Dadki Mooge Cadaab Baa U Dambeeysa

Videos (Keydmedia) - Saacad walba Soomaali baa gaajo u dhimata. Dugaaga uma cuntamaan qolfoofka kuwa tubta daadsan oo caato darted u geeriyooday. Cidda ugu horraysa oo ay soo balleeyaan wa barakaceyaal hore uga qaxay madaafiicda AMISOM iyo ciidamada dawladdu guryahoodii kasoo qaxiyeen.
Faallo Keydmedia Online
Dadki Mooge Cadaab Baa U Dambeeysa

Intuba waxay difaacaan Madaxda TFG-da, tacadiguna wuxuu ku dhacaa danyarta bulshada.

Madaxda la difaacayo oo dartood dadka loo barakiciyey meeyey dadkoodii…? Meeday madaxdii gurmadka u fidin lahayd kuwa baahida, macaluusha iyo oonka u dhimanaya saacad walba…? Yaa jeebka ku shubtay deeqii maatadaasu wax ku lahayd…? Yaa deeq u fidiya ummaddaas tabaalaysan…? Yaa gurmadka hore laga sugayaa…?

Gurmadka hore waxaa u fidiyey barakacayaashii hore oo ku nool cirifyada Muqdisho oo dadkaas la qaybsaday bacdii geedka hoyga u ah dulsaarnayd. Waxaa wax la qaybsada canuggii waa hore soo  barakacay oo wax ka bixiyey canjeeladii quraacda loo siiyey.

Waxaa usoo gurmada bulsho-weynta la qaybsaday wixii guryahooda yaalley oo ay kamidka yihiin: Koob biyo lagu cabo, saxan caag ah oo cuntada lagu cuno, dirac dheeraadi ah oo hooyadu ku deeqday. Shaati wiilka yari siiyey wiilka soo barakacay, digsiga aan laga maarmin oo haddana qoysku bixiyey.

Darinta iyo kubeertada reerku u baahan yahay, haddana ugu deeqa kuwa diifta la tabaalaysan. Shirkado Soomaaliyeed baa quudinaya kumayaal barakaceyaal ah. Cid walba oo dadkaas u gargaata taariikhda ayaa xusin.

Waxaa cirifyada dunida booqasho uga yimaada kuwo diin, dhaqan iyo hidde midna midna nala wadaagin, haddana ka beer-naxay dhibaatada ummadda ku habsatay. Waxaa daryeel daqaale u fidiyey kuwo aan la dal iyo deegaan midna ahayn, haddana usii darbban inay kordhiyaa gargaarkooda. Ummad kale ayaa ku hawlan inay cir iyo badba usoo mariyaan gargaar dadkaas lagu badbaadiyo.

Mala hayaa madaxweynihii dalka…? Meeye xildhibaannadii qaranka…? Meeye madaxdii golaha wasaaradaha…? Meeye tujaartii ku naaxday bililiqaysiga qaranka…?

Way dhuumaalaysi bay ku jiraan oo waxay og yihiin inay jeebka ku riteen hantidii qaran oo dadka ka wada dhexaysey. Way dhuumaalaysi bay ku jiraan oo waxay og yihiin dambiga ay dadkooda ka galeen. Ddhumaalaysi bay ku jiraan oo waxay og yihiin inayna indha ku fiirin Karin kuwa ay hagradeen oo xaqoodii bangiyada dhigteen si ay ugu galaan tartan awood bursi.

Meeye kuwa loogu yeero xildhibaan…?

Xildhibaan maxaan dhibin…? Halaagga dadkooda haysta ma dhibo. Macaluusha dhallaankaka ku habsatay ma dhibto. Kuw Kenya iyo Itoobiya nolosha ugu qamaamay oo jidka kusii le’da ma dhibto. Onnka, baahida, iyo daryeel la’aanta caafimaad ee barakaceyaasha haysata ma dhibto. Arradka iyo dhaxanta haysata dadka tabaalaysan ma dhibto.

Uma codeeyaan in dadkaas wax loo qabto. Lacag uma aruuriyaan dadkaas lagu nooleeyo. Masoo booqdaan goobaha dadkaasu gabran yihiin. Ma dajiyaan sharci gurmad ah oo dadkaas loogu gargaaro. Haddana waxay ku faanaan inay xildhibaan yihiin. Waxay danttoda ku muquuniyaan shacbiga masalaan. Waxay yiraahdaan deegaan baa nasoo doortay oo codka dadka ayaan haysanaa .

Dhibka hadda taagan waa dhib qaran. Dadka dhibaataysan lama kala xigo. Ma ahan in deegaan dartiis lagu xagliyo, aragtidaasuna waa ka baxsan tahay isu-gargaaridda muslinimada. Waa waajib in dadkaas loo diir-naxo oo loo gurmado. Waa yaab ee xildhibaan maxaa dhiba…? 550 xildhibaan ma buuxin waayeen doorka hufan oo Saada Cali ka qaadatay u codaynta ummadda barakacday…?

Meeye wasiirrada aqoonyahanka ah oo jecel inay ummaddooda wax u qabtaan…? May indhahooda kusoo arkaan ummadda ay xilka u sidaan waxa ay ku sugan tahay…! May u codeeyaan u gargaaridda  ummada tabaalaysan…? Maxay u dhabbacan yihiin guryaha ay deggen yihiin…?

Xaggee ka baxay Madaxweyne Shariif Axmad…?

Bal daya wuxuu labbisan yahay agabkii hawlgalka ciidan sidii nin u darbban hawl qaran. Dumar baa u heesaya isaguna waa u riyaaqayaa dhoollatuska habmaamuuska. Wuu u dhoollacadaynayaa qaabilaadda dumarku u fidiyeen. Wuu bogaadinayaa sida loo faaninayo. Duleedka guriga madaxweynaha lagu madadaalanayo waxaa daadsan dadka tabaalaysan. Lax dhukan abaar ka dhagala’

Maanta oo kale, waxaa laga sugayey inuu jeebka gacanta geliyo oo uu maraakiib cunto iyo daawo isugu jirta soo raro si uu dadkiisa ugu gargaaro. Waxaa laga sugayey inuu soo booqdo goobaha barakaceyaasha ay ku sugan yihiin oo uu ugu codeeyo sidii dadkaas loo badbaadin lahaa. Waxay ahayd inuu xambaaro dhallaanka macalluusha la hitiqaya si uu dunida ugu muujiyo inuu yahay madaxweyne ka daqnanaya dhibka dadkiisa haysta.

Ma dhicin wixii madaweyne laga sugayey… Dhaqaalaha Shariif Axmad barkan yahay wuxuu u kayd u yahay tartanka madaxweynenimo oo uu damacsan yahay sannadka dambe. Dhaqaale badan oo uu wax ka bixin karo wuu haystaa wuxuuse og yahay inay yahay mid aan xalaaal kusoo gelin, sidaas darteedna aan sadaqo lagu bixin Karin. Ma garan waayey inuu barakaceyaasha usoo celiyo wuxuu ka lunsaday…!

Meeyey Shariif Xasan Sheikh Aaden?

Shariifku waa nin diinta yaqaan oo og qof walba oo muslin ahu inuu walaal u yahay kan kale ee muslinka ah. Waa nin og in deeqda loo bixiyo hor Alle inuu yahay hantida dhabta ah oo qof walba kaydka u ah. Shariif Xasan wuxuu og yahay in barakaceyaashu inay ka yimaadeen deegaamada uu ku dhaato oo laga raacsan yahay.

Dan kama laha oo wuxuu haystaa dhaqaale oo wuxuu doono ku marooqsan karo. Carruurta iyo dumarka baahida iyo jirrada la daadsan kamid ma ahan kuwa u codeeya oo diyaarka u ah difaaciisa. Kuma dhaco inuu dadkaas soo booqdo oo uu taagero u fidiyo. Kuma dhaco inuu la qaybsado dhibka barakaceyaasha haysta. Kuma dhaco inuu nolol caadi ah kusoo noqdo oo uu isku xilsaaro sidii uu uga qayb-qaadan lahaa badbaadinta dadka tabaalaysan.

Madaxdii TFG bacaadka ayay madaxa ku qarsatay iyagoo iska indhatiraya dhibka bulshadu ku nooshahay.

Dadka tabaalaysan Ilaah iyo ummaddooda ayay sugayaan, dhibka manta taaganna waa laga bixi doonaa. Taariikh ayaa ka hari doonta hawlgalka madaxda TFG-da. Haddaad ka seexataan kaalintii aad qaaadan lahaydeen maanta oo kale, Rabbina waa idin arkaa, bulshaduna waa markhaati isha idinku haysa.

Keydmedia.net



Keydmedia Aqristayaasheeda waxey ka codsaneysaa in ey ka qeebqaataan u gargaarida Danyarta aan Alle mooyee cid u maqneen. Wixii tawaruc ah oo aad u garatid inaad ku deeqdid dadkaas, waxaa ku hagaajin kartaan Bille Cabdullahi Saciid - Telefonkiisa: 00252615513631 - laganah helo Ceelasha Biyaha ama Buulo Xubey. Ama waxaad ku hagaajinkartaa Bangigaan hoos ku xusan:

Wadanka UK:

HSBC
Worldwide Somali Student
Sort code 40-03-29
ACC No. 71488791

International Donors:

Swift Nummer: MIDLGB22
IBAN: GB77MIDL40032971488791

Ajar iyo Xasanaad baan illahey ka sugeynaa...




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.