Cilmi Wahaabi, Rabbi Iyo Rasuul La Caayaa U Dambeyso!

Axmednuur Cabdulaahi Cali — Indhaheygu waxay arkayaan Qof muuqa uga egg Wadaad, Madaxu waa xiirranyahay, labadiisa indhahood ee gasha ka baxsan waxaad mooddaa toosh la ifiyay, Garka ku yaalo waa cows ka baxay meel lama dagaan ah umana ekko kii Quruxda badnaa ee looga dayanayay Nabigeena Muxamed S.C.W.
Faallo Keydmedia Online
Cilmi Wahaabi, Rabbi Iyo Rasuul La Caayaa U Dambeyso!

Shaaribadu waxay shabbahaan beerr cagaf la mariya, tafuhuna waa u xeydanyihiin ilaa jilbaha agtooda sidi in uu dagaal cadaawo isku diyaarinayo.

Salaadda markuu tujinayo wuxuu si heer sare ah ugu xarakooda Suuradaha dhaadheer ee uu soo xifdiyay asaga oo dadka u muujinaya sida uu dusha uga dareerinayo Qur’aanka. Tabari waa halkeedee inta kaarinkiisa ah wuxuu iskudayaa in uu keeno codka wadaadada Sucuudiga Salaada ka baxsha asaga oo hilmaansan dadka ku dabadukanaya inay ku jiraan Qof xanuunsan oo ay dhib ku tahay istaaga dheer, mid degdegsan ama waayeel ah.

Salaadda markuu faaruqo warddi iyo Rabbi tuug ma leh, Quraan Aqris iyo ictikaaf warkood daa, sidi shimbir la siidaayay ayuu albaabka furdug ka yiraahdaa Sunna -nabbi iyo salaf in uu yahayna wuu ku tooqaa, Salafoow xaal qaado!!

Wixii Diin sayidkeena Muxamed  S.C.W  lagu soo dajiyay wuxuu ku soo koobay Bidcah, Xaraam iyo Xalaal inta kalana yeelkood. Afka haduu kala qaado caama dhagaweynta wuxuu ku boocsadaa  Quraanka iyo sunnada kaliya u hogaansama asaga oo ka soo qaadayo Ijmaaca, Ijtihadka iyo qiyaaska sheeka baraleey.

Wacdigiisu xigmada kuma saleysno kuwa uu rigeystana qushuuc iyo cabsi Eebbe kuma beerro. Nusuusta uu daliishanayo waa kuwa uu dabagadiyay oo sidii uu doono uu ka yeesho.

Cilmiga ka qeylisiinaya waa mid aad u yar oo hadii dib loogu dhabagalo aan ka badnaankarin 4 Sanno oo ah kulyada Sunnta Sucuudiga. Caqli ahaan waa maangaab, diinta wuxuu ku fasiraa sida uu u Sawiro garaadkiisa hooseeyo.

Aduunyada wuxuu ugu dadaalaa sidii in uusan waligii dhimaneyn. TVgii aad Shiddo wuu dhax taaganyahay. Dar alle la isku wacdiyo uma fadhiyee ee waa qadaadic raadis. Halkudhigiisu waa Masjidbaa dhisma u baahan ama midbaa qabya ah, agoon gaajo dubataa miciinkiina u baahan. Dadka sadaqo bixinbuu ku dhiiragaliyaa laakiin wali lama arag asaga oo dar Ilaah wax u baxsanaya ama Tvga ka balan qaadayo in uu  isagu bilaabayo maadaama kheyrka loo kala hormaro.

Sida uu ku andacoodo sharkiga ayuu la dagalaa hayeeshee qadka waxaa u soogalo Dumar ubad raadis ah oo shiikha u calaacala inta karaankooda ah ducana weydiisto sidi inuu isagu Rabbi uga dhawyahay asna Ebbe cid kaama xigtee sacabada u hoorso ma dhehee Lacagtaas ayuu ka gurubsadaa.

Muxaadaradka uu dibada ku qabto waxaa lagu galaa Lacag sidi in aad Shineemo ticket u goosaneyso.

Seef laboodnimo iyo hubsiinola’aan waa sifo u qaas ah wadaad-lamoodka aan ka faaleynayo.. Qaraabo iyo daris la xariirsho Jadwalkisa kuma jiraan mar hadii aysan aaminsaneyn manhajkiisa suntan ah. Wixii aan ku hadaf aheyn walidkii dhalayba allah ka dhiggee waxay ugu suntanyihiin hal calaamad oo ah Gaalnimo.

Caddaalada kooxda wadaadkan waa tii ay ku gaaleysiiyeen Alle u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf oo watay ciidamo Gaalo ah, Dastuur Jaanna sameystay, halka Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh oo sii waday dhaxalkii Cabdulaahi Yuusuf u yaqaanaan madax Musliimiin ah oo adeecidoodu waajibtahay. Waa yaabee ma Dastuurka dowlada Xasan Shiikhbaa kitaab Qur’aan noqday misa Ciidamada  Itoobiya iyo Ugaandheeskaa islaamay?

Wadaad-lamoodka aan ka hadlayo iyo kooxdiisa markii ay Soomaaliya soogalayeen waxay caruurta ku cayn jirtay "Aqwaan Musliim Arooskooda Eyyaa la qalaa Qamraa la cabaa Imaan meyno"  Hadalka lagu caynjiray firqadan wuxuu Umadda u cadaaday markii ay arkeen kooxda wadaadkan oo xalaaleysatay hilibka waraabaha dharaar caddna qashay dhurwaa miciyo leh.

Kadib soo ifbaxooda waxay bilaabeen in maalin walba ay Magac cusub la baxaan. Ma xusuusataa Wuxdadtul Shabaab, Al-Islaax, Al itaxaad Al islaami, Salaful qadiim, salaful Jadiid, Maxaakiimul Islaam, Shabaab, Ictisaam iyo kuwa hada wadada ku soo jiro.

Sida ay magaca u badashaan ayay Sunta ay faafinayaana isku rogrogtaa. Barrigii hore waxay ku mashquulsanaayeen masaa’iil yar yar sida masaafada, labada isqabta weyso makala jabiyaan iyo wixii la mid ah. Maantay meeshii Shalay ma joogaan, waxay marayaan in Ilaahey ay ku sifeeyaan wax aan u cuntamin sida meel ayuu iska fadhiyaa ama ay aadanaha u ekeeysiiyaan.

Nin ilaah ku tilmaamay wax maankiisa gaaban u sawiray Nabbi uma daahayee hada waxay joogtaa in ay Rasuulka sharafta leh caayaan oo ay ku tilmaamaan inay Madaxa iyo dharkaba uga jirijireen injir iyo cayayaan. Haddii aad isleedahay hadalkan waxaa ku dhiirankaro Salman Rushdie ama Ayan Hirsi Ali iyo kuwa la midka ah oo Qura waad qaldantahay, cidda Sidaa Nabiyulahi Muxamed S.C.W. u aflagaadeysay waa ruuxa lagu magacaabo Umal. Yaab iyo amakaagba waxaa ah in uu ninkani jaa’ifeeyay Sayidkeena Muxamed S.C.W asaga oo daliishanaya axaadiis uu madax iyo majo rogay. Waxaa intaa ka sii daran in axaadiista uu soo daliishaday aysan ku jirin erayga injir. Halkaan ka Daawo Aflagaada uu Umal geystay Nabiga S.C.W.

Waxaa wax laga naxo ah in la waayay ilaa hada Qof Umal iyo kawa la mid ah ka difaaco Nabbiga S.C.W. marka laga reebo culimo radiyay been abuuradka uu sameeyay. Waxaa hubaal ah qofka maantay nabbiga caayay haduu ahaanlahaa Gaal in uusan nabad ku hoyden laakiin nasiibdaro Umalka nabbiga qadfay Soomaalida waxay u yaqaan calim diinta u nusreeyo.

Aqrista nusuusta la dabagadiyo kuma koobna Umal oo Qura ee kuligood waa ka wada simanyihiin kuwa suntan ka soo xambaaray Sucuudiga. Maxamed Idriis ayaa isagana kol hore muxaadaro ku sheegay in Xabiibka Ilaaheey S.C.W Hooyadiis Amina bintu wahab ay naarta ku jirto.

Haddii aad wax ka aqrisnalaheyd ama ilmahaaga aad u daarilaheyd muxaadaraadka kooxdan waa adi yeelkaada hayeeshee waxaan kuu sheegayaa Cilmi wahaabi Rabbi iyo Rasuul la caayaa u dambeyso!

Axmednuur Cabdulaahi Cali


Qoraalkaan waxaa Qoray Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali oo ku sugan Magaalada London ee Xarunta Dalka Britain. Axmednuur waxaa kala xiriiri kartaa E-Mailkaan: ahmednur@journalist.com | Waxaa dib u eegay Xafiiska Keydmedia Online ee London.




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.