Dastuur Qaran & Dal kala Qoqoban

By Prof. Mohamoud Iman Adan- Keydmedia - Virginia, USA - Dastuur Salballaaran - Dastuurku wuxuu ka turjumayaa astaanta Qaranimo. Dawladu ma jiri karto Dastuur la'aan, ummad ama shakhsi gaar ahaanedna ma lahaan karao xuquuq iyo karaamo aadaminimo Dastuur la’aan.
Faallo Keydmedia Online
Dastuur Qaran & Dal kala Qoqoban

Dastuurku waa astaanta hagta hawlaha dawladda oo isla markaana xadaysa hawlgalka mas’uuliinta dawladda dhexe iyo ilaalinta axdiyada ay la leedahay dawlad-goboleedyada Soomaaliya iyo kuwa ay la gasho dawladaha iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Dalka oo loo sameeyo Dastuur ka tarjumaya jiritaan xeer waafaqsan nadaamka federaaliga, guud ahaan, gaar ahaanna aayaha Soomaali weyn, waa tiir-dhexaadka dibu-dhiska dalka iyo dibu-hanashada midnimada ummadda. Hase yeeshee, dastuur loo sameeyo Dalka oo kala qaybsan wuxuu lamid yahay sur dhagax gashay.

Bulshada Qaangaarka ah ee hadda ku nool Dalka gudihiisa iyo dibbaddiisaba kama fiyooba hiyikaca Qabiilnimada oo hadda Dalka ku baahday iyo boobka sadburtsiga deegaamaynta la kala jiidaanayo.

Si caddaalad Dalka loogu soo dabbaalo, waa in intii Dadka iyo Dalka dambi ka gashay loogu qaado dambiyadii ay galeen ama geli doonaan, eedahaas oo noqon kara: Dambi Qaran (State Treason), dambi Bulshada laga galay (Social Crime), dambi laga galay Cimilada (Enevironmental Crimes), hanti Qaran oo la leexsaday (Embazzalment of National Treasury), saabilidda karaamadii Qaranimo (Abrogation of National Souvreingnty), iwm.

Sidoo kale, madaxda Dawladda dhexe kama fiyooba Maamul-xumo, caadifad Qabiil, eex, sadbursi, colaad-abuurid, xasarad kicin, burcdayn hanti qaran, ku xadgudub Xuquuq Bulsho, maskab-ridka karaamada Qarameed, burburinta Midnimada ummadda, garab-marka hidda iyo dhaqankii suubanaa ee soo jireenka aha, iwm.

Dastuurku waa inuu tixgeliyo oo tibaaxo labo aragtiyeed si uu dhidibbada ugu taago bulsho Soomaaliyeed oo burburtay oo haddana is-jecelaan karta, wada noolaan karta, isku maan, isku-Qalbi iyo isku aragti noqon kara, qaran qurah ku wada hoos nool oo wiil iyo abti isu ah- sidii barisamaadkii hore loo ahaan jirey. Taasu waxay ku iman kartaa iyadoo la gaaro yoolka ummaddu doonayso oo Dastuurku shiishka saaro, arrimaha soo socda:

  • Suulinta dhammann ficillada xun xun oo Siyaasiinta iyo Madaxda Dawladdu ay caadaysateen - Sida xasarad-abuurka Colaadeed, leexsashada Hantida Qaranka, ku xadgudubka Xuquuqda iyo karaamada ummadda, caddaalad-xumada Madaxda Maamulka, xinka, isir-raaca iyo is-gobolaysiga, laaluush-bixinta iyo qaadashadiisa, amar-ku taaglaynta bulshada oo ay hormoodka ka yihiin madaxda dawladda, garab-marka xilka Qaranka loo hayo, iwm.
  • Wacyigelinta, baraarujinta iyo toosinta Bulshada la marin habaabiyey, iyadoo gogoldhig loogu danaha jiilashada dambe. Dastuurku waa inuu saxo oo dheellitiro wixii xumaaday isla markaana uu tubta san ku rido hawlgalka dawladnimo iyo horumarinta Dalaka.
  • La dagaallanka ku-dhaqanka laaluuska oo la caadaystay, madaxda dawladduna ay ku adeegato. Waa inaan maskab dawladeed loo dhiibin Shakhsi kasta oo lug ku yeesha laaluush bixin ama laaluush-qaadasho.
  • Sidoo kale, dastruurku waa inuu maqlo oo tixgeliyo danta iyo rabitaanka ummadda oo  baahidooda iyo aayahooda uu uga tarjumo hadba meesha danta ummaddu ku jirto.

Sidaas darted, liiltirka iyo tifaftirka Dastuurku lama Jaan-Qaadi karo muddada loo qabtay oo ku eg gabagabada Geeddi-Socodka oo ku aaddan bisha Agoosto 2012-ka, sabaha soo socda awgood:

  • Dawlad Goboleedyo waa inay ka wada dhisan yihiin Gobollada Dalka si ay codkooda iyo aragtigooda uga dhiibtaan arrimaha Dastuurku tibaaxayo.
  • Waa in dibu-habayn lagu sameeyaa Nidaamka 4.5 oo xeer-jajabka ah oo hadda wax lagu qaybsado, kaasoo ay ku dulman yihiin bulshada laga tiro badan yahay; kuwaasoo diiddan xaqiraadda lagu hayo.

Tusmo gaaban: Sida xeerka soo jireenka u ah Bulshada Soomaaliyeed oo miyiga u badan ay qabaan, qoyska tirada badan iyo kan tirada yar way u siman yihiin miisaanka gargarka la bixiyo marka wax la taakulaynayo. Sidoo kale waxay u siman yihiin: diyo bixinta, anfaco qaybinta, xeer-beegga, garsimidda, duullaan-dumidda, xilkasnimada, hawl-qabadka, tixgelinta bulshonimo, iwm.

Sidaas darted, xeer-jajabka 4.5 waa in laga gudbaa ama la kabaa oo laga dhigaa tiro buuxda oo wax qaybsiga Dalka iyo Deeqa loo siman yahay.

Horumarinta Nolosha Miyiga

60-70% Bulshada Soomaaliyeed waxay ku nool yihiin Miyiga, hase yeeshee Dastuurradii Dawladihii hore ma siin jirin tixgelin wax ku ool ah oo ku saabsan daryeelkooda, samatabixintooda, kalkaalintooda iyo horumarinta nolosha Miyiga si loo badbaadiyo Dadka, duunyada iyo daaqsinta duunyada ummaddu ku nooshahay. Sidoo kale, Madaxda Dawladda iyo Xildhibaannada Qaranku uma codeeyaan cayminta iyo horumarinta Bulshada reer miyiga ah, mana sugaan xuquuda ay dawga u leeyihiin.

Siyaasiinta Dalka, madaxda Maamulka Dawladda, madaxda xisbiyada iyo kaalmada Hay’adaha caalamiga ahu ma daneeyaan taakulaaynta iyo horumarinta nolosha miyiga, siiba xilliyada abaaraha dabadheeraada. Si loo caymiyo bulsho-weynta reer miyiga, dastuurku waa inuu:   

  • Hoosta ka xarriiqaa in la dhiso wasaarad u gooni ah bay’ada iyo arrimaha reer Miyiga.
  • In wasaaraddasu xil gaar ahaaneed iska saarto waraabka dadka iyo xoolaha, , abuuridda calafka xoolaha, tarminta taayada xoolaha, suulinta qaniinka iyo daryeelka caafimaadka xoolaha, hakinta nabaadguurka iyo dhiraynta deegaanka daaqsinta, iwm.
  • Dawladda Dhexe iyo midda gobolladu waa inay la dagaalamaan dhuxusha laga shido geedka qoyan iyo dibu-kaymaynta dhulka la xaalufiyey.
  • Abuuridda calafka xoolaha, siiba cawska xooluhu daaqaan iyo dhirta caleentu ku raagto oo cimilada qallalan la ambaqaadi kara.
  • In bulshada reer miyiga lagu baraarujio oo gacan lagu siiyo sidii ay miyiga uga abuuran lahaayeen dalagyo tacabsoosaar leh oo ka bixi kara dhulka bacaadka ama ciid-guduudka ah oo raashin dadka u noqon kara, siiba xilliyada qallalan. Dalagayadaas waxaa kamid ah: Digirta, masagada, qaraha oo roob yar ku bixi kara. Balkooda masahada haddii la kaydiyo, calaf xoolaad bu u noqon marka dhulku xaalufo, siiba xilliyada jiilaalka, diraacaha iyo abaarta dabadheeraata.

Tixgelinta Xuquuqda Dumarka & Xulashada Madaxda Dawladda

Dumarku waa Bulshada barked iyo in ka badan, aqoonta iyo waayo-aragnimadana Ragga way ula siman yihiin. Waxay diyaar u yihiin inay ka qayb-qaataan Maamulka Dawladda dhexe, wax badan bayna Ragga dheeraan doonaan.

Masuuliyadda Raggu la dhiiqdo, dumarku wacdaro ayay muujin karaan, sida: Daacadnimada ay Dalka iyo dadka u hayaan. Xilkasnimada iyo Waddaninimada ku dheehan hawlqabadkooda, tiiraanyada ay ku hayaan colaadda iyo xasillooni darrada Raggu caadeystay. Abuuridda xiisaha colaadeed iyo aargoosiga oo Raggu huriyo. Isir-Nacaybka iyo Gacansaarka shisheeyaha lala baalgalo. Qaranduminta iyo xadgudubka Dadka iyo Dalka Raggu ku hayo.

Been-abuurka iyo been-sheegidda Maamulka Raggu ka taliyo. Lunsashada hantida Qaranka oo noqotay agab Rag. Boobka Raashinka Barakaceyaasha oo Ragga ku gaar ah. Caddaalad-xumada raggu ku adeegto. Xilgudasho la’aanta Mas’uuliintu ku adeegato oo ay ku gabeen adeeggii ummaddu ka sugaysey. Laaluush- bixinta iyo Laaluush-cunidda Raggu xalaalaystey. Dhagarta iyo Marin-habaabinta Ragga ku gaarka ah. Ku xadgudubka xuquuqda Bulshada, iwm.

Dhaqan-rogga kor ku xusan oo Siyaasiinta iyo Madaxda Dalku ay caanka ku yihiin Dumarku lama qabaan oo waa daacad Dalka caymin kara. Sidaas darted, dastuurku waa inuu cad-gooyn weyn siiyaa hawlgalka dumarka, taasoo u noqota 50% joogto ah, sida qaybta Xildhibaannada, Madaxda Maamulka Dawladda, afhayeenka Baarlamaanka, wasiirrada iyo ku xigeenkooda, safaaradaha, iwm.

A) Dastuurku waa inuu xadeeyo asluubta qofka inta aan masuuliyad loo dhiibin, ayadoo dib loo raad-raacayo tariikh-nololeedkiisa/keeda qofka xilka dawladnimo qaadi kara, sida: Xildhibaanka, afhayeenka baarlamaanka, wasiirka 1aad, wasiirrada iyo ku xigeennadooda, madaxda Maamulka Dawladda qaybaheeda kale, sida safaarrada, madaxda ciidamada nabagelyada, kuwa asluubta iyo kuwa Qalabka.

B) Bulshada oo dhan waa inay Dastuurka u codaysaa ee uusan noqon mid ku kooban codaynta xildhibaannada oo la jaho-wareerin karo.

C) Mas’uulka Dawladda Federaalka ahu waa inuu/inay ahaadaan mawaadiniin Soomaali ah oo Muslim ah boqolkiiba boqol, waana inay ka tanasul ka sameeyaan basaboorka ajnabi ah ciddii sidata, sida xulashada: Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, afhayeenka Baarlamaanka, ku xigeenkiisa, wasiirka 1aad, ku xigeenkiisa, wasiirrada iyo ku xigeennadooda, madaxda Ciidanka Pooliska, asluubta iyo madaxda ciidanka Qalabka, safiirrada,iwm.

D) Mas’uul kasta oo gacansaar iyo baalgelin la leh Madax ama Dawlad shisheeye xil Dawladeed laguma aamini karo, ummaddana daacadnimo uguma adeeegi karo.

Prof. Mohamoud Iman Adan - Keydmedia.net Chief Editor - Virginia, USA
Mohamoud.iman.adan@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.