Cadowyada ‘Qarsoon’ ee ay leedahay DFS

Cabdullahi Ibrahim Cumar (KON) — Kadib markii aan muddo badan Insha ku hayey xaaladaha ay ku sugan tahay Dowladda Federaalka iyo waliba caqabadaha ka haysta dhinacyada Amniga Siyaasadda iyo la wareegidda talada Dalka, waxaa ii soo baxday in ay Dowladdu leedahay Labo cadow oo kala daran, Cadow Muuqda iyo mid Qarsoon.
Faallo Keydmedia Online
Cadowyada ‘Qarsoon’ ee ay leedahay DFS

Labadan cadow ee aan soo sheegnay ayaa kala ah mid muuqda iyo mid qarsoon, waxaana isku dayi doonaa inaan mid kasta sharxo Anigoo xooga saari doono cadowga Qarsoon maadaama uu yahay Mowduuca aan kaga hadlayno Maqaalkan si loo fahmo dhibaatada haysta Dowladda Federaalka.

Cadowga Muuqda
 
Cadowga Muuqda ee ay leedahay Dowladda Federaalku waa Xarakada Al-shabab oo wareedu cad yahay, waxa ayna Dowladdu isku hayaan cidda maamulaysa Dalkan inkasta oo lagu kala duwan yahay sida loo maamulayo iyo waxa lagu maamulayo.

Xarakada Al-shabab ayaanan qarsan cadaawadda ay u hayso Dowladda Federaalka iyo Maamulada kale ee dalka ka jira,Waxa ayna markasta ku celcelisaa in ay xukunka ka tuuri doonto Dowladda.
 
Maadaama uu cad yahay dagaalka ay Xarakada Al-shabab kaga soo horjeeddo Dowladda Federaalka iyo Saaxiibadeeda uma baahnin inaan wax badan faahfaahino colaadda ka dhaxeysa Labadaas dhinac waayo Qof kasta waa uu og yahay dagaalka ka dhaxeeyo Dowladda iyo Al-shabab.
 
Cadowyada Qaroon
 
Cadowyada Qarsoon ee ay leedahay Dowladda federaalku waxa uu ay u qeybsamaan ilaa Sedex Qeybood, Oo aan mid kasta dib ka faahfaahin doono Anagoo keeneyna tusaalooyin cad cad oo muujinayo cadaawadda ay u qabaan dhinacyadaasi Dowladda, Waxa ayna kala yihiin sidatan.
 
- Maamul Goboleedyada (Buffer Zones)
- Dowladaha Dariska
- Ururada loo yaqaano NGO-yada

1- Maamul Goboleedyada
 
Maamul Goboleedyada ka jira dalka waa codowga qarsoon ee hortaagan in ay shaqeyso Dowladda Federaalka,Waxa ayn had iyo jeer ka shaqeeyaan sidii loo fashilin lahaa dadaalada ay waddo Dowladda Iyaga oo u adeegsanayo Dowlado cadow ku ah Dadka Soomaaliyeed.

Maamuladan ayaa mararka qaar sheego in ay jecel yihiin in ay xoogeysato Dowladda laakiin marka aad u fiirsato hab dhaqankooda waxaa kuu soo baxaysa in ay yihiin caqabad weyn ku yihiin Dowlaadda.

Tusaale ahaan Maamulka Somaliland waxa ay sheegaan in jecel yihiin in ay dego Koonfurta Soomaaliya,Sidoo kalena ay dhibaatada ka baxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaasi laakiin hadana ma jeclo Maamulkaasi in ay xoogeysato Dowladda Federaalka, Iyagoo u arko haddii ay xoogeysato Dowladda in ay qatar ku tahay gooni isutaagooda, waxaana tusaale u ah qayladii ka baxday Maamulkaasi markii Dowladda laga qaaday cunaqabateyntii hubka.

Puntland ayaa ah cadowga ugu mu




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.