DAL BURBURAY DADKIISUNA KALA DIDAY QABYAALAD DARTEED

Maxamed Cumar Cusman - Maqaalkaan yar waxaan ku faaqidi doonaa haduu Rabbi idmo, guubaabin iyo gadaal-u-eegis gaboodfalkii aan geedka loogu gamban, anigoo uga gol leh in aan garqaadano oon garwaaqsano, gadaal u socod in aanu guul u aheyn danta, dalka iyo Dadka eeynu ku abtirsano ee Soomaaliyeed.
Faallo Keydmedia Online
DAL BURBURAY DADKIISUNA KALA DIDAY QABYAALAD DARTEED

Dadkaas oo ay soo martay daruufo adag taasoo inagu aan gacmaheena ku geeysanay, kidib markaynu Qaran aasnay, oon qiil moodnay qabiil iyo qolo qolo. Waana nasiib xumadii lasoo daristay ebid danyartii Soomaaliyeed, dal iyo dibad dunida meel walbeey kajoogeen.

Waa wax laga xumaado oo laga qoomameeyo Aafada weyn ee ku habsatay ummada Soomaaliyeed, waxayna nasiib u heleen duruufo adag sida, dagaallo sokeetye, daara burburay, duunyo le’atay, dad kala diday oo damiir beelay, abaaro aafeeyay, dil aan sabab laheyn, dhaawac aan daryeel laheyn, cuduro aan la aqoon, amni daro lagu raagay, dhaqan doorsan oo dahsoon  iyo masiibooyin kaloo aad u badan.

In kabadan mudo  dhowr  iyo 20-sano ah, ayaa  dhibaatooyinkii ugu badnaa ee ka  dhaca wadanka Soomaaliya, waxaa laga dhaxlay duruufo adag kuwaas oo si guud iyo khaasba saameyn weyn oo dhan walba leh uguyeelatay  bulshada rayidka ah noocyadeeda kala duwan, sida: caruur  iyo ciroole, culimo iyo caamo, guud ahaan iyo gabi ahaan danyarta, birimageydada iwm, iyadoo tacadiyo kadhan ah dhaqanka iyo xeerarka Soomaaliyeed loogu geysanayo guud ahaan dalka gudihiisa  iyo mid kadhan ah dhanka bani’aadnimo dalka dibadiisa, ayaan waxaan su’aalo is weydiiyay Aaway xaq-u-dirirkii xuquuqul insaanka?

Aaway tixgilintii ilaalinta xeerarkaas lagama gudbaanka ah? Aaway xaq dhowrkii xushmad uheeynta danyarta? Aaway dadnimadii Soomaalida lagu yaqiin? Away damiirkii damqashada dadnimo iyo dal jeceyl ? Dadweeynow waa su’aalo da’weeynoo idaalshee yaa ii daliilin kara aan u dhaga daloolshee?

DAL BURBURAY

Waxaan Shaki ku jirin, caadna igasaarneyn ineey jirto cid ka war la’ ama dafiri karta in dalkeenu yahay mid burburay kana burburay dhinacyo badan, hadeey ahaan laheyd mid dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid mujtamac intaba, ayaa waxaa layaab iyo fajac  igu noqotay dadyar oo dalweyn oo hodan ah  Eebe (SWT) ku manneystay, kaasoo leh kheeyraad farabadan sida: Kheyraadka dabiiciga ah (Natural Resources) sida: Xoolaha la dhaqdo (Life Stock) ama (exotic animal and non- exotic animal) duur joogta iyo dabjoog nooc walbo, Shidaal (petrol), noocyada kala duwan ee macaadinta (minerals), Bad baxad weyn, Wabiyo, waa weyn iyo dhul qani ah, oo  ku wacan dulbeered iyo dalaga noocyadiisa kala duwan, ayaan waxaan kadoorbidnay dawarsi, ee dadweynow maxaa inoo dan ah dalkii burburinaye dunida maka harnaa aan dabargo’nee?   

Dal wuxuu dal ku yahay waa dadkiisa, doodi kama taagna, daahna nagamasaarna “Dal aan Dalkaada aheyn, waa dareen ku joog”. Waxaa hubaal ah aan shaki laheyn in ummad kasta jiritaankeda oow ku xiran yahay wadajirkooda, midnimadooda, iskaashigooda iyo siday u xannaaneeysato una hormariyaano Dalkooda, Dadkooda, dadnimadooda, diintooda dhaqankooda, Taariikhdeeda  iyo waxyaalaha ka maragkacaya jiritaankooda,  taas oo  haaddii laga waayo ama eey ku guul dareeysato, ayaa waxaa hubal ah oo shaki ku laheyn, inay ummadaasi yeelaneeyso taariikh madoow, dadku  uu ku sheekeeystan, sida aan horay usoo aragnay tariikh ummado waayo hore jirijiray oo hadana si fudud lagu waaye jiritankoodiiba.  

DAL DADKIISU KALA DIDAY

Dal dadkiisu  kala didsanyahay anaa qabweyn oo Qabiil leh darteed, una qalma  Qaranka hogankiis, iyo maya’e anigaa xaq uleh ee nagukalawad, ayaan waxaan ka dhaxalnay dagaal sokeeye, Qaran la’aan, kala qeybsanaan, illaa Qabiil magac Qaran yeeshay, Qaranna uu qiima beelay oo qiilna aan loodayin.   Tan iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa Soomaaliya saameeyay cudurkan dilaaga ciribtiraha ah, ee loo yaqaano Qabyaalad isagoo ciribtiray dowladnimo iyo dadnimo, waxuu sababay damiir la’aan, doqonnimo, dadnimo xumo, iyo damacweeyni kusaleysan sad-bursi iyo keeyga anaa leh kaagana kulalihi, oo eey ku kala tageen dadkii Soomaaliyeed.

Waxaa shaki la galiyay hantidii qaran. Waxaa  la xalaalaystay dhulkii Soomaaliyeed. Waxaa meesha ka baxay magacii Dowladnimo, waxaana badaley Qolo qolo, iyo goboleeysi. Hadaba waxaan shaki ku jirin oo marag-madoonta ah in ummada Soomaaliyeed uu cadawgeedu ku soo eegay il xun oo hagardaamo leh, isagoo uga faa’ideeystay kalaqeeybsanaantooda, ugaarsiga midwalba in uu ku ugaarsado meshiisa si danahiisa gaarka ah eey ugu hirgalaan, sida: Diin badal, Dhaqan badal, Caqli badal, Gumeysi iwm.  Waxaana daliil u ah  faragalinta joogtada ah ee shisheeye, ee salka ku heeysa sida qotada dheer ee Soomaalidu u kala irdhoowday oo eey u kala aamin baxday.

GABAGABO/GUNAANAD

Dadkii Soomaaliyeed waxay ku kala didsan yihiin kuna dayacan yihiin Dalka gudihiisa iyo dibadiisa, meel kasta oo ka mid ah dunida daafaheeda iyo dacalladeedaba, mana haystaan dowlad sal-adag oo u taagan daryeelkooda iyo danahooda. Waa “Ceelna uma qodna, cidna uma maqna”. Hadaba su’asha is weeydiinta mudan yeeynu sugeeynaa?

MOHAMED OMAR OSMAN (Mullah)
Arday Jamacadeed : Qeybta Maamulka iyo Maareeynta Ganacsiga
Kuala Lumpur-Malaysia - E-mail: mullah65@yahoo.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.