In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Dhaqan ahaan, Guushu waa Aabbayaal badan tahay, oo qof walba isagaa sheegtay Guusa inuu dhaliyey, halka Guurldarrada aan marna qofi aqlbalin, horseed ha u ahaado ama ha soo hooyee, haddana, mar walba dadka waxaa kala saara taariikhda, dhacdadanna iyada ayaa kala bixinteeda looga fadhiyaa, koldhaw iyo koldheerbam maalin ay noqotaba.
Ararta ka dib, aan u daadego dulucda qormada, oo u badnaa doonta tilmaamo iyo tusaalooyin. Sidaa awgeed, waxaan ka sii cudurdaaranayaa qofkii aan igu aragti ahayn, inuusan ii ciilloon, maya, inuusan iga caroon. Ujeedku ma ahan qof iyo qabiil, kali iyo koox. Waxaanse farta ku fiiqi doonaa meelo badan, waana midda aan ka sii afeefanayo, illeen waa tii la yiriye: “Hadalkaaga hortiisa Afeef ayaa la dhigtaa, Gurigaaga hortiisana Ood”.
Guddiga Dastuurka
Ugu horrayn, tirada guddigan waxay ahaayeen markii hore soddon qof [30] markii dambase laga dhigay sagaal qof [9] oo lagu tilmaamay “khubaro” -Sir iyo caad ogayaal- oo isugu jira rag iyo dumarba sida: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari, Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini, Xannaan IQK.
Guddigan waxaa la magacaabay dhammaadkii shirkii Kenya lagu qabtay hiaadintii 2004-tii, waxaa lala magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta.
Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la laaqa Dhariga la karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waase ku guuldarraysatay!
Middase aan sir ahaynse waa, in guddigani maalintii la aasaasay ilaa iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, taa kaliya ma ahan, Guddigani waa ka safar badanaa madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixin jiray qarashka safarka? Maya, horta sidooda yaa biili jiray? lacagta ku baxiyey xaggee laga keenay? Xafiiskee siin jiray? Guddigani Xafiiskoodu xaggee ku yaallay? Mise waa garab rarato Lap Top-ku Dhabta u saaran yahay, walina aan gaarin iPad!
Weydiimahan waxaa nooga jawaabay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh oo Guddiga ku eedeeyey inay lacagtii loogu talagalay Dastuurka inay Hotel-lo ku yaal Kenya iyo Uganda ku seexdeen, haddaba, is weydiinta yaa ah, mudane Xoosh markii lacagtan la cunayey muxuu u sheegi waayey? Muxuu si laab la kac ah ugula soo booday markii ay is qabteen oo khilaaf soo kala dhexgalay ka dib? Dhanka kale, lacagaha qaraashaadka ah ee ku baxay, wasaaraddiisu miyeysan ogayn, maadaama ay soo hoos galayso miisaaniyad sanadeedka wasaaraddiisa? Xoosh waan u soo laabane, aan waydiimaha intaa ku ekeeyo.
Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in Guddigan maalintii la magacaabay ilaa intii laga kala diray ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan hal Malyan oo Dallar [1Milyan$] haddaba, yaan la oran dalku muxuu Sabool u yahay? Illeen Yuubatadan ayaa wixii soo galiba u yuurartee!
Odayo la Ajaray!
Marka laga soo tago doodda ka taagan Dastuurka, marka laga soo tago qodobbo badan oo ku jira ee aan marna Soomaali u cunatamin Dhaqan iyo Dawladnimaba, marka laga soo tago in la isku dayey in wax laga badalo, marka laga soo tago in uu noqday “KU QABATAY IYO QADDAR ALLE WAA LA QATAA” marka laga soo tago…
Dastiirka isagoo afka ka xiran ayaa waxaa loo shiriyey Odayaasha Dhaqanka, oo markii hore loo ballan qaaday in ay xaq u leeyihiin dib u sixidda iyo dib u eegidda Dastuurka, markiise shirkii furmay maalmihii hore lagu maaweeliyey Simminaarro iyo kulammo nabadda ku saabsan, maba la gudagalin wixii madasha loo dhigay iyo sababta goobta loo joogo.
Wax la meermeersho, Odayaashii waxaa si toos oo ah cad loogu sheegay in aysan hawl ku helayn sixidda Dastuurka, ballantii laga qaaday sidaa ku jabtay, dood dheer iyo is jiid jiid ka dib, Odayaashu waxay dhaafi waayeen Dastuurka sidiisa ku gudbiya, kuna qasbanaadeen inay sidiisaa ku dhaafaan.
Ballanqaadkii labaad ee looga baxay wuxuu noqday, in Odoyaasha lagu yiri Dastuurka waxaa dib u eegis ku samayn doono wiilasha iyo gabdhaha aad soo xuli doontaan ee 850 xubnood ah, oo lagu sheegay Guddi madax bannaan iyo xubno ka masuula Ansiinta Dastuurka, sidaana lagu qanciyey Odayaashii.
Ergo af la’!
Haddii la soo xulay 850kii xubin ee looga fadhiyey inay ansixiyaan Dastuurka, waxaa loo qabshay waraaqo xeer hoosaasin ah “Xeer hoosaad” oo lagu qoray in aysan waxba ka badali karin Dastuurka, xilkaaga ay u taal baarlamaanka iman doona, ee ay iyagu xaq u leeyihiin mid qura, oo ah: in ay “Haa” ama “Maya” ku cudeeyeen, intaa looguma ekayne, waxaa loo sheegay in Dastuurka xitaa haddii ay “Maya” ku codeeyaan in uu meel maridoono! Ceeb ka weyn ma aragtay aqriste?.
Intii lagu guda jiray 10maalin ee loo baxshay ka doodidda Dastuurka, waxaa madasha looga dooday oo kali ah arrimaha ay ka mid yihiin:
Waxba yeysan ila foogaan qodobadii looga dooday madashaa, ee aan Dastuurka looga doodine, maalinnimo Arboco ah bisha August tahay 01 yaa si wadajir ah gacanta loogu taagay, waxaa goobta soo xaadiray 645 ergay oo kaliya, halka tirada guud ka ahayd 850 waxaa oggolaasho “Haa” ku codeeeyey 621 ergay “una dhiganta 96% tarada guud ahaan ergada” waxaa diidmo “Maya” ku codeeyey 13 ergay “una dhiganta 2% tarada guud ahaan ergada” Waxaa ka “Aamusay” 11 kaliya “una dhiganta 2% tarada guud ahaan ergada” “Meel ama wa laga maqnaadaa ama waa laga muuqdaa”.
Ma lagu qaan bixi doonaa?
Marka laga soo tago in Dastuurkii duuduub lagu qaatay, ma dhihi karo waa la ansixiyee, marka laga so tago in Dastuurkii la diiday in wax laga badalo la aqbalay, marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo dhibaatooyinka guud ee wadanka ka jira, weydiinta ugu weyn yaa ah sidan: ma laga gudbi doonaa saddaxdan arrin ee kala ah:
Eedda Ansixinta Dastuurka
Inta aan Dastuurka iyo ka sheekayntiisa aanan ka bixin, mid yaa waajib ah, in farta lagu fiiqo cidda eddan taarikhiga ah qaadaysa, ugu horrayn, waxaa la qaadaya:
Dal Dayacan
Aqriste, middan si fiican iila dhuux, waan meesha sartu ka quruntay ee ugu muhimsan inta aan soo xusay, eeg kuwan wadanka ku soo hogaaminaya shisheeyaha, wadanka gees ka gees eeg maanta gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu qurbaanka si joogto ayey u bixin jireen, koofurta deegaannada qaar ayaa Fiddow iyo Xersi xir ahaan iyana u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan, ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka maamusho, kana yeesho sida ay doonto.
Haddi Xabashi kaliya ma ahane la soco, waxaa wadanka joogo Ugandhiis, sanad walba waa la soo kordhiyaa, adba garo ujeedka laga leeyahay? Burundi caasimadda la wadaaga kuwaa, Kenya oo iyadu u xilsaaran deegannadda la wadaaga xuduudka, lammaanana looga dhigay Seraliyoon, waaba iga weydiine, horta ma qoryo ayey wataan? Mise Faasas iyo Godimmo? Hadday kan dambe wataan Wallee waa laba jab, illeen haddaanba dhimasho la hurayn xaraarug la’aan dhimaa dhaanta saxariire. Ha moodin inaan ka tagay walaalaha Djibouti, oo iyana iminka Hiiraan loo qaaday, si loogu daboolo Xabashida joogta.
Maantana waxay maraysaa in Bolis Afrikaan ah la keeno wadanka, gaar ahaan kuwo ka socda Koofur Afrika iyo Nigeria, si ay ka hawlgalaan Saldhigyada Boliska, ooOobbiga, Dacwadda iyo Ashtakada waxaa kaa qoraya nin Askari Afrikaan ah, ayaandarro ka weyn miyaa jirtaa taa? Haddii ciidanka Militari la yiri waxay baacsanayaanAlshaabaab, kuwan Boliska ahna ma dumarka ayey baacsan doonaan? Hadda ayey Xabashidii Kufsi ka billaabeen dalka sida Baladweyn iyo meelo kale, madax ku sheegguna waxay ku muransan yihiin Xildhibaannada anaa soo xulaya iyo anaa soo xulaya DAL DAYACANOOW yaa ku leh? DAL DAD WAAYEY iga dheh!
Gunaanad
Ugu dambayn, Kampala accord, Roadmap, Odayo qabsan, Ergo gadan, madax musuq, maal quban, qaran laalan, ka sokow, ma waxaad naga gadaysaan; DALTUUR baa la ansixiyey? Kaba dhige yaa dani ugu jirtaa? Ma Qabiillada Soomaaliyeed? Ma Qawlaysatada qaranka Soomaaliyeed kala qaaraysa? Ma Qurbajoogta aan qaabka lahayn? Mise Dawladaha aan dariska nahay?
Midda ay noqtaba iyo inta xigsan karta ee la isku tirayn karo, waxaa hubaal ah in qaranka Soomaali sii nuxuunsayo, haddana, Gaas dhagoolaha iyo inta wax ma garatadaah, sida loo hireeyo waa la adeegsaday, kuma sii jirto haddaad u tilmaamayso wax iyaga ka maqan ee ay tabayaan.
War iyo dhammaan, waxaa madlan doorasho, ka horse waa in la isla gartaa sida loo soo xulayo xubanaha Xildhibaanna, weydiinta yaa ah; Yaa la dooran? Yaa is dooran? Maxaa lagu dooran? Maxaa la isku dooran? Sidee la isku dooran? Maxaa dammaanad oo jira, kan la dooranayo iyo kan wax dooranayaba? Midda ugu muhimsan yaaba ah: horta doorasho ma dhacaysaa?.
Isu gayn waa weydiimo maqan, hadde maxaad ka filan warcalintoodana, haddiiba su
Add comment
Comments