Cagafcagafyada Dalka lagu Burburinaayo!!! (Hoogaamiye Kooxeedyada casriga ah)

Haaji Seeko (Keydmedia) - Ma is tiri akhriste in ay jiraan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo iminka ku jira booskii cagaf cagafyayada? Ma rumeesneed in dad magaca Soomaali wata darajana Dalka in ay u hayaan sheeganaya ay joogaan booska cagafcagafyada ee beer qodaalka, oo dhinac xun loo adeegsado?
Faallo Keydmedia Online
Cagafcagafyada Dalka lagu Burburinaayo!!! (Hoogaamiye Kooxeedyada casriga ah)

Ma maqashay magacyadan iyo kooxahan sida: Amisom, Shabaab, TFG, Godane,Ex Prof. Gaandi, Shonqole, Xasan Daahir, Ex G.B Shariif Xasan, maxay kala yihiin shaqsiyaadkan iyo kooxahan aan soo sheegnay ? Bal aan ku barano Sadarada hoose.

Amisom

Waxaa loogu yeeraa nabad ilaaliyaal, waxay xasuuqaan Shacabka, waxay dumiyaan oo burburiyaan magaalada cidna lama hadasho, laakiin waxay wakiil ka yihiin QM iyo Maraykanka oo labaduba doonaya  in ay kheyraadka baaxada leh ee Soomaaliya adeegsadaan, waxaana ay u taagan tahay u gogal xaarida QM iyo Maraykanka, waana taas sababta ay maalin walba u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed.

Shabaab

Waa ajaanib isu tagtay oo dantoodana ay tahay in Soomaaliya laga dhawro xasilooni, waxaana ay golgol xaar u yihiin Al-qaacida, Gaangistaro iyo kooxo ku caan baxay muqaadaraakada oo dunida daafaheeda ku kala sugan, waxaana qorshaha ugu weyn ee shabaab uu yahay in Soomaaliya laga sahmiyo beero xashiishka lagu beero si kooxaha muqaadaraadka ay u helaan fursad dhaqaale abuurid.

Godane

Waa laba Shaarle ujeedooyin is weedaarsan ka fulinaya Soomaaliya, waa mare wuxuu wakiil ka yahay beesha Isaaq ee isku magacawday Somaliland taasoo u egmatay inuu qas iyo fowdo ka wado koonfurta si aanay u soo laaban midnimadii ummadda Soomaaliyeed.

Waa mar kale waa dulaalka ajaanibta wajiyada badan ee shabaab waxaana uu ka dhaadhiciyaa kooxahaasi in Soomaaliya halka ugu fiican ay tahay koonfurta isla markaana aan loo baahneyn in loo hanqal taago gobalada waqooyi isagoo reer tolkiis u daneynaya.

Shongole

Fu’aad Shonqole waa nin ka soo jeeda beesha Majeerteen ee maamulka Bari dugaashata, waxaana ajandihiisa uu yahay in Majeerteeniya ay noqoto buda gooni u tuman isla markaana isaga iyo xertiisa ay fowda iyo dhibaato ka wadaan Koonfurta Soomaaliya, waxaan Shonqole xiliya kale duwan ay isku dhaceen Godane oo ay kala ujeedo yihiin isla markaana ay isku doon saaranyihiin.

Xasan Daahir Aweys

Xasan Daahir Aweys xiliyada qaar waxaa lagu naaneesaa Shiikh, waa korneel hore ciidamada xooga Dalka ka tirsanaa, waa aas-aasihii Al-itixaad, sanadba kan xiga afkaartiisa waa ay sii xumaaneysa, iminka halkii ugu dareed ayuu jooga, waa cagaf cagaf gaboobay oo leyska tuuray, waxaa loo adeegsaday leynta reer tolkiis( Hawiye), waxaa laga takooray ehelkiisa, waxaana lagu abaal mariyay nolal aan xabsi dhaamin.

Ex Prof. Gaandi

Waxa u sheegtaa Profeesoor hase yeeshee cilmiga muhimadiisu waa in qofka uu garansiiyo xumaha iyo samaha, Gaandi isaga oo sheeganaya aqoonyahan wuxuu garan waayay danta Dalka iyo dadka waxuuna ka door bidey Dogaal O’oge casri ah.

Waxa uu aqbalay isagoo faraxsan inuu midiidin u noqdo dowlada Faransa danteedana uu ka fuliyo Geeska Afrika, wuxuuna ku dhawaaqay wax loogu yeeray Maamul gobaleedka Asaaniya, kaasoo lagu sheegay inuu ka talinayo gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Daaha gadaashiis marka la aqriyo waxaa muuqaneysa in Faransa ay dooneyso dano gaar ah in ay ka fushato iyadoo gurbaan ka dhiganeysa Gaandi iyo xertiisa..

Waalida Gaandi iyo Faransiiska waxaa ku horgudban Alshabaab oo ka talisa iminka dhamaan gobalada loo gurbaan tumanaya, waxaana adkaan doonta in Gaandi oo magaca beesha Ogaadeen laf ka mid ah wata inuu ka lib gaaro deegaanadaasi.

Shariif Xasan - Hogaamiye kooxeedka Casrigan

Waayaha dunida xiliba sheeka ugub ah ayeey la soo ifbaxaan, waxaana iminka Soomnaalida ay ku baraarugtay curashada hogaamiye kooxeed cusub, kani lama mid ahan kuwii hore ee hubka adeegsan jiray, kani waa ganacsade boorsooyin madmadow adeegsanaya, waa nin ku haminaya caqliyada bani’aadamka inuu lacag dhaafsiisto, waa nin diidan qof walba oo fakaraya isla markaana isku daya inuu curyaamiyo isagoo lacag adeegsanaya.

Wuxuu noqday oo dhaqaale ka soo tacday wasaarada maaliyada, wuxuu ku soo talaabsaday kadib markuu lacag badan bixiyay gudoomiye Baarlamaan, waxaa uu maanta joogaa hogaamiye kooxeed isagoona bari haminaya madaxweyne qaran.
 

TFG-DA

Waa mid ku hoos jirta dharaar iyo habeen taangiyada Amisom,waxa ay ku sugan tahay wax ka yar 5 degmo oo ka tirsan caasimada iskaba daa gobalada Dalka, loomana baahno in ay horumar sameyso waayo waxaaba iminka la diyaarinaya shaqsiyaadkii lagu badali lahaa kuwaasoo magacyadooda iminka ay yaalaan xafiisyada QM ee Nairobi iyo New -York.

Mudadii ay jirtay maalina daryeel uma fidin danyarta Soomaaliyeed, waxaana ay ka badin weysay is heysad iyo khilaaf dhexdeeda ah, hala rido hogaankan, looma dhamo, motion halaga geeyo iyo erayo kale dhagaha shacabka saacad walba ayeey uga yimaadaan dhanka TFG-da.

Mustaqbalka

Sida muuqata koox walba oo ka mid ah cagafcagafyada marka laga gaaro danta laga leeyahay waxaa loo dayici doonaa sida Moorgan, Cusmaan Caato iyo Abdullahi Yusuf oo kale. Waxaana ay ku soo dhici doonaan gayi cidla ah.

Aan wada dhawrna jawaabta waqtiga iyo waayaha ay ka bixiyaan cagafcagafyada Soomaaliya ee xiligan iyo halka mustaqbalkooda ku danbeen doono, waaba hadii ee leeyihiin Mustaqbil....

Abudlkarmi Haji Seeko - Keydmedia Correspondent

_____




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.