay nooga imaanaysaa dhinac kasta.
  2. Raxmad iyo is cafin; oo ah macnaha usareeya ee soonku uu nabaraya, inay Muslimiintii oo dhani iskusi usoomaan, Rabbigoodna aad u baryaan, cafis iyo danbi dhaafna weydiistaan. Waxaana waajib ah intayna Rabbigood cafis weydiisanin inay iyagu iscafiyaan, isu naxariistaan, gacmaha is qabsadaan, dulmiga iska dhafaan. Maxayeelay Ilaahay wuxuu cafiyaa kuwa iyagu si cafiya, wuxuuna u naxariistaa kuwa iyagu isu naxariista, wuxuuna ka aqbalaa cibaadada kuwa iyagu iskaalmeeya, is aqbala, ee aan isdilin, is muquuninin, is inkirin.

Lasoco Q.2aad

Dr. Ahmed Abdulahi - Keydmedia Online - Germany




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.