QEYBTII 3AAD EE BARNAAMIJKA

“Mareexaanow, Siyaad in uu dagaal ka dambeeyo ma aheyn!”

Faallo Keydmedia Online

Waxaa ayaan darro ah dad badan oo Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre ee Digtatooriga ahaa u soo shaqeeyey, in aysan weli cashar ka qaadan, oo maanta la arkayo dhaqammadiisii gurracnaa in ay samaynayaan, hadaba tani waa qeybtii labaad ee barnaamijka. 

“Mareexaanow, Siyaad in uu dagaal ka dambeeyo ma aheyn!”

Keligi Taliyihii Siyaad Barre ee hoggaanka Dalka 21 Sano ku amar taagleeyey, waxaa loo riday oo dalkana looga saaray dulmiga iyo xad-gudubka uu u gaystay guud ahaan Bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka iyo Degaanadda Beelweynta Hawiye.

{youtube}

Kaligii Taliyahii Siyaad Barre wixii uu falay ee uu fuliyey ee foolxumooyin ahaa waxaa kamid aheyd in Bulshadda Soomaaliyeed oo dhan u noqoto wax ku qaadasho, Khibradda iyo waayo-aragnimo, siiba Qofkii taladda Ummad Hogaankeeda Maalin soo mara/qabta.

Waxaa ayaan darro ah dad badan oo Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre ee Digtatooriga ahaa u soo shaqeeyey, in aysan weli cashar ka qaadan, oo maanta la arkayo dhaqammadiisii gurracnaa in ay samaynayaan.

Haddaba, taariikhdu waa ma naxdo oo ma naxariisatee, Keydmedia Online waxaay idiin soo gudbineysaa qayb ka mid ah waxa laga dhaxlay cararkii Jaantaa-rogan, Rajiimkii Siyaad iyo Raadkiisii.

Wax ma garadku waa sida Wankoo kale, ilaa u darbiga madaxa ku garaaco ma arko daruuraha. Haddaba Qofkii shalay wixii la soo maray aan xusuusneyn dhacdaddan Taarikhiga ah ha u noqoto mid u marwalba maanka ku haysto. 

Waxaan kaaga digayaa: Dib ha ugu celin Dalka, Dariqii shalay la soo maray!

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.