Cali Siciid Xasan oo Waraysi La Yeeshay Xuseen M. Faarax Caydiid (Daawo Video)

Aragtida Prof. Bashir Cilmi Islaw - Waxaan Daawaday waraysigii Keydmedia ay la yeelatay Xuseen Maxamad F. Caydiid, si gaar ah baana ugu hambalyaynayaa sida hawlaha saxaafadda uu Cali Siciid Xasan ugu usoo tabinayo bulsho-weynta Soomaaliyeed oo daawata website-ka Keydmedia.
Faallo Keydmedia Online
Cali Siciid Xasan oo Waraysi La Yeeshay Xuseen M. Faarax Caydiid (Daawo Video)

Aqoon intii xad ah baan u leeyahay qofnimada iyo hawlqabadka Xuseen Caydiid. Runta marka laga hadlayo, Xuseen waa laga runsheegid badan yahay. Axdiga ma dhawro, ballantana ma fuliyo, mana aha nin kasoo dhalaali kara dhaxalka lagu tuhmayo.

Bal fiirsha. Sadex So’aalod oo wariyahu weydiiyey ka ma uu san jawaabin. Mar walba meel an lo dirsan buu diirada saaraa si u raadka So’aasha ugu galgasho.

Xuseen ma yeelan astaamihii Caydiid lagu yiqiin, kamana qaadan doorkii laga filayey inuu qaato markii loo doortay madaxweyne ku-meel-gaar ah.

Caydiid wuxuu mar walba kasoo horjeedey in gumaysi cusub uu xad-gudub kusoo sameeyo dalka Soomaaliyeed. Caydiid 10 casho ayuu mootanaa marka Xabasi kusoo duushay gobolka Garbaahrrey, 1995tii.

Waddaninimada uu dalka u hayey iyo daacadnimada uu dadkiisa u qabay baa u keentay in Caydiid kasbado cadow is-kaashaday oo ay ugu horreeyaan xulufada weli xambaarsan xeeladaha Xabashida iyo Maraykanku wataan oo ku wajahnayd in la burburiyo gobollada koofureed, dad, duunyo, hanti iyo deegaanba.

2da Shariif oo hadda TFG-da hoggaamiya waxaa laga hagaa Addis Ababa, mana samayn karaan wax uusan oggolayn Meles Zenawi.

Xuseen Caydiid wuxuu isu muujinayey inuu yahay muwaadin ka daqnaday dhibaatada Maraykanku ka damacsanaa gobollada koofureed oo Xabashidana loo adeegsaday. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in 9ka gobol ee koofureed  Xabashidu xoog kula wareegto, Maraykankuna naqshaddaas wax ka agaasimay.

In Xabashidu xoog ku qabsato gobolladaas waa fashishilantay, hase yeeshee himilda Xabashidu qabto weli waa sideedii, waxayna u baddalatay inay kala furfurto 9ka gobol ee koofureed oo ay iyadu kor ka maamusho.

Falanqaynta dibu-gumaysiga Somaaliya oo Xuseen kormaray waa wax dhab ah, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin cusub. Sidoo kale, waxaan marna la waayi doonin maangaab Soomaaliyeed oo dugsada awoodda Xabashida oo xukunka afduuba, waxaana kamid ah kuwa TFG-da hadda hormoodka ka ah.

Xuseen Caydiid waa waayo-arag, u leh marinhabawga siyaasadda dhalanteedka ah ee ka aloosan gobollada koofureed iyo hagardaamooyinka cadawgu la damacsan yahay.

Qof qof buu u yaqaan canaasiirta duullaanka ku ah burburinta gobollada koofureed, wayo asba ka mid buu ahaa. Qof qof buu u yaqaan inta u adeegta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wayo asba ka mid buu ahaa.


So’aalaha haadda taagan waxaa kamid ah: Maxaa Xuseen Caaydiid soo kordhiyey inta uu ku jirey fagaaraha siyaasadda Soomaaliyeed? Muxuu ka qoray xasaradaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan gobollada koofureed? Lagama filayn in Xuseen Bi’iye uu noqdo fadhi ku-dirir gabay doorkii laga filayey inuu kasoo dhalaalo, wuxuuna weli ku dambeeyaa siyaasi fadhiid ah.

Taas waxey aheed Aragtida Prof. Bashir Cilmi Islaw oo San Diego nooga soo diray Aragtidiisi . Mahadsanid!

Noo soo Diray Aragtidaada ama (criticism) oo ku saabsan Barnaamijka Dhacda Ugub Ah.

Daawo Wareysigii Xuseen M. Faarax Caydiid




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.