Burburka dowladnimada

Faallo Keydmedia Online

Shirka Jaraa’id ee RW Roble iyo Madaxweynayaasha DG iyo Guddomiyaha GB oo ku sidkan DF qabteen shalay wuxuu daboolka ka qaadayaa burburka dowladnimada Soomaaliya, ayadoo na tusineysa marin habaabka RW Maxamed Xussein Roble iyo Madaxweynaha Galmudug.

Burburka dowladnimada

Shirka Jaraa’id ee RW Roble, Madaxweynayaal Laftagaren, Qorqor, Guudlaawe, iyo Guddomiye Cumar Finish ay shalay oo ah 9 Jennaayo 2021 wada qabteen wuxuu ahaa mid madax iyo dabo go’an, aad u qaab daran, wuxuuna daboolka ka qaaday:

1. Mintidnimada Madaxweyne Farmajo iyo Agaasimaha Nabadsugidda. Fahad Yaasin oo talada iyo awoodda dalka qabsaday;

2. Aqoonsiga jiritaanka iyo xal la’aanta khilaafaadka ku saabsan doorashada 2020-2021;

3. Ku dhawaaqidda hirgelinta doorasho aan heshiis lagu aheyn;

4. Marin habaabka RW Maxamed Xussein Roble iyo Madaxweynaha Galmudug;

5. Diidmada Madaxweyne Farmajo iyo Agaasimaha Nabadsugidda Fahad Yaasin in Golaha Wadatashiga Qaranka, wakiillada bulshada Ra’yidka, Midowga musharrixiinta xilka Madaxweynaha, iyo mucaaradka, iyo beesha caalamka isugu yimaadaan shir looga wada hadlayo xallinta khilaafaadka la xiriira habka hirgelinta habraaca doorashada dadban;

6. Dheg ka fureysiga dhammaan baaqyadii beesha caalamka, IGAD, iyo waxgaradka soomaaliyeed;

7. Fidinta iyo kicinta xiisadaha siyaasadda ee ka taagan Soomaaliya;

8. Hurinta colaadaha ka aloosan Jubbaland, Gobolka Benadir, Hirshabelle iyo kala qaybinta dowlad goboleedyada;

9. Karaama dhaca Madaxda qabatay Shirka Jaraa’id;

10. Burburka dowladnimada Soomaaliya

Dr. Maxamud M. Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.