Boob & Bililiqo waa soo jireen | Qaybta 1aad

Abdulkadir Osman “Aroma” (Keydmedia Online) - "Daaraha xusuustiyo, hadba midab la doortiyo. Diirka lagu mariimoo, shanta daadsan yaaliin. Deeqdaas la yaabka leh, duco waalid soo hoyn. Carshigana kasoo degin, dal shisheeye loo tegin. Duullaana loo gelin, ninka weel darsanayee. Digashada saboolkiyo, ku darsaday bareeraha. Miyaan eedi daba ool, godobtiisu dedanaa." Tixdii M. W. Hadraawi.
Faallo Keydmedia Online
Boob & Bililiqo waa soo jireen | Qaybta 1aad

Qofka qaba cudurrada dhimirka marka laga tumo saarka oo ay jiibka iyo jaanta isla helaan ‘calaqadka iyo caawiyaashiisu’  wax baa ka dhex guuxa, markaas baa calaqadku yiraah daawadii waa la helay oo waxaa ka dhex hadlay “jin ama rooxaan ama fiqiburaale” taasi waa ninba xeeladi ku xoogsay. Marka loo kuurgalo habdhaqanka bini-aadamka, waxaa la ogaaday kali ama koox  waxaan muuqan inay ka dhex guuxayaan.

1990kii kadib hirgelintii nidaamka “New World Order” adduunka oo dhan waxaa ka dhex guuxaya “Internet iyo afkaar Ameerikaan”. Xisbullaah waxaa ka dhex guuxaya Iiraan iyo afkaartii Ayatullaah Khoumeyni. Daalibaan waxaa ka dhex guuxaya Al-qacida iyo afkaartii Usma bin Ladin.

Madaxda Shabaab waxaa ka dhex guuxaya Somaliland oo hadafkeedu yahay inaan reer Koofur degin si loo aqoonsado. Jubbaland waxaa ka dhex guuxaya Puntland. Somaliland waxaa ka dhex guuxaya Isaaq-land. Puntland waxaa ka dhex guuxaya gacansarreyn Maxamuud Saleemaan.

Madaxweyne Goboleed waxaa ka dhex guuxaya dardaarankii RW Miles Zenawi ee ahaa in Soomaaliya noqoto maxmiyado yaryar oo deegaan qabiil ku dhisan. Aljazeera TV waxaa ka dhex guuxaya Amiirka Qatar. Universal TV waxaa ka dhex guuxaya Puntland iyo belaayo hurin.

22kii sanee fowdada qaamuuska siyaasadda Soomaaliya waxaa kusoo kordhay erayo tiro badan waxaa ka mid ah “four point five, looma dhamma iyo wallee cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyey”. Caleemosaarkii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, durbadiiba waxaa ka horyimid mucaarad hadafkiisu yahay “wallee cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyey”.

Dhowr jaho ayaa dagaal iyo cuuryaamin looga furay waxaa ka mid ah: (Sicir-barar iyo sarifkii dollar oo hoos u dhacay, shirka Jubbaland, kufsiga haweenka, musuqa garsoorka, maxaabiis xabsiyada laga la baxay oo meydkooda xaafadaha la waray, canshuurtii qaranka oo shaqsiyaad qaataan, dastuur qodobadiisa lagu muransan yahay, xildhibaanno lagu naaneysay “fadlan lacag ku shubo”, jineraallo jaahileen ah oo hoggaankii ciidammada ku-hor-gudban, hadal-haynta hantida la kala haysto iyo jallaafooyin badan oo biyadhacoodu yahay dowlad ma jirto hadday jirtana maamulkeedu ma dhaafsana Banaadir ilaa Beledweyne).

Maamulka Xasan Sh. Maxamuud wuxuu la mid yahay qof afarta addin ka dabran oo laga doonayo inuu horyaal ka noqdo orodka Marathon-ka, taasina waa maan-gurracan iyo garasho-jaan.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud in la mucaarado dad baa waajib u arka, aragtidooda waa dembiile mudan in la deldelo oo sababtu maxay tahay? Siyaasi kastoo loo doorto Madaxweynaha Ameerika waajib uusan ka baaqsan karin waxaa ku ah inuu marka hore tago Qudus oo lasoo khaliifo, madaxana loo saaro koofiyadda Yuhuudda, hadduusan koofiyadda dhunkan oo amarka Yuhuudda qaadan maamulkiisu ma shaqeyn karo.

Sida muuqata hidde-dhaqan soo jireen ahaa ayaa Madaxweyne Xasan jebiyey, sababtoo ah maalintii la doortay ma tegin Garoowe oo kama soo tuf iyo tahliil qaadan Puntland isla markaana RW uma magacaabin siyaasigii Faroole soo xulay. Madaxweyne Xasan wuxuu gees-maray oo ka tallaabsaday shinsigii Puntland ka rejeyneysay Budbud iyo Biyo-cado ee nuxurkiisu ahaa markasta in mudnaan gaar ah la siiyo. Sidaas awgeed Madaxweyne Xasan waa dembile dilkiisu xalaal yahay.

Sida la tuhunsan yahay oo hadal-hayntu u badan tahay, mushkiladaha maamulka Xasan ku furan waxaa laga soo maleegay Garoowe, faafinta iyo buunbuuninta waxaa qandaraas lagu siiyey Uni-TV. Milkilaha Uni-TV oo ah Banaadiri waxaa loo aqoonsanaa ganacsade ka madaxbannaan xurgufta iyo loollanka ka dhexeeya Soomaali Maryooley, wuxuuse hadda lugaha la galay dhiiqada. Uni-TV wuxuu u eg-yahay mid u adeega Puntland, malaha markii horeba iyaga ayaa maalgeliyey.

Xantu waa badan tahay: sheekaa leh Uni-TV asalkii hore waxaa lahaa Baariyow oo agoontii ayaa laga dhacay, oo hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho. Sheekaa leh Uni-TV milkiyadiisa rasmiga ah waxaa iskaleh curadka Faroole. Sheekaa leh Uni-TV waxaa iskaleh ganacsato reer Puntland ah oo milkiile ku sheegu waa “cover” magaciisa lagu shaqeysto. Sheekaa leh waa tabcane la tababaray  amase waa seedi la sidkay amase si gaar ah ayaa loo gunneeyey.

Maalmahaan waxaa diiradu saaran tahay oo Uni-TV joogteeyey baahinta barnaamij loogu magacdaray “hantida la kala haysto”. Dad baa dugaag iyo diirato lagu suntay, dadna dulmaneyaal xaqoodii xoog lagu haysto ayaa lagu sheegay.

Si muqaalka barnaamijka loo qurxiyo dadka dugaagga iyo diiratada lagu sheegay, weriye ku hayb ah ayaa daadihinta barnaamijka loo xilsaaray. Weriyaha oo madaxa loo geliyey koofiyadda dheer ee xujeyda Nigeria waa taltaliini ku wanaagsan tebinta warka, waa xariif kara warka mase kaso macnaha warka.

([url=http://www.youtube.com/watch?v=WM4or1TomiI]http://www.youtube.com/watch?v=WM4or1TomiI[/url]. Arag sida loo siyaasadeeyey beenta qaawan).

Waayadii hore wiilka dhasha, canshuur la yiraah SAMAYO ayaa laga bixin jirey oo la siin jirey shaqsiyaad guryaha umulaha ka qaraabta. Sebenka danaysiga waxaa soo ifbaxay awrkiraale cusub oo la siiyo SAMAYO waxaana lagu naaneysay “aan ku dhahee dhuunta ii qoy, afka ii buuxi aan eed ku galee” (Call-box or pay as you go simcard). Dad lasoo xulay oo dulmaneyaal lagu sheegay ayaa barnaamijka lagu martiqaaday, dadkii lagu sheegay hororka hantida islaameed xoogga ku haysta, inay barnaamijka ka qeybgalaan waa loo diiday.

Waajibaadka warbaahinta waxaa ka mid ah tebinta warar dhexdhexaad ah oo labada dhanba la wareystay. Uni-TV wuxuu dhowaan baahiyey wareysi uu Bosaaso uga soo qaaday Mudane Cambacambe oo sheegtay inuu yahay milkilaha Hotel Degel oo ku yaal km4 Xamar, balse xogwareysi iska-daaye xataa magaciisa lama xusin Mudane Daahir Bekiin oo hadda gacanta ku haya Hoteel Degel, taasi waxay muujineysaa dhan u xaglin iyo warbaahin aan la dheellitirin. Mr George Orwell qoraagii caanka ahaa wuxuu yiri “All men are created equal but some are more equal than others".

Saxaafada haddii si xun loo adeegsado waa sun sumcadda disha. Dadka Uni-TV u gefay waxay xaq u leeyihiin marka hore inay sharciga u dacwoodaan, marka labaadna inay qaadacaan gebi ahaanba adeegga Uni-TV, sida xayeesiinta. Gef iyo gardarro waa arrin lagu yaqaan Uni-TV oo hore ayuu ugu gefey reer Jabuuti iyo reer Somaliland.

Mowqif cad ayey ka qaateen oo deegaankooda waa ka mamnuuceen Uni-TV, sidaas oo kale dadka loo gefey ee dugaagga iyo diiratada lagu tilmaamay waxaa la gudboon inay warbaahinta Uni-TV ka joojiyaan deegaankooda.

Kudhaa barigiisa,
Kamsuma agteeda,
Xaalufinta keynta,
Keenyaanka dantiisa,
Kablalaxa shiraaya,
Maamulka Kismaayo,
Kaalinta Garoowe,
Sidii kontonkii,
Kadeedka dadweyne,
Kikuyo jaceylka,
Midnimo kadabgoynta,
Kolley soconmeysee,
War-ka-jooga tolow.

Xisbiyada Ameerika waxay isla ogol yihiin isreeb-reebka in musharaxiinta loo qabto Talaadada tartanka ugu dembeysa “Super Tuesday” isla markaana doorashadu dhacdo Talaadada ugu horreysay bisha Nofember. Waxaa jirta been bulshada Soomaalidu isla ogoshahay oo ku saabsan noloshii jirtay dagaallada ka hor. Sanadaha fowadada, geel-jire u dhashay (MODH = Mareexaan - Ogaadeen – Dhulbahante) hadduu ku faano waxaan ahaan jirey “G/sare ama Jineraal” laguma yiraah weligaa ciidan ma qoran oo geel baad ku ilaalin jirtay miyiga Buuhoodle ama Cabudwaaq ama Qorraxay ee waa loo rumeeyaa derajada uu sheegtay.

Waxaa la mid ah bayhoof Banaadiri ah oo Ceelgaab ka dawarsan jirey ama Xamar-Weyne bur-saliid iyo bejiye ku shiili jirey hadduu ku faano “laba dukaan oo dahab ah ayaan lahaan jirey oo lamadii meemen Hawiyaa ustay” laguma yiraah weligaa hanti ma yeelan oo waad tuugsan jirtay ama bejiye ayaad iibin jirtay ee waa loo rumeeyaa dahabka uu sheegtay in laga dhacay.

Beenta beryahaan soo ifbaxday waxaa ka mid ah, dadkii Koofurta kasoo qaxay 1991 qof kasta wuxuu ku andacooday (waxaa xoog la iiga haystaa: toban guri iyo 2 aseendo iyo 5 tareelle, dahab iyo dollarna waa layga dhacay) waa runtood oo waxay mudan yihiin in loo rumeeyo sida dawarsadihii dukaanka dahabka ah lahaan jirey.

Sii Aqriso Qeybta Labaad ee Qoraalka - Halkaan Guji

Abdulkadir Osman “Aroma”
Shirwac55@hotmail.com


Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url] | Editorial Desk




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.