Dameeradii Buriida!

Soomaaliya waa dal weyn oo Rabbi deeq badan ku mannaystay, hase ahaatee in yar baa looga manaafacsadaa. Wuxuu leeyahay khayraad badan oo in yar laga yaqaan, in badanna laga diimoon yahay oo haddana barwaaqadaasu ay dad tiro yaru wadaagaan.
Faallo Keydmedia Online
Dameeradii Buriida!

Dadka ku beeran dalka Soomaaliya labo aragti bay kala qabaan. Bulsho dalka u aragta deegaan ay leeyihiin oo ku nool anfacada laga helo, u arka inuu yahay gabbaad ay shinsadaan, hanti maguurto ah uu u yahay ubadkooda, kuway sii dhalaan iyo inta kasii dambaysa.

Aragtidaas inta qabta dalka way u daqnadaan, cadawga kusoo duula way ka gidaadaan wayna is-difaacayaan, ciddii u diirnaxda oo usoo gurmatana waa soo dhawaysnayaan.

Soomaaliga jecel dalkiisa wuxuu ku raaxaysanayaa hawada nadiifka ah ee dalkiisa. Wuxuu ku caafimaadaa cimiladiisa wanaagsan. Waxaa naftiisa arwaaxiisa indhihiisana doojiya bilicsanaanta geelayaga iyo carafta ubaxa. Waxaa raynrayn leh xamashka doogga isku dulbaxa. Wuuxuu bogaadiyaa haraca qabow ee dhirta biyomareekna ka baxda.

Waxaan laga xiisodhicin muudmuudsiga iyo dhadanka mirihiisa macaan, udugga caanaha xoolaha daaqa dhirta ka baxda dhulka bacrinta ah, iyo cadka macaan oo aan u baahnayn dhir- Adari wax lqgu geedeeyo. Duurjoogtu waxay ku dhaqantaa deegaanka leh barwaaqo dhabiici ah, waxayna kordhisaa bilicsamaanta dalka, waana hanti yeelan karta waxsoosaar haddii  la daryeelo.

Kan ku nool deegaan noocaas ah, wuu jecel yahay inuu ku nagaado dulkiisa oo ubadkiisu ka kasii dhaxlaan. Hadduu dalka dibadda uga baxo oo dhaqan kale ku biro, wuu ku naaloodaa inuu leeyahay deegaan lagu faani karo oo leh barwaaqo farabadan.

Hilow baa ku dhaca wuxuuna ku ciil-kaambiyaa nolosha wanaagsan oo dalkiisa ku seegtay. Oonta uu dal kale ku cuno ayaa la xaraaraata markuu xusuusto midda deegaankiisu leeyahay. Daltabyo ayuu u qaadaa markuu xusuusto caanihii geela, cambihii iyo babaygii maacaanaa, sarartii orgiga goolka ah iyo dhayladdi ariga. Si kasta oo uu uga mid noqdo jinsiyad kale, qofka kasoo jeeda deegaan noocaas ah, wuxuu ku nool yahay nolol qabyo ah, wuxuuna ku taahaa inuu dalkiisa dib ugu soo noqdo oo uu ku raaxaysto khayraadka iyo cimilada dalkiisa.

Waa sidee aragtida qofka aan kasoo jeedin deegaan aan ahayn noocaas oo kale?

Cid walba nasiib uma helaan inay ku abuurmaan deegaan ay ku dhan yihiin khayraadka kaba nolosha bulshada, sida: Roob yaraanta, daaqsin yaraanta. Cimilo nugul. Bacrin la’aan. Duunyo yaraan. Tacb la’aan. Biyo yaraan. Dad yaraan, iwm.

Qofka kasoo jeeda deegaankan xiriir jecal lama laha deegaankiisa. Uma arko in deegaankaasu dhaxal u yahay ubadkiisa iyo ubadka ay sii dhali doonaan. Wuxuu rumaysan yahay inuu socoto ku yahay deegaanka uu ku dhashay, gaar ahaan, guud ahaanna dalka intiisa kale.

Uma diirnaxo badbaadinta aayaha dalkiisa. Wuxuu ku dadaalaa inuu dhuuxo daf walba oo dux leh, diyaarna uma ahan inuu horumariyo khayraadka ku jira si ummaddu uga faa’iidaysato. Ma daneeyo daryeelka bulshada ku nool. Dalka dullaal buu ka noqdaa wuxuuna iib galiyaa wax alla wixii u gadmi kara.

Lama Huraan Waa Cawska Jiidaal

Ninka dalkiisa duulaanka ku ah, barakiciya bulshadiisa, cadawga la safta, dhabar-jabiya xasilloonida nabada ummadda, wax ka boobaya khayraadka dalka, ha ogaado in cawska jiidaal uu lama huraan yahay oo dalka marti loo yahay.

Ha ogaado inuu bulshada Soomaaliyeed ku dhex abuurayo utun dakano reebta. Ha ogaado in dalku mar xasili doono oo bulshadu nabad ku noolaan doonto. Ha ogaado dhagarta inu yaru maleegto ay saamayn doonto in badan oo aan wax galabsan. Hala ogaado in bulshada lagu xadgudbayo aynaahayn burcad iska dhalaali doonta. Hala ogaado in ninka dalka luhu uu ogyahay caddaal-xumada lagu hayo, guushuna isaga ku dambayn doonto. Cadawga Gobta ahu wax bay hambaysaa.

Dalka Yaa Leh?

Arrinta ka aloosan Jubbada Hoose waxay salka ku haysaa caddaalad xumo, wayna kamid tahay dhagarta dalku ku burbyray. Soomaali kasta ha qaato xaqa u leeyahay cid baa diiddan. Caddaalladda haloo sinaado cid baa diiddan.

Soo faragelinta shisheeyey dalka halaga daayo cid baa diiddan. Nabad iyo xasillooni dalka ha loogu noolaado cid baa diiddan. Sharaftii qaranimadu lahayd hala soo celiyo cid baa diiddan. Al-Shabaab yaan la naas-nuujin ee hala takooro cid baa diiddan. Ardada yaan la xasuuqin cid baa diiddan.Danta guud halaga hormariyo tan gaar ahaaneed cid baa diiddan. Cid baa ku hawlan Dalkyahaw ama aan xoog kugu daaqo ama aan ku dumiyo.

Xiisaha colaadeed ee dalka maanta ka aloosan ma ahan warqad la kala sixiixanayo oo nin walba cadkiisa ceeriika ku goosto. Sida arrinta shidaalka badda ku jira oo kiciyey xiisaha dagaalka gobollada Jubbada Hoose,ee waa abuurid ilo-dhaqaale oo ku hirgeli kata nabad iyo xasillooni guud.

Cadawgu habaynkii buu mirtaa oo guuro habayn buu wax ku dilaa, haadana ciidkanka ee gaashaabuurtu ma sugi karo gaadmada cadaw aan lahan birtilmaameed loo yaqaan oo la beegsado.

Madaxdii Soo Shaac baxday Nin Walba Wax Buu Ku Caanbaxay

Sayid Maxamad C. Xasan wuxuu ku caanbaxy indheergarad waddani ah oo leh aqoon fac weyn. Cabdullaahi Ciise Maxamuud wuxuu ku caanbaxay wadani Soomaaliyeed. Maxamad Siyaad Barre wuxuu ku caanbaxay qabweyni iyo xukun jeceyl. Maxamad Faarax Xasan “Caydiid” wuxuu ku Caanbaxay halgame midnimada Soomaaliyeed. Cali Mahdi Maxamad wuxuu ku caanbaxay danaaysi gaar ahaaneed.

Cabdiqaasin Salaad Xasan wuxuu ku caanbaxay anna waa markayga. Sharif Sheikh Axmad wuxuu ku caanbaxay lamood noqonse waa. Sharif Adan wuxuu ku caanbaxay kolayga ii buuxi. Cabdullaahi Yuusuf Axmad wuxuu ku caanbaxay shisheeye kalkaalnio, Cabdiwelina wuxuu ku caanbaxay qaran dumiye. Jiilka dambe yuu ku dayan doonaa…?

Keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.