Cali Khalif Galayr: Nin Dalkiisa Nacay oo Dab ku Shidaayo waa Doqon!

Dr. Ali A. Hirabe - Soomaali nabadeeda waxaa hortaagan Doqon wax magarad ah, haddii aad dhageeysato Cali Geedi iyo Cali Khaliif oo beryahan banaanka isa soo dhigay waxaad arkeeysaa in tilmaamihii Abwaanka sheegay in aay leeyihiin...
Faallo Keydmedia Online
Cali Khalif Galayr: Nin Dalkiisa Nacay oo Dab ku Shidaayo waa Doqon!

Waxaan inta akhrineeysa qormadaan la jeclaaday Gabaygii uu tiriyay Abwaan Cabdi dhuux oo ahaa Allow Doqon hanaga dhigin, In eey si wanaagsan u dhuuxaan iyo raga uu ka hadlaayo.

Maareeyaha Somali National Theatre ee magaalada Muqdisho, waxuu dhahay abwaanka asaga oo fasiraya dhibka dalka Somali raga hortaagan dabeecadahooda:

Nin Dagaal jecleystoo nabad diidey waa doqon.
Nin walaalkii dilayoo deeysan waayey waa doqon.
Dhismo wacan nin dumiyoo daawanaayo waa doqon.
Waxaan duxi ka-raaceen nin ku daaley waa doqon.
Nin dhulkiisa dahab yahay dawar-sanaayo waa doqon.
Diint iyo ku dhaqankeed nin dafiraayo waa doqon.
Nin dalkiisa nacayoo dab ku shidaayo waa doqon.
Damiir laawe qaa’in ah nin difaacay waa doqon.
Nin dhiig daadinaayoo xil ku doonaayo waa doqon..
Hadba dabinka loo dhigo nimaan garan waa doqon.
Nin la soo diraayoo wax dareemin waa doqon.
Dadka ninmaan u turinoo dugsanaayoo waa doqon..
Ninka malab ka du-daayoo dacar leefay waa doqon.
Nin asagoon dabaal baran dalaq yiri bad waa doqon.
Nimaan laba daarood u dadaalin waa doqon.
Nin asagoo dambiila ah is daahiraayo waa doqon.
Nin dariiqii nabiga (scw) ka dayoobey waa doqon.
Danta guud ahaaneed nin iloobey waa doqon.
Danta gaar ahaaneed nin dayacayna waa doqon.
Nin  Dar xumo arkaayoo damqan waayey waa doqon.
Dar I-llaah nin loo wacoo dulmi moodey waa doqon.
Markuu cadoowga dagan yahay ninkii daaya waa daqon.
Waxaa lagu duceystaa Allow doqon hanaga dhigin Aamiin.

Dagaalka Cali Kahliif waxuu bilowday xiligii Prof. Xassan noqday Madaxweeyne Calina waayay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka, xafladii cashada aheeyd ee uu u sameeyay Prof. Xassan ragii la tartamay waxaa goobjoog ka ahaa Cali Khaliif oo lagu casuumayay asaga oo aanan ka mid aheeyn ragii u tartamayay xilka madaxweeyne ujeedka loo casuumay waxaa aay aheeyd in uu fahmo xaqiiqda meesha laga yimid iyo meesha loo socda oo aheeyd in kumeelgaar laga guuray loona guuray Dowlad dhab ah.

Habeenkaa Cali Khaliif iyo Axmed Samatar waxaa loo arkaayay Labadaaba in aay yihiin Ragga ugu horeeya ee mucaaradnimada bilaabi doono xaqiiqdii waa aay dhacday, waran aad filaneeysid welweol ma laha.

Waataa Axmed Samatar ka tagay xildhibaanimadii beesha uu ka soo jeeday ee Samaroon iyo xisbigii Hiil-Qaran markii uu ku fashilmay, ragii la aasaasayna xisbiga aay ku wergeliyeen in uu iibsaday sharfii xisbiga maadaama uu bilaabay in uu ka tanasulo midnimada Somali balse goostay in uu bedelay mabda´iisii ahaa midnimada Somali waa xaq.

dib u dhageeyso Cali Khalif xiligii Madaxweeyne Xassan lagu soo dhaweeyay USA iyo xishood laáanta ku kalifatay in uu caalamka u sheego in Xassan uusan qaabileeyn Madaxweeyne Obama iyo inta xilka ka haysa USA.

Xageebay u socdaan Cali Khliif iyo Cali Geedi?

Bal hadana dhageeyso waxaa uu Cali Kahaliif sheegay in Prof. Xassan ka mid yahay Al shabab, sow lama dhihi karo Galayr waxuu gubay kaarkiisii ugu danbeeyay rajana kama laha in uu dib ugu noqdo Somali ,runtii waxaa wanaagsan in talaabo sharci ah laga qaado sabbabta oo ah Cali Kahliif maaha nin shacab ah oo fadhi ku dirir jooga balse waa masuul xildhibaan ah xilna uu ka saaran yahay difaacida Dowlada uu ka midka yahay, hadalka uu ku hadlayne aay tahay mid mudan in uu keeno cadeeyn haddii kale waa in Maxkamad la soo taagaa.

Maaha hadal sahal ah, haddii loo arko in hadalakaa uu yahay mid sahal ah waxaa dhumaya Rules & Regulations, Cali Geedi xil kama hayo dowlada balse waxaa uu la mid yahay shacabka fadhi kudirirka ee cabiraya rayiga uu aamisan yahay wallow hadalkiisa uu ahaa mid Muqdisho u horseedi kara in dib loogu noqdo dagaalkii ah-liga ahaa aragtidiisana uusan marna ku saleeyn in Muqdisho ka wanaagsan tahay manta marka loo fiiriyo xiligii uu r/wasaare ka ahaa dalka ( Sabankii Amxaarad ).

Cali Kahaliif 17/08/2013 waxaa uu gubay kaarkiisii ugu danbeeyay, tallow sidii Axmed Samatar ma iska casili doonaa xildhibaanimada? Waxeey ila tahay in uu Iscasilo doono, Cali Xarare Cali Kahliif waxeey ka siman yihiin naceeybka reer Muqdisho sida aay hadalka isugu jiibinayaan, afar faataxo gaalo ma bixiso balse waxaa uu uga dan lahaa reerka Prof. Xassan oo dhaqan u ah afar faataxo.

Akhristow Sow ma ah Nin aanan xishood la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.