Caalin Sharafdaradu Asagey kaligiis ku tahay!

Naciimo Warsame (Keydmedia) - Madaxweyne Maxamad Axmad Caalin wuxuu ka duday inuu soo fariisto Shirkii Istanbul. Waa dhiillo haddii "Madaxweyne" ka biyadiido inuu soo fariisto Shir laga casumay. Madaxweyne wax yar kama dudo ee muxuu Caalin ka duday?
Faallo Keydmedia Online
Caalin Sharafdaradu Asagey kaligiis ku tahay!

Ma cid baa Alfagaadaysa? Ma cid baa Shirka ka horistaagtay? Ma meel uu golaha Shirka ka fariisto ayuu waayey? Ma cid soo dhawaysa ayuu waayey? Ma loo jirxumeeye? Miyuusan xaq u yeelan inuu Shirka ka qayb-qaato? 

Madaxweyne wax weyn buu ka dudaa, haddana ma muujiyo. Arrin Shakhsi wuu ka dudi karaa, hase yeeshee goob ku habboon buu uga xaajoon karaa.

Markii Keydmedia.net ay Dabagal Arrinta dudmada ku samaysay, waxay u badan tahay inay ku salaysan tahay xinif dhexmartay Madaxweyne Caalin iyo Madaxweye Tiicey. Nin walba waa "Madaxweyne" oo deegaankiisa ayaa soo doortay, nin waalbana rayad buu noqon doonaa marka bulshada deegaanku xilka ka wareejio oo cid kale Madaxweyne u doorato.

Caalin wuxuu Madaxweyne u yahay reer Gaalmudug, kaasoo ah cidda soo doortay. Muddo ayuu xilka sii hayn doona  ilaa xil-hayntiisii soo ebyoonto muddii xilka loogu  oo isga ayaa dib loo dooran ama cid kale ayaa lasoo dooran.

Sidoo kale, bulshada ku nool  Ximan Iyo Xeeb waxay soo doorteen Madaxweyne Tiicey. Lama oran karo Ximan Iyo Xeeb ma jiri karto haddaan Mahiga aqoonsanayn .Haddii dudmada Caalin ay sidaad ku salaysan tahay, waa arrin khusaysa isaga oo keliya ee lama qabto Bulshada deegaanka Galmudug, inteeda kale.

Ma ahan in Madaxweyne ka dudo waxa Geeljire ka dudo. Ma ahan inuu arrin Shakhsi keeno goobta Shirka oo cid waliba joogto. Waxaa laga yaabaa in Caalin u qaatay in Shirku ku kooban yahay sixiixeyaashii tubta nabadda. Taas Alle waa naga xoreeyey oo shirka Istanbuul wuxuu jideeyey in arrin kasta oo kusaysa danta Soomaaliyeey, ay u siman tahay dhammaan bulshada qaybaheeda kale.

Waa Su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.