Cali Siciid Xasan oo Waraysi La Yeeshay Sharif Salah Mohamed (Daawo Video)

Aragtida Dr. M. Dahir Abdulle - Qof ahaan, Keydmedia waan u hambalyaynayaa doorka saxaafadda ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya. Keydmedia waa saxaafad dhexdhexaad ah oo bulshada deeqsiisa wartabin ugub ah.
Faallo Keydmedia Online
Cali Siciid Xasan oo Waraysi La Yeeshay Sharif Salah Mohamed (Daawo Video)

Waxay isku-dhaftaa kayd-taariikheed oo isugu jira maqal iyo muuqaal si bulshada Soomaaliyeed ay dib ugu jalleecdo dhacdooyinkii lasoo maray. Sidoo kale, Keydmedia waxay qayb-libaax ka qaadataa baahinta nabadda, hab-wanaagga dawladnimo, u codaynta qaranimada iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed. Keydmedia waxay la loollantaa cadawga ummadda dabar-goynaya- mid dalka ka tirsan iyo mid dibadda ka yimaadaba. Bulsho-weynta Soomaaliyeed way u bogaadisaa, canaasiir tiro yarna way colaadisaa. Saxaafadda ayaaba sidaas ku dhisan tan iyo waagii saxaafad iyo dimuqraadiyad soo if-baxeen.

Jiilka jaamacadaha ku jira ama hadda kasoo qalinjabiyey aqoon uma laha hormuudyada Soomaaliyeed oo ku jira xulka ugu sarreeya indheergaradka nool, marka la baadi-goobayo shakhsiyaad leh keyd aqooneed, hab-wanaag maamul dawladnimo, daacadnimada ay dalka  iyo dadka u hayaan iyo run kasheegidda xaqiiqada siyaasadeed: Mid hore, mid dhexe, midda maanta lagu jiro, iyo malawaalka midda mustaqbalka.

Labo toddobaad kahor, waxaan waqti u helay inaan daawado waraysigii Cali Saciid Xasan u la yeeshay Mudane Shariif Saalax Maxamed. Shariif Saalax waa aqoonyahan qoraa caan ah oo weliba leh hormoodnimo maamul dawlad. Waa macallim xog-ogaal u ah halgankii xornimo doonka, loollammadii xornimo dhalinta iyo xoogaggii xornimo-diidka ahaa, wuxuuna ka qoray buug taariikhda Soomaaliyeed ku tifaftiran tahay oo kasoo bilaabata waayihii dagaalkii 2aad, kuna soo ebyooma ilaa xornimo laga qaato, iyo waayihii intaas u dhexeeyey.

Buuggaas waaxaa la yiraahdaa: (Huddur & The History of the Southern Somalia) Shariif Saalax wuxuu tibaaxayaa dhibatooyinkii mustacmarku dadka Soomaaliyeed soo marsiiyey, waxaana ugu sii darnaa dagaalkii Taliaanigu Itoobia ku qaaday iyo kii Ingiriisku talyaaniga ugala wareegay dhammaan Soomaaliya oo Jabuuti ka maqnayd markaas.

Shariifku wuuxuu xusay sannadihii u dhexeeyey 1941-1945 in hantida dalka Soomaaliyeed iyo cududda ciidanba ay kayd u ahaayeen mustacmarka Ingiriiska sidaas ayuuna ku jabiyey Talyaaniga.

Ciidammada Ingiriiska oo cid waliba ku jirto oo fadhiyey dalka Soomaaliyeed waxay cuni-jireen xoolaha iyo tacabka miraha dalka. Sidoo kale, tacabka beeraha kasoo baxa waxaa loo dhoofin jirey meelaha ciidan Ingiriis joogo oo raashin looga baahdo oo ay kamid ahaayeen Bariga Dhexe iyo Afrikada Bari.

Raashinkaas ciidammada Ingiriiska loo qaadi jirey waxaa kamid ahaa: Masagada, galleyda, digirta iyo sonkorta. Hanti beelkii iyo rag-beelkii jirey waayihii mustacmarka maantaba waa taagan yihiin.

Shariif Saalax wuxuu xusan in dagaal dad rayad ah Muqdisho lagu laayey 11 Jannaaio 1948 uu dhammaa 51 qof, haddana TFG, AMISOM iyo al-Shabaab oo isku dhaca waxay sababaan geeri ka badan tii waagaas dhacday.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka nixi kara nin waayo-arag u ah dhibaatooyinka soo maray shacbiga Soomaaliyeed. Boqolkii sano ee ugu dambaysey ummaddanu waxay soo martay: Xadgudub badan oo mustacmar keenay, haddana waxay ku jirtaa burbur, geeri iyo barakac ay keeneen kuwo mustacmarka la safan haddana sheegta magaca Soomaaliyeed.

Waraysiga Shariif Saalax Maxamad wuxuu cashar lama ilaawaan ah u yahay ardayda Soomaaliyeed oo dhigata kuliyadaha taariikhda iyo saxaafadda. Waxaan ku talin lahaa in la baadigoobo hormoodyada Soomaaliyeed oo Shariif Saalax Maxamed ka midka yahay, kuwaasoo xal waara u noqon kara Ummadda Soomaaliyeed.

Hawlqabadka saxaafadda ee Keydmedia hambalyo ayaan u dirayaa.

Taas waxey aheed Aragtidada Dr. M. Dahir Abdulle oo Stockholm nooga soo diray Aragtidiisi . Mahadsanid!

Noo soo Diray Aragtidaada ama (criticism) oo ku saabsan Barnaamijka Dhacda Ugub Ah.

Daawo Wareysigii Sharif Salah Mohamed




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.