Cali Siciid Xasan oo Waraysi La Yeeshay Mudane Jaamac Cali Jaamac (Daawo Video)

Aragtidada Cabdullahi M. Shire (London) - Keydmedia waxay ku guulaysatay inay gacan-togaalayn ku gaarto halyeyada qaranka oo fara ku-tiriska ah oo weli ku taamaya xal-u-raadinta siyaasadda walaacsan ee Somaaliya!!!
Faallo Keydmedia Online
Cali Siciid Xasan oo Waraysi La Yeeshay Mudane Jaamac Cali Jaamac (Daawo Video)

Jaamac Cali Jaamac wuxuu kamid yahay xulka siyaasiinta weli dalka daacadda u ah. Waa siyaasi ka gudbay soohdinta qabiilnimada iyo gobolaysiga! Qof kasta oo fiirsaday waraysiga uu siiyey Keydmedia, Mudane Jaamac Cali Jaamac wuxuu tibaaxayaa aqoonta uu u leeyahay geeddigii dheeraa ee xornimada loo soo maray, marinhabowga siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed ku habsaday oo weli taagan iyo dambiileyaasha qaran oo weliba u tartamaya xukun-doon dhalanteed ah.

Keydmedia waxaan ugu hambalyaynayaa dhabar-adaygga ay u martay inay la kulanto Mudane Jaamac Cali Jaamac si bulsho-weynta Soomaaliyeed ula socoto inay weli jiraan muwaadiniin weli u taagan sidii ay dalkooda u caymin lahaayeen.

Dambiileyaasha dalka iyo dadka eedda ka galay haddaan la tilmaamin oo farta lagu fiiqin, haddaan buug laga qorin oo maxkamadna lasoo taagin, lama sixi karo arrimaha siyaasadda mustaqbalka, taasna waxaa samayn kara inta nadiifka ah oo u heellan inay dalka samatabixiyaan. Jaamac Cali Jaamac waa nin daacad dadka iyo dalka u ah oo shucuurtiisa waddaninimo aan marna la loodin Karin.

Sidii ay iiga sheekeeyeen rag madax sare ahaan jirey oo muddo dheer ku xirnaa xabbiska Labaatanjirow waxay isku raaceen in xabbiskaasu ka darnaa kii Andrey Solzhinitsyn ku xirnaan jirey toddobaataneeyadii oo uu ka qoray buuggii caanka noqday oo la yiraahdo “The Gulag Archipelago”

Ninka taas soo maray oo haddana u codaynaya dawladnimo xalaal ah iyo qaranimo Soomaaliyeed waa afar iyo tobnaad lagu dhaato!

Haddii noloshu ii saamaxdo, fursadna aan u helo, waxaa jeclahay inaan nolosha Jaamac Cali Jaamac bug ka qoro si loo qaddariyo qofnimada ku duugan iyo miisaanka wadanino ee uu leeyahay.

Keydmedia waxaanu ku boorinayaa inay baadigoobto oo noo soo tabiso waraysi maqal iyo muuqaal isugu jira oo ay lahaan karaan rag kale oo leh culaabta Jaamac Cali Jaamac. Caafimaad qab iyo cimridheer baan Mudane Jaamac ugu hambalyaynayaa, Keydmediyana waan u mahadcelinayaa.

Daawade Cabdullahi Maxamed Shire

Taas waxey aheed Aragtidada Cabdullahi M. Shire oo London nooga soo diray Faaladaan. Mahadsanid!

__________________________________________

Daawo Wareysigii Jaamac Cali Jaamac:




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.