Daah ka feydida cajalkii been abuurka ay soo gudbiyeen Kooxda Shabaab + (Cod)

Wararkeenii hore waxaanu ku iftiiminay in Shabaab sameeyeen Cajal been abuur ah oo ay ku nabsanayeen nin muslim ah oo ay si bareer ah ugu toogeen xerada Maslax ee dhacda duleedka Magaalada Muqdisho.
Faallo Keydmedia Online
Daah ka feydida cajalkii been abuurka ay soo gudbiyeen Kooxda Shabaab + (Cod)

Danta ay ka lahayeen inay sameeyaan dacaayadaas raqiiska ah ayaa ahayd in shacabka ay ka gadaan laynta dadka aan wax galabsan oo marmarsiyo uga dhigtaan wuxuu ahaa jaajuus u shaqeeya Cadowga Alle.

Meeshii laga sugayay inay soo badhigaan Film Video ah oo la daawan karo ayaa waxay soo daayeen cod uu diyaariyay nin ayaga u qaabilsan saxaafada oo ka shaqeeya Idaacadooda Al-furqaan oo u qaabilsan baahinta warar xaqiiqda ka fog, hadii uu warkaas run yahay waxaan shaki ku jirin cadaymaha ay sheeganayaan inay hayaan ay soo bandhigi lahayeen iyagoo arag ah ama Muqaal.

Si ay been abuurka dadka uga gadaan oo waxay damacsanyihiin loo rumaysto waxay cajalka ku bilaabeen muqadamo dheer oo ka hadlaysa hagardaamooyinkii gaaladii qureysh Nabigeena SCW u soo Maleegeen iyo shirqooladii ay rabeen inay ku dilaan.

Runtii waa arin ku tusaysa in Al-Shabaab Lafcad toobin ku hayaan, ma joogno darsi siiro lagu qaato ee waxaan ka sugaynay cadaymihii ay balan qaadeen inay noo soo gudbiyaan.

Intaas kadibna wuxuu gudagalay ninkii barnaamijka daadihinayay inuu ka sheegeeyo Qalabka casriga ah ee ay adeegsadaan Sirdoonka maraykanka, markale waxaan leenahay looma baahno inaad waqtiga ku lumis wax dadka oo dhan wada ogyahay ee cadaymihii baanu kaa sugaynaa.

hordhac dheer kadib waxaa cajalka ka hadalay nin magaciisa ku Sheegay Axmed Cali Xuseen kuna magac dheer Axmed keyse oo ku dhashay Magaalada hargaysa sanadku markuu ahaa 1966.

Ninkan sida uu sheegayo waa nin wadaad ahaa oo ka mid ahaa macalimiintii ururka Al-itixaad waana macalin quraanka iyo waxbarashada maadiga ah dadka bari jiray.

Halkan ka dhageyso asagoo ka sheegeynaya bilawgiii noolashiisa iyo qabiilka uu u dhashay.

Axmed Keyse oo ka soo jeeda Soomaaliland ayaa u muuqda nin la shirqoolay oo u waramayay koox ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, hadalka iyo warbixinta sida uu u dhigayo waa sidii nin u waramaya dad iska dhigay inay la jiraan oo warka ka gurayaan.

Axmed sida uu sheegayo waa fadhi weyn oo ay lagu marti qaaday waxaana fadhiya rag sarsare oo ka mid ah xarakada Al-Shabaab.

Sidee buu ugu gacan galay Sirdoonka Maraykanka?

Dulmanaha ayaa ka sheekeeyay isagoo safar u aaday dalka Jabuuti in gigada diyaaradaha lagu qabtay lana xiray isagoo madaxa giish loo galiyay kadibna qol yar oo ciriir ah lagu xiray oo uu halkaas in mudda ah ku jiray.

Waxaa la yaab noqotay ninka Al-Shabaab ee daadihinayay barnaamijkan been abuurka ah inuu sheegay in Axmed keyse loo ogolaaday inuu galo gudaha magaalada jabuuti isagoo baasaboorkii laga qaaday! taasi waxaa beeniyaya hadalka Axmed keyse, war xataa magaran waayeen inay beenta qurxistaan?

Halkan ka dhegeyso Axmed Keyse oo ka waramaya xarigiisii iyo qaabkii loo qabtay.

Sida aad maqlayseen ninkan waa nin la qasbay oo la kala dooransiiyay labo arin midkood in loo dhaadhiciyo xabsiga Guantanamo Bayee caanka ku ah jirdilka iyo faraxumaynta Argagaxisada unisba sheegataa Islaamka.

Cabsi ayaa u geysay inuu sirdoonka maraykan la shaqeeyo, waaba haday runtahay codka ninkan waayo run ahaantii lama aamini karo kooxda Al-Shabaab ee camalka ka dhigatay been sheegida iyo masabidaada.

Diin ahaan marka la fiiriyo hadalka ninka wuxuu noqonayaa nin la qasbay wax xukun ah oo ka dhalanayana ma jiro ee taas niyada ku haya yaysan kaa hoos bixinee

Intaas kadib Axmed Wuxuu ka sheegeeyay wixii ay sirdoonka maraykanka ka dalbadeen oo ahaa inuu u soo gudbiyo xogta rag ay sheegeen inay raadinayaan oo uu ka mid ahaa Saalix nabhaan iyo abuu dalxa Daariq Sudaani oo lagu eedeyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay safaaradaha maraykanka ee Nayrooni iyo Daarusalaam.

Halkan ka dhageyso Axmed oo sheegaya waxay Sirdoonka ku wada hadleen.

Hadalka Axmed markii dhagahaadu ku dhacaan waxaad yaqiinsanaysaa in Axmed uu si daacad ah oo Alle ka cabsi ku jirto ugu waramayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaadna ka ogaan kartaa sida uu macluumaadka dheeriga ah u siinayay.

Isla hadalkaas wuxuu dhaliilay Axmed Sirdoonka Maraykanka isagoo sheegay inaysan macluumaad badan haynin, wuxuu kaloo eedeeyay ninkii maraykanka ahaa ay xiriiri jireen asagoo ku tilmaamay nin qabweyn yacnii isla weyn taasina waxay ku tusinaysaa in Axmed Ahaa nin la qasbay oo aan marna raali ka ahayn howshuu ku jiray waaba haday xaqiiq tahay.

Waxaa kaloo dareen ku galinaya hadalka Axmed Keyse isma haysto, waxaana cad in hadalkiisa qaar laga tagay oo intii danta laga lahaa un la soo daayay, bal jumladan dhagayso.

Halkan ka dhageyso war aan bilow iyo iyo dhamaad toona lahayn.

Sida aad maqashay Axmed wuxuu leeyahay Markuu ii dhamaaday kulankii Muqdisho waxaan ku laabtay Magaalada hargaysa , Axmed warbixintiisii hore kuma uusan sheegin kulankii Muqdisho iyo inuu muqdisho tagayba, waxaase la yaab ah in ninka Al-Shabaab ee hagay barnaamijka u hadlo Axmed oo muqadamo u sameeyo isla markiina maqdacana ku xijay si uu beenta u yara qurxiyo.

Axmed Keyso oo ka Muxaadareeyay Shirkii Ictisaamka Sh Maxamed Idiris hogaanka ugu doorteen

Sida aan horay u soo sheegnayba Axmed wuxuu ka mid ahaa ururka Al-Ictisaam, wuxuuna ahaa nin la yaqaano saas darteed wuxuu ka jeediyay shir gudoonkii Sh Maxamed idiris lagu doortay kalmad waano ah oo u badnayd Alle ka cabsi iyo wadanka qatarta ku soo foodleh sidii looga hortagi lahaa.

Halkan ka dhageyso Axmed Keyse oo goob jooge ka ahaa Shirkii Ictisaamka Sh Maxamed Idiriis ku dooteen.

Hadalka Axmed Markaad dhageysatid waxaa ku soo baxaya in la shaqeynta maraykanka ay u gaysay cabsi iyo hunguri lakiinse uu ahaa nin jecel diintiisa iyo dalkiisa, taasna waxaa kuu cadeynaya sidii uu walaalihiis itixaadka u faray inay wadanka ka difacaan gaalada ku soo foodleh.

hadaan damacno inaan beenaha iyo dacaayaadka raqiiska ah ee Al-Shabaab soo bandhino qoraalka ayaa nala tagaya, waxaanse kuu suurta galinaynaa inaad dhageysatid wareysigii Axmed Keyse oo nadiif ah oo aan ku jirin beenta uu ku xardhay weriyaha Al-Shabaab si aad xaqiiqda u ogaatid.

Halkan ka dhageyso Warbixintii Axmed Keyse oo dhamaystiran.

Markii ay wareysteen oo wixii ay rabeen ka duubeen ayay go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.